Saturday May 25th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Ramadaan Axkaam & Eedaab Qaybtii 4aad

0
Tuesday May 14, 2019 - 08:24:20 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ramadaan Axkaam & Eedaab Qaybtii 4aad

    Ramadaan Axkaam & Eedaab Qaybtii 4aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ramadaan Axkaam & Eedaab Qaybtii 4aad
7:Ramadaan Waxyaabaha ay gaarka la tahay.
Waxaa jira waxyaabo ay gaar la tahay ama u khaas ah Ramadaan oo ay kaga duwantahay waqtiyada kale & Billaha kale waxaana ka mid ah:
oQuraanka ayaa soo degay Ramadaan, Ramadaan waa bishii Quraanku soo degay hanuunka Illaah inooga soo diray Samada cidii raacdaana najaxayso cidii gees martaana khasaaroobayso, sidaa waxaa inoogu sheegay Illaahay swt Quraankiisa oo wuxuu yidhi: Bisha Ramadaan waa bishii Quraanka la soo dejiyey. Ma sharaf ka wayn baa jirta in quraanku soo degay Bishan barakaysan ,Aayad kalena Illaah SWt wuxuu yidhi: waxaan soo dejinay Quraanka habeen barakaysan, Rasuulkeenuna wuxuu yidhi Scw: Quraanka waxaa la soo dejiyey habeenka laylatul Qadri Samada Sare ayaa laga soo dejiyey isagoo jumlad qudha ah waxaana la soo qaybiyey dhowr iyo labaatankii sano ee uu soo degayey, waxaa kaloo jira in uu yidhi Xabiibkeenu Scw: Suxufta Ibraahim cs waxaa la soo dejiyey iyadoo Ramadaan ay tahay kow, Tawraadna waxaa la soo dejiyey habeenkii todobaad ee Ramadaan, Injiilna waxaa la soo dejiyey 13 habeen markii ay socotay Ramadaan, Quraankana waxaa la soo dejiyey markii Ramadaan ay ka tagtay 24 habeen, dhamaan daliiladaasi waxay inoo cadaynayaan in quraanka la soo dejiyey Ramadaan waana waxyaabaha ay gaarka la tahay Ramadaan waana sida loogu magacaabo Bishii Quraanka,
oWaa Bishii Maqfirada,Bishani Ramadaan waxay gaar la tahay waa bishii denbi dhaafka sida uu inoo cadeeyey Rasuulkeenu scw wuxuuna yidhi: Sankiisu ha boodhoobo qofka Ramadaan soo gaadhay een loogu denbi dhaafin, waxaa kale oo Xabiibkeenu yidhi Scw: qofka Ramadaan istaaga tukada isagoo rumaysan Allena wax kaga doonaya waa loo dhaafayaa denbigiisa wixii hore uga dhacay, waxaa kaloo uu inoo sheegay xabiibkeenu scw: Ramadaan ilaa Ramadaan kale laga gaadhayo qofka waa loo dhaafaa wixii denbi ka dhacay hadaanu ahayn denbi kabiiro ah,
oXorayn Naarta ah, Bishani waxay gaar u leedahay habeen kasta oo ka mid ah Illaahay swt wuxuu naarta ka xoreeyaa 100 kun oo qof oo dhamaantood naarta mutaystay habeenka ugu danbeeya ee Ramadaana wuxuu ka xoreeyaa Naarta intii uu ka xoreeyey Bisha Ramadaan isku darkeeda in le’eg, waa fursad aad u qaali ah ayna mudan tahay inaan si wayn uga faa’iidaysano oo ku dedaalno in aynu samayno Camalo wacan oo Illaahay naarta inagaga xoraynayo.
oLaylatul Qadri,bishani waxyaabaha ay gaarka la tahay waxaa ka mid ah habeenkaas qaaliga ah ee la yidhaaho Laylatul qadri waa habeen ka khayr badan kun bilood, xikmada Illaahay iyadoo umadeena cimrigeedu yaryahay ayaa lagu kabayaa cimrigeena waqtiyo aad u naaxinaya cimrigeena oo inoo barakeenaya waxaana ka mid ah Bishan, hadii qofka Illaahay waafajiyo habeenkan Laylatul qadri wuxuu ka dhigan yahay in 83 sano camalkooda uu qabsaday, Illaah ayaan ka baryaynaa inaan helno habeenkaas ku gaarka ah Bishan Ramadaan.
oAlbaabada Jannadaa la furaa,bishani waxay kaga duwan tahay billaha kale waxaa la balaqaa ama la furaa Albaabada Jannada oo albaab qudhaata lama xidho oo Jannada ku yaala bishan, waxay tani ka dhigan tahay Jannada cidii markaas camalkeeda qabsataa waa u diyaar , Alle ha inaga dhigo.
oAlbaabada Samada Ayaa la furaa, bishani waxyaabaha ay gaarka la tahay waxaa ka mid ah sida Rasuulkeenu inoo sheegay Albaabada Samadaa la furaa,
oShaydaankaa la xidhaa,bishani waxyaabaha ay gaarka la tahay waxaa ka mid ah Shaydaankii madaxa adkaa waa la xidhaa si uu qofka muuminka ahi uga badbaado sharkiisa una sameeyo camalo iyo daacaad wax u taraya aakhiradiisa iyo aduunkiisa.
oAlbaabada Naarta ayaa la xidhaa, Bishan waxaa la xidhaa albaabada Naarta waxaanay inoo sheegaysaa arintani in Naarta Illaah swt inooga xidhay si aan bishan uga badbaadno uguna dedaalno inaan saxano wixii hore inooga khaldamay.
oWaa bishii Raxmada, Ramadaan waxay la gaar tahay waa raxmad sida uu inoo cadeeyey Xabiibkeenu waa bil Ilaah inoo naxariisanayo , waa bil Muslimiintu isku naxariisanayaan waa bil wada Raxmad ah Illaah swt ha inaga dhigo kuwuu u naxariisto.
oCamalka ayaa la labanlaabaa, Bishan waxyaabahay gaarka la tahay waxaa ka mid ah Camalka qofku qabto waa loo laban laabayaa ka soo qaad cimradii Ramadaan waxay u dhigantaa Sida adigoo la Xajjiyey Rasuulkeena Scw, saqada ramadaan iyo wax kastoo la qabto Ramaddaan dhexdeeda way ka duwan tahay bilaha kale oo waa ka ajar badan tahay.
aan ka faa'iidaysano waxyaabahay la gaarka tahay Ramadaan, waa bil ah laan dheerihii Billaha sanadka.
Lasoco qaybta shanaad.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Wershada Maaxda Oo Loo Aqoonsaday Wershada Ugu Waxsoosarka Wanaagsan Ee Dalka
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
WAREYSIYO