Sunday August 18th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Dastuurka Somaliland ma la jiifiyaana bannaanbaa? MADAXWEYNE-NIMADUNA??? BY: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

1
Tuesday May 14, 2019 - 08:41:45 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dastuurka Somaliland ma la jiifiyaana bannaanbaa? MADAXWEYNE-NIMADUNA??? BY: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

    Dastuurka Somaliland ma la jiifiyaana bannaanbaa? MADAXWEYNE-NIMADUNA??? BY: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dastuurka Somaliland ma la jiifiyaana bannaanbaa? MADAXWEYNE-NIMADUNA??? BY: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
Madaxaweyne-nimadiyo
Maskabkiyo xilkaaguba
Ma muquunis uun baa?

Ma miskiinka darafkee
Muska reerka joogiyo
Magantaada xidho baa?

Ma masaar afweynoo
Muruqmaalka liitiyo
Maxasta uun jaraysaa?


Ma fallaadh mariidliyo
Mishigaan duryamayoo
Masalaha ag yaallaa?

Mise waaba miiniyo
Madaafiicda goobtiyo
Militeri hariiryo leh?

Ma mas iyo abees iyo
Jilbis milil afuufoo
Madaxtooyo korisoo
Muska Xaraf ag jiifaa?


1) Ismaaciil Yare wuxuu yidhi "Anigu Muuse madaxweyne uma aqoonsani kuna odhan maayo"

2) Guri Barwaaqo: Waa ninkii aflagaadeeyey Mujaahid Sayyid Maxammed Cabdulle Xassan, kuna sifeeyey nin aan Muslim ahayn, sidoo kale dafiray taariikhdii daraawiishta oo ku tilmaamay wax aan jirin oo dhib mooyee aan waxba laga dheefin. Waa ninkii aflagaadeeyey hablaha Ciidagale oo weliba ka qoray buugga (Satanic Verses) ee waddanka khalkhalka gelin gaadhay ee mudahaaradyada iyo shiraraka Jaraa'id ee isdaba joogga ah sababi jirey ee qabiilooyinka madaxa isu gelin gaadhay.

Madaxweynaha "Jamhuuriyadda" ma aqoonsani iyo 18ka May ma aqoonsani keebaa denbi ah, keebaanse ahayn? Keebaan dastuurka waafaqsanayn oo xadgudub ku ah, keebaanse ahayn?

Waa maxay sharciga qabtay Dhakool ee aan qaban labadan nin ee kale?

Ma Dhakool baa amniga khatar ku noqday oo dad kiciyey mise ninka buugga ku qoray aflagaadada ee qabiilooyinka foodda isu gelin gaadhay kana tallaabay xadkii anshaxa ee Soomaalida iyo kan Islaamkaba?

Siyaad Barraa xaqdarro samayn jirey ma sidanay dhashay?


Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

dalmarbilaal@yahoo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
WAREYSIYO