Sunday August 18th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

SOOMAALILAND RAALI MAKA NOQON KARTAA IN CAASIMADA SOOMAALIYA GAROOWE LA KEENO ISAGOON MAAMULKA MAJEERTEEN KA TANAASULIN SHEEGASHADA DHULKA SOOMAALILAND EE UU SIYAASAD AHAAN UGU MURMAYO ?

0
Wednesday May 15, 2019 - 14:15:01 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOOMAALILAND RAALI MAKA NOQON KARTAA IN CAASIMADA SOOMAALIYA GAROOWE LA KEENO ISAGOON MAAMULKA MAJEERTEEN KA TANAASULIN SHEEGASHADA DHULKA SOOMAALILAND EE UU SIYAASAD AHAAN UGU MURMAYO ?

    SOOMAALILAND RAALI MAKA NOQON KARTAA IN CAASIMADA SOOMAALIYA GAROOWE LA KEENO ISAGOON MAAMULKA MAJEERTEEN KA TANAASULIN SHEEGASHADA DHULKA SOOMAALILAND EE UU SIYAASAD AHAAN UGU MURMAYO ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SOOMAALILAND RAALI MAKA NOQON KARTAA IN CAASIMADA SOOMAALIYA GAROOWE LA KEENO ISAGOON MAAMULKA MAJEERTEEN KA TANAASULIN SHEEGASHADA DHULKA SOOMAALILAND EE UU SIYAASAD AHAAN UGU MURMAYO ? Waxaa la filayaa in caasimada dalka soomaaliya loosoo wareejiyo garoowe wakhti aan fogeyn kadib markii dadkii lahaa caasimada soomaaliya ee xamar si midaysan ugasoo horjeesteen kadib markii ay dawlada ka talisaa kula kacday waxyaabo aanu caqliga bani,aadamku qaadan karin sida laynta aan xadka lahayn , xidhitaanka wadooyin magaalada , bahdilaada shacabkooda , amnidaro baahsan , cashuur keligood laga qaado oon waxba loogu qabanayn , hanjabaad iyo afxumo joogto ah .

Dhamaan waxaas oo dhibaato ah oo dadka reer muqdisho lagula kacayo waxaa looga jeedaa sidii caasimada dalka looga wareejin lahaa maadaama la qorsheeyey in ciidamada amisom laga saaro dhowaan taasoo aan amnigeeda dawladu siijoogi karin iyo inaan xildhibaanada labada aqal laga adkaan karin hadaan meel cidla ah oo aanay ka baxsan karin lala tegin gaar agaan kuwa mucaaradka ah , ciidanka soomaalidana laysku halayn karin ilaalintooda maadaama cidkastaa gacan gelin karto loona baahan yahay in sifo qabiilaysan loogu ilaaliyo meel amaan u ah siyaasada soomaaliya .


Hadaba soo wareejinta caasimada soomaaliya loosoo wareejinayo garoowe waxaa lasoo raacin doonaa ciidamo amisom ah kuwaas oo lagusoo guri doono gudaha soomaaliland si looga ilaaliyo soomaaliland oo ah meesha keliya ee khatarta ku haysa garoowe oo maamulkiisa isla markaana doonaysa in ay siyaasad ahaan isugu dhufato ciidankaas amisom iyo kuwa soomaaliland si ciidanka soomaaliland ay ugu adeegsato ciidanka amisom sidii ay hore ugu adegsatey ciidanka galmudug , isla markaana ay shacabka soomaaliland ee ay haybta ku sheeganayso iyagana ugu hubayso si ay ula dagaalamaan soomaaliland si ay firsad kale ugu hesho in dhulkaa ciidan caalami ah lakeeno si ay uga badbaadiso soomaaliland garoowe iyo dhulka ay iminka ciidankoodu fadhiyaan oo ah qalad siyaasadeed joogitaankoodu wadooyin farabadana furaysa ahna in debeda looga saaro gudaha soomaaliland .

Hadaba putlaan oo ah meesha fidnada iyo dhibaatada soomaaliya iyo geeska afrikaba u aabaha ah ahna tasida tooska ah gacanta ugu haysa siyaasada soomaaliya maadaama dadka dhulka kula nooli ahayn dad siyaasada noocyadeeda iyo sida loo rogrogo waxka yaqaan tusaale ahaan galmudug oo ahaa cadowgeeda koobaad oo ay siwalba ula dagaalami jirtey xitaa ciidamada maraykankana u adeegsatey ayay maanta shirkii garoowe u adeegsatey gaashaan ahaan inay ka horgeyso dawlada dhexe iyadoo iska horaysiinaysa kuwii dawladu wadateyna kasoo jartay haddana doonayso inay casisho raysal wasaaraha maadaama uu raysal wasaaruhu doonayo in uu xeerba batroolka meel mariyo kasoo jirtaankeeda siyaasadeed lidku ah dhowaana laridayo .

Hadaba soomaaliland waxaas oo siyaasad ah oo ay butlaan walaaqayso oo dhamaantood hor imandoona soomaaliland hadaanay kasii hordegin ma muuqato wax uga meelyaal mustaqbalka intuusan daadku soogaadhin .

Waxaan sicad u sheegayaa in soomaaliya iyo geeska afrka midkoodna uusan degeyn nabadina ka dhalanayn siyaasadiisana laga gungaadhi karin hadaan putlaan gacan bir ah waxlagaga qaban .

Qore :maxamed aadan

Hadaba soo


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
WAREYSIYO