Sunday August 18th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Mujaahidiinta Madasha WADA-tashigu nin walba Garaadkiibuu hadlay

0
Tuesday June 04, 2019 - 10:26:27 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mujaahidiinta Madasha WADA-tashigu nin walba Garaadkiibuu hadlay

    Mujaahidiinta Madasha WADA-tashigu nin walba Garaadkiibuu hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mujaahidiinta Madasha WADA-tashigu nin walba Garaadkiibuu hadlay
Odayada Madasha wadatashiga oo xaalada dalka ka Hadlay Ayaan jeclaystay inaan laba oday oo muxtarim ah hadaladoodii midba erey ka idhaahdo wixii iiga baxay.

Mujaahid Xasan Guure oo ka mid ah Mujaahidiinta mar walba umada bad-baadinteeda ku Hawlan waxaan ku bogaadinayaa sida Aqoonta, aragti fogaanta, iyo tudhaalaha leh ee uu qadiyadaha cakiran uga hadlay.

Sida uu sheegay Xadhiga xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool sharciga ma waafaqsana, xadhigiisa iyo sii hayntiisuna waa Dastuur jebin cawaaqib xumo ka dhalan doonto sharcigana hadaan xukuumadu Ilaalin garan mayo cida lagu dhaqi doono ee aqbalaysa.



Waxa kale oo aan bogaadinayaa xaqiiqonA ah sida Muj. Xasan Guure sheegay Golaha wakiilada iyo Golaha Guurtidu Doorashooyinka ma qabtaan masuulna Kama aha, haddii ay qabsoomi waayaana iyagu kuma dhaliilna ee waxa ku ceebaysan Xukuumada iyo xisbiyada ilaa hadda isku haysta sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, taas oo haday qabsoomi waydana ay xilka sii haynayaan ilaa inta Kuwa masuuliyadoodii dayacay doorasho ku qabanayaan, waqtigeedii haday ku qabsoontana sida marar badan shir gudoonku cadeeyey ay diyaar u yihiin inay kuraasta baneeyaan wixii iyaga ku xidhana ay dhamaystirayaan.


Wasiirkii Hore ee Maaliyada Xukuumadii Axmed Siilaanyo Mudane Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu cay iyo aflagaado qaawan kula dul dhacay Mudanayaasha labada gole oo uu ku tilmaamay Qaar laaluushka iyo xaaraanta xalaashaday oo aanu samuhuba ku duxin waxaanu ku tilmaamay inay sharci daro ku fadhiyaan oo xasaanad iyo xil-toona aanay haynin.


Maxamed Xaashi ayaan intaas ku hadhine waxa uu madaxweynaha laftiisa ku eedeeyey nin aan mushaharkiisa ku qanacsanayn oo wax ka badan oo xaaraana jeclaysanaya

Waxaan leeyahay Maxamed Xaashi oo keligii saxane/keligii muwaadin ah Sharcigu aragtidaada maaha ee waa waxa ku qoran Dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala, Golayaasha qarankana sharcigaas bay ku yihiin sharci Kuna leeyihiin Xasaanad aan cidina ka qaadi Karin qof sharciga indhaha ka xidhaya mooyaane.

Maxamed Xaashi Cilmi isaga ayaa Mudadii koobnayd ee uu wasiirka ahaa Caan ku noqday Eex iyo qaraabo kiil badheedh ah oo cid kastoo wasaarada ahayd ama ay Wada shaqayn lahaayeenba xog-ogaal ka ahayd. Waxaan u soo jeedin Lahaa inuu ka waantoobo sharaf dilida iyo aflagaadada joogtada ah ee uu golayaasha qaranka ku hayo isagoon cadayn u haynin waxa uu ku eedaynayo.

Sidoo kalena aanu shuruucda dalka Marin habaabinin oo ka been abuuranin.

Gebagebada qoraalkayga waxaan Xukuumada leeyahay Xildhibaan Dhakool waxa uu leeyahay Xasaanad dastuuri ah, Ha la ilaaliyo shuruucda dalka oo xoriyadiisii si bilaa shuruud ah ha loogu soo geliyo.


Sharcigii inoo dhigan
Inta aan la dhaqangelin
Nina aanu dhinac Marin
Midna jeelka lagu dhigin
Qaran wali dhamaystiran
Oo shacabku dheefsado
Dhabtii iima muuqdaan
dhalanteed la mood iyo
Waa dheeli Xaajadu !!!!!




Allaa Mahad leh


SULEYMAAN CABDISITAAR DUBAD


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
WAREYSIYO