Saturday August 24th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Wax Ka Baro Shaqsiyadda Hawl-karnimo Ee Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi,

0
Wednesday June 05, 2019 - 07:14:50 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Ka Baro Shaqsiyadda Hawl-karnimo Ee Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi,

    Wax Ka Baro Shaqsiyadda Hawl-karnimo Ee Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax Ka Baro Shaqsiyadda Hawl-karnimo Ee Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi,

Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo ka mida ah xeel dheerayaasha aqoon yahanadda reer Somaliland, kana mid ah ragii u soo halgamay dib ula soo noqoshadda madaxbanaanida Somaliland,sidaa darteed waxaan doonayaa inaan qoraal kooban ku yara cabiro shaqsiyada hawl karnimo ee Col. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi,

Waa mid aynu dhamaanteenba rumaysanahay in qof kasta oo inta uu aduunka jooggo hogaamiye u noqda ummad in suurtogalnimadeedu ay tahay mid xagga RABI laga qoray,

Hase yeeshee ay tahay Iraaddo xagga RABI ka timid oo qofkaasi loo qoray markii la Abuuray, taasi oo inoo cadaynaysa sida aan madaxnimo iyo hogaamin midnaba aan loogu gaadhi Karin dedaal, geesinimo, aqoon, wax bixin, hadal wanaagsani, ama wax kale. Balse waxa jirra astaamo iyo hab-dhaqan haybadeed iyo sifooyin gaar ah oo inta badan lagu tilmaansan karro qofka ku haboon in uu hogaamiye noqdo.

Astaamahaasi oo laga dheehan karro kana muuqda inta badan shaqsigaasi, oo uu kaga soocan yahay bulshadda uu la nool yahay, laguna yaqaano oo ka soo muuqda ama ka soo if-baxa habka iyo hanaanka uu qofkaasi u dhaqmo

 

bulshada kalena ula macaamilo. kuwaasi oo ay ka mid yihiin sida uu u fikiro, waxyaabaha uu aaminsan yahay, hankiisa, himiladiisa, waxa uu hiigsanayo, sida uu wax u maamuli lahaa haddiiba uu hogaamiye noqdo iyo waxa uu ku hamiyayo.

Haddaba, waxaan qoraalkaygani uga dan leeyahay ama aan uga socdaa in aan bulshadeena wax yar uga iftiimiyo shaqsiyadda iyo hab-dhaqanka hogaamineed ee ka muuqda Col. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi,

Hadaba waxaan filayaa in cidkasta oo bulshadeena ka mid ahi ay aqoon guud iyo mid gaar ahba u leeyihiin, inta badan bulshadda Somaliland

 

Hadaba qormadan oo aanu si taxane ah ugaga warami doono uguna soo qaadan doono shaqsiyadiisa, heerkiisa aqooneed, khibradiisa shaqo iyo arrimo kale, waxaanau si balaadhan ugu faaqidi doona, uguna lafo-guri doonaa qofka uu yahay Col. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi,

Wuxuu ku dhashay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, isagoo wax ku bartay dugsiga caanka ah ee Sheekh.

Iyadoo markii uu waxbarashadda dugsiga sare dhamaystay loo diray dalka Ruushka oo uu waxbarasho sare oo jaamacadeed ku soo qaatay cilmiga milateriga.

Sidoo kale markii uu ka soo noqday dalka Ruushka waxa uu taliye milateri ka noqday goboladda dhexe ee wixii berigaas la isku odhan jiray Soomaaliya.

Sanadkii 1984-kii ayaa hadana mar labaad waxbarasho loogu diray dalka Maraykanka halkaasoo uu waxbarasho jaamacadeed military college.ku soo qaatay

Waxaanumarkii uu dhamaystay waxbarashadiisa u gudbay dhinaca dalka Canada, halkaasoo uu certificate of Engineering ku soo qaatay. Isagoo Canada ku noolaa muddo dheer, isla markaana shaqooyin kala duwan ka qabtay.

Col. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo horaantii sanadkan dalka Somaliland dib ugu soo laabtay ayaa ka ku tilmaamay u jeedadda uu dalka u yimid in ay la xidhiidho sidii uu dalkiisa iyo dadkiisaba wax ugu qaban lahaa.

Iyadoo markii uu gaadhay magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen boqolaal dadweynaha magaaladaas ka mida. Waxaanu Eng. Ibraahim Xaaji, hadda ka tirsan yahay xisbiga Kulmiye.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
WAREYSIYO