Wednesday October 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Soomalilaan kumay iman is xulafeysi jeegaamaysan balse waxaa loo soo huray naf iyo maal ummadda JSL u wada dhameyd ! qalinkii A/rahman fidhinle UK.

0
Thursday June 06, 2019 - 08:42:18 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomalilaan kumay iman is xulafeysi jeegaamaysan balse waxaa loo soo huray naf iyo maal ummadda JSL u wada dhameyd ! qalinkii A/rahman fidhinle UK.

    Soomalilaan kumay iman is xulafeysi jeegaamaysan balse waxaa loo soo huray naf iyo maal ummadda JSL u wada dhameyd ! qalinkii A/rahman fidhinle UK.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Soomalilaan kumay iman is xulafeysi jeegaamaysan balse waxaa loo soo huray naf iyo maal ummadda JSL u wada dhameyd ! qalinkii A/rahman fidhinle UK.
Qaranimada lagu naaloonayaakumeyiman habaqleysi iyo hormo-qamaam, kumey iman, kula lihi iyo kaa lihi, kumey iman ku daneyso iyo ka daneyso, kumey iman hanyari iyohawaawil ee waxay ku timi hal-adeyg, hanweyni, hawlgal adag iyo gumucii iyo gaashaan kiimujaahidiintii xijaabatay eeay ka siinool yihiin inta yaree debedyaalkau ahdacdarada dabeedacauu sicir bararku u dheer yahay.

 
Qaranimadu maaha oo keliya inta Digreetada ku timi, inta dabo socota eedawaada ka maraareysateyiyo inta dibirtay eedoobineysa ee dhibi shaxleyneysa ee Qaranimadu waa shacabka qaybihiisa kala duwan oo noqda qowmiyad mid ahoo lehquluub mideysan oo isku dan ah, isku dad ah, oo isku dal ah,ku waas oo wadaaga dhamaan midhaha dawladnimo sida ilaha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiinmansabka,maganta, moorada iyo maquunadaba.


 
Somalilaan kumay iman Hadyad iyo hagbadjeegaamaysan balse waxaa loo sooqubay dhiig badan waxaana loo huray naf iyo maal ay dhamaan shacabka Somalilaan wada lahaayeen sidaa daraadeed marna xukuumada laga yeeli maayo in ay shacabkii halganka a’dag iyo hayaanka dheer usoo wada maray xornimada dalkoodain la kala fadilo ooloo kala eexdoloona kalabadiyo manfaca, mansabka, maganta, moorada iyomidhaha dowladnimo.

 
Waxaa ayaan daro ah in maanta uu hoos udhacay meeqaamkii, mustawihii iyo tisqaadkii hanaankiigeedi-socodkii dimuqraadiyadeed maadaama sadexdii gole ee la doortay aymudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan Doorashooyinkiina aanay soo naaso cadayn.Waxaa iyana hagaasay maareyntii maamul ,maslaxadii, maamuuskii iyomasiirkii guud ee qarankaSomalilaan kutaamaayey mudada dheer. Markii ay Xukuumaduku soo ururteyhungo madhan iyo Abaal celin Malaasan.Qarankeena yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee raranka maanta saarani wuxuu halkan uu maantajoogo ku soo gaadheyhawlgalo badaniyo hayaan dheer,siyaasiyiin utudha iyo ruug cadaa samo talis ahoo isku duuban oo ummadda isku wada oo walaaleeya oo arin kasta oo cakiranta ku soo dabaali jirey garnaqsi, talo-wadaag,isu tanaasul taas oo intiiba ay maanta meesha ka baxdey oo ay bedeshayquluub kala jeeda,qowleysato hantidayilihii dhaqaalaha ee dalku lahaa,colaado degaan oo degamsan, isu jabhadeyn iyo cadaawe siyaasadeedoo huwandabin isu maleeg joogto ah oo udhaxeeya ceelalyadii ummaddu sugeysayiyodhamaan intii talada wadanka bud dhigi laheyd. Saaxiibkay Raage ayaan ka guntay "Mar hadii rayigu kaa banjaro kuuma buuxsame eh "
Waxaadalkaragaadiyey qabyaalad bacrimtay oo duluca furatay, colaad beelaysan,musuq-maasuq iyo maal urursi xadhkii goostay, mashruuc bursi jeegaamaysan, iskooxeysi shirkadeysan.dhul-boob baahsan oohadaf waqti-dheer ku qotoma ooshaadh iskaashato, mid wershedeed iyo mid shirkadeed gashan taa soo gaboodlooga dhigaydeyr adag oo qabyaadaleysan oo aan gabasho laheyn. Waxaa dalka hagaasiyey Hawlwadeeno aan la carbin oo aan laheyn higsi iyo hilaaddurugsan , odoros iyo aragti fog taas oo nusqaan iyo nitaakhaba ku noqotey haykalkii iyo haybadii, qaranimo, wadaninimadii,wadarnimadii, sumcadii iyo quraxdii dawladnimo, higsigii iyo habsami usocodkii iyo himilooyinkiila higsanaayey eelagu taamaayey mudada dheer.
ShacabkaSomalilaan waxaa deeqa oo keliya cadaalad aysi siman ugu wada noolaadaan oo u wadaagaan midhaha dowladnimo, una sinaadaanilaha dhaqaalaha iyohantida maguuraanka ah ee qaranka si ay udhowrtaan dalkooda , dantooda iyo deegaankooda. Dhammaanmushtamaca JSL, waxa dhiqi kara oo keliya nabad, walaalnimo, waayeelnimo,iyo wadaagaanfaca iyo agabkadalkooda.
Waxaa wax-garadka siyaasadaSomaalilaan udhuun daloolaa ay maanta isku wada raaceen in siyaasada guud ee Somalilaan ay hada ku jirto marin habow, mad-madow badan iyo indo sarcaad baahsan oo iska dabowareeg ah taa soo aan la saadaalin karin lana garan karin qorsheyaasheeda iyo Jihada ay u socoto. Waxay xukuumadu ku fashilantay in ay noqoto xukuumad ummadda wada deeqda, walaaleysa,dhex u noqota, oo dhayda diiftii iyo dildilaacii ay reebtay doorashadii dhamaatay ee la soo dhaafay.Waxaana xukuumada looga fadhiyaa in aydoorashooyinka qabato oo shacabka mideyso oo dalka ka dhigto Somalilaan loo siman yahay oo lawada leeyahay si ay shacabku u noqdaan ul iyo diirkeed, hal qoys oo wax walba wadaaga oo ilaashada danahooda iyo dantooda guud.
Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan""Anigu daaha kama rogin ee dadkuba way arkaayaan "Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso "
Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
WAREYSIYO