Tuesday July 07th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Maxaabiistii Puntland & bahdilaadii Qaranka Somaliland by Amir Bidde

0
Thursday June 06, 2019 - 08:48:12 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaabiistii Puntland & bahdilaadii Qaranka Somaliland by Amir Bidde

    Maxaabiistii Puntland & bahdilaadii Qaranka Somaliland by Amir Bidde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaabiistii Puntland & bahdilaadii Qaranka Somaliland by Amir Bidde Waxa la sii daayaay 14 askari oo cadowga laga qabtay, mararkii ay Puntland weerarada gardarrada ah ku soo qaadaysay dhulka Somaliland, gaar ahaan tuulada yar ee Tukaraq.
Maxaabiis dagaal waa la sii dayn karaa dano siyaasadeed darteed ama iyadoo lagu beddelanayo askar lagaa hayo.
Waxaase ceeb ku ah Qaranka iyo haykalka dawladnimo in maamuus wayn loo sameeyo, askar shisheeye oo iyagoo hubaysan soo weerartay dalkaaga. Weeraradaana ay ku dhinteen rag dalka difaacay, qaarna ku dhaawacmeen kuna laxaad beeleen.
Waxaa la yaab leh in dawladdii oo DHAN sida wasiirada ugu muhiimsan qaranka iyo jananadii ciidamada kala duwan ee dalka, xataa madaxwayne ku xigeenkii ay sii galbiyaan 14 askari ee Puntland oo ay madaarka ka ambabixiyaan. Sidii wax ay yihiin wafdi culus oo Somaliland soo booqday oo dal muhiima ka yimid oo wax wayna inna taray.
Arrintan waxay meel ka dhac wayn iyo qaran jab ku tahay dalkeena. Waxay ciil iyo murugo ku tahay carruurtii ku agoomowday weerarradii nimankani soo qaadeen. Waxay xanuun ku tahay askartii Somaliland ee ku laxaad beelay dagaaladaa ee iskaa daa wax loo qabtee, aanu weli isasoo kortaagin nin xukuumadda magac ku lihi.
Waxay niyad jab ku tahay kuwa weli jiidda hore gaadhka ka ah ee dalka difaacaya.
Waxa meesha ka caddaatay in gadhwadeenka Somaliland yahay geeljire aan siyaasadda dunida iyo xurmaynta qaranka waxba ka garanayn. Dadkaa aan dunida waxba kala socon, masuuliyadda ka saaran (ciidanka) qarankana jaahil ka ah ayaynu innaguna inay dalka aqoonsi u keenaan ka sugaynaaa!!! Waa kaaf iyo kala dheeri.


Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde
Hargaysa

 
 
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
WAREYSIYO