Tuesday July 07th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Muwaadin Iskaa Wax u Qabso ku Banneeyay Laba Waddo oo Isku Xidha Berbera iyo Laasa-dacawo

0
Sunday June 09, 2019 - 15:57:06 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muwaadin Iskaa Wax u Qabso ku Banneeyay Laba Waddo oo Isku Xidha Berbera iyo Laasa-dacawo

    Muwaadin Iskaa Wax u Qabso ku Banneeyay Laba Waddo oo Isku Xidha Berbera iyo Laasa-dacawo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadin Iskaa Wax u Qabso ku Banneeyay Laba Waddo oo Isku Xidha Berbera iyo Laasa-dacawo
Muwaadin u dhashay Somaliland, ayaa ku dhaqaaqay tallaabo ku dayasho mudan oo uu si iskaa wax u qabso ah dalkiisa iyo dadkiisa wax ugu qabanayo, waxaanu banneeyay oo uu furay laba waddo oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka gobolka Saaxil.
Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo ka mid ah aqoon yahanka reer Somaliland, isla markaana ka mid ahaa ragii ka soo qayb qaatay xiligii dib u dhiska dalkan lagu jiray oo dalka muddo ka maqnaa ayaa markii uu dalkiisa hooyo ku soo noqday waxaa uu u dhaqo dhaqaqay in uu dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabto, waxaanu banneeyay oo uu furay laba waddo oo isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Laasa Dacawo oo ka tirsan gobolka Saaxil.
Sidoo kale waxa uu wadanka ka sameeyey mudadii uu joogay beero badan oo ah nooca wax soo saarka
iyo dalagyada kala duwan isla markaana uu uga dan lahaa sidii uu dadkiisa uga saari lahaa baahida iyo
saboolnimada ka haysata dhinaca wax soo saarka beeraha isagoo ku dhiiri galiyey inay xoogooda wax
kula soo baxaan oo ay dhulkooda qotaan


Col. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo horraantii sannadkan dalka Somaliland dib ugu soo laabtay ayaa ku tilmaamay ujeedadda uu dalka u yimi in ay la xidhiidho sidii uu dalkiisa iyo dadkiisaba wax ugu qaban
lahaa. Iyadoo markii uu gaadhay magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil si weyn loogu soo dhaweeyay isla
markaana uu deg deg ugu dhaqaaqay waxqabadyo kala duwan oo uu kaga shaqaynayo arrimaha bulshada horumarintooda.

Waxaanay dadweynaha gobolka Saaxilaad u soo dhaweeyeen sida hawlkarnimada iyo aqoonta ku dhisan ee uu durba Eng Ibraahin wakhtigiisa iyo maalkiisaba ugu huray in uu ka shaqeeyo arrimaha bulshada isagoo aan dawladda wax xil ah aan ka haynin. Eng Ibraahin ayaa ka mid ahaa madaxdii Xisbiga KULMIYE
ee Qurbaha.
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
WAREYSIYO