Tuesday July 14th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Agaasime Carwo Oo Ka Hadlay Sarrifka, Farriina U Diray Ganacsatada

0
Tuesday June 11, 2019 - 08:18:25 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasime Carwo Oo Ka Hadlay Sarrifka, Farriina U Diray Ganacsatada

    Agaasime Carwo Oo Ka Hadlay Sarrifka, Farriina U Diray Ganacsatada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasime Carwo Oo Ka Hadlay Sarrifka, Farriina U Diray Ganacsatada

Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo, ayaa ka hadlay qiimaha sarifka, waxaanu xusay inay dadaal ugu jiraan sidii lacagta Somaliland tayo u yeelan lahayd.

Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo, oo u waramayWargeyska Geeska Afrika,ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Dabcan is bedel ayaa ku yimid qiimihii sarifka lacagta doolarka, oo lacagtii doolarku hoos ayey u dhacday, shilinkii Somaliland sare ayuu u kacay, oo tayo ayuu yeeshay,dadku aad iyo aad bay ugu farxeen oo ay u soo dhaweeyeen, Siyaasada Xukuumadda iyo Qorshaha Baankuna waa sidii uu shilinkeenu tayo u yeelan lahaa,sicir bararkana loola dagalaami lahaa, oo dadkuna si ay maalin walba ula socdaan qiimaha sarifka, fariimo ayaa mobiladooda gacanta loogu diraa”.

Mar uu ka hadlaayey Ganacstada ayaa yidhi "Ganacstadu markii lacagta doolarku qaaliga ahaa, waxay shacabka ka qaadi jireen doolar, hadda oo uu jabayna waxay ka qaadayaan lacagta Somaliland, oo waliba qiimihii ay markii hore ee uu doolarku qaaliga ahaa ayey wixii ay wax siin jireen ayey wax kaga iibinayaan, waxay ahayd madaama uu doolarkii jabay inay wax walba ay jabaan, gaar ahaan Maceeshadam sidaas oo ay tahay markaas Ganacstadu sidaas ay hadda u jeclaadan shilinkii Somaliland, shacabkoodana ha u jeclaadan, oo ha u tudhaan, maceeshadana ha u jabiyaan”

Mar uu ka hadlaayey shir ay dhawaan qabanayaan ayaa wuxuu yidhi " Waxaanu isha allaah bishan guddaheeda gaar ahaan bishan 23 iyo 24 aanu qorshahaygu yahay in aanu qabano Shir balaadhan oo aanu iskugu yeedhayno qaybaha kala duwan ee

Xawaladaha,Baananka,waxaana Shirkaas lagaga hadli doonaa arrimo badan oo aanan hadda ka sii hordhici doonin, balse ku saabsan hawlaha Baanka”

 


Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
WAREYSIYO