Sunday June 16th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Milicsiga Taariikhdii Sh Bashiir Ubadkii Taleexeed. 1905 - 1945

0
Wednesday June 12, 2019 - 07:30:51 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milicsiga Taariikhdii Sh Bashiir Ubadkii Taleexeed. 1905 - 1945

    Milicsiga Taariikhdii Sh Bashiir Ubadkii Taleexeed. 1905 - 1945

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milicsiga Taariikhdii Sh Bashiir Ubadkii Taleexeed. 1905 - 1945
Waxaan la soconaa in Islaamku waqti aan yarayn ka soo talinayey dunida soona mareen caalamka dowlado badan oo Islaam ahi, uguna horreysey dowladii Nebiga (SCW),unuggeda lahaa iyadoo ugu dambayntiina 1300 sannadood dabadeed markii
dhiilkii xeer-dhaafka iyo falaadku buuxsamey ay taasi keentay is maaxdumin Ilaahayna gartay in laga awood bato oo ay taag-darreeyaan awoodihii islaamku. Waana tii ilaahay quraankiisu ku tilmaamay in loolanka Addunku jiri doono
maalinbana qolo loo gacan gelin doono iyadoo lagu eegayo bal sida ay ka yeelaan. " Wa tilkal Ayyaamu Nudaawiluhum Beyna Annaas.........." .
Arrinkaa waxaa ka dhashay in xulufooyinkii ka soo horjeedey islaamku ay ka faa’iideysteen dib u dhacaa ku yimi dowladii islaamka iyo guud ahaanba
bulshoweyntii muslimiinta,iyagoo bilaabay inay kala qaybsadaan dhaxalkii dowladii
bur-burtay.
Siday sooyaalyahannadu sheegayaan, hilaadddii, gugii 1884kii waxa ciirtay boqortooyoweyntii cismaaniyada ee in badan dhaqanka islaamka ku maamuli jirtey in badan oo adduunka ah. Taasi waxay horseed ka noqotay inay furmaan ama
bannaanaadaan waddooyin halaq mareen ihi. Waddooyinkaas halaq mareenka ah waxa ugu weynaa oo soo raacay qaar ka mid ah Abrisyadii kasoo gurguurtey qaaradda Yurub iyadoo Ingriisku degeshedey Somaliland oo uu maxmiyad ka
samaystay. Ololihii ugu weynaa ee dagaal waxa ku kiciyey oo dagaal dheer la galay 1899 hoggaamiyihii daraawiishta ee Mohamed Abdille Hassan. 1905 waxa daraawiishta iyo Ingiriisku kala saxeexdeen heshiis nabadeed oo jirey muddo 3
sannadood ah. Sannadkaas nabadda waxa ku dhashay degaanka caanka ah ee loo yaqaan Taleex wiil loo bixiyey Bashiir ama ( Maxammed Bashiir). Waxa dhalay Skeikhii diinta bari jirey ciidamadii daraawiisheed ee saldhigooda ugu weyni ahaa xaruntii taleex oo la odhan jirey Sheikh Yusuf Sheikh Xasan Fiqi Cabdilaahi Fiqi


Cismaan oo Ab ka Ab culimo-nimada ku abtirsanjirey,sida ka muuqata abtirsiimadiisa quruxda badan iyadoo ay soomaalida ku yar yihiin dad sidaas oo kale ahi.Waxaa kaloo aan marnaba la illaawi karin Sh Yuusuf inuu ka mid ahaa raggii
Sayidku soo dhaweysan jirey lana tashan jirey aqoontiisa diineedna aadka ugu kalsoonaa.Weliba Sh Yuusuf Alle haw naxariistee wuxuu ahaa gabayaa suugaan- yahan ah oo waxa uu doonayo iyo waxa uu diidayo intaba ku cabbiri jiri suugaantaa
Rabbi u fududeeyey.Anigoo tixraac iyo markhaati u yeelaya qoraalkayga aadna u rumaynsan in qoraalku ammaano igu yahay waxaad iga guddoontaan tixdan gabayga ah ee inoo iftiiminaysa murti-maalnimadii shiikha. Wuxuu ka gabyayaa xarafka (( WEEYE)) oo aan isaga hortii soomaaliyi ka gabyin ilaa Sayidkii ku yidhi: Xaraf kasta oo Af Soomaali ah waan ka gabyey ee weeye sidaad ku heshay Sh
Yuusufoow.Gabaygu wuxuu ku bilaabmayaa sidan soo socota:

Wixii Toban-Jirkii igaga tegey Inaan tebaa weeye.
Inaan toobadkeenoo naftana Tiir ku xidho weeye.
Kutubaha Ilaahay inaan tacallimaa weeye.
Tawxiidka oo idil inaan tafa-tiraa weeye.
Inaan tolo-log daayoo wuxuun taransadaa weeye.
Toociga saraareed inaan col u tagaa weeye.
Nimankii talaan buuxsanaa inaan tumaa weeye.
Akhriste,gabaygu wuu dheer yahay,gabayo kalena way jiraan ee bal qeybta hore
intaa aynu ku nasanno.
La soco qaybta 2aad.
Abdimajid


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Wershada Maaxda Oo Loo Aqoonsaday Wershada Ugu Waxsoosarka Wanaagsan Ee Dalka
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
WAREYSIYO