Tuesday July 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Tigaadi Iyadaa Laacda: Mareeye Raage Wuxuu Muujiyey Dadaal

0
Sunday July 07, 2019 - 07:55:28 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tigaadi Iyadaa Laacda: Mareeye Raage Wuxuu Muujiyey Dadaal

    Tigaadi Iyadaa Laacda: Mareeye Raage Wuxuu Muujiyey Dadaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tigaadi Iyadaa Laacda: Mareeye Raage Wuxuu Muujiyey Dadaal
Wuxuu xilka la wareegay January 20, 2019 waxa laga joogaa Shan Bilood iyo Shan iyo Toban Casho, haddaba maxaa u qabsoomay
Maareeyaha cusub muddadaas uu xilka hayey, ma jecli in aan noqdo qof been ku marag fura oo wax aan jirin ummada u sheega laakiin waxa aan jeclahay qayb yar oo ka mid ah wixii qabsoomay in aan bulshada u si kor ka xaadis ah ula wadaago,
Siday Ahayd Xaaladda Madbacadda Qaranku Markii uu Xilka La Wareegay Inkasta oo Maareeyihii ka horeeyey uu sameeyey wax badan oo lagu xasuusto taariikhduna ka marag furi doonto haddana, dhamaadkii muddo xilaadkiisa xaaladdu
waxay ahayd mid adag oo cakiran, shaqaaluhuna waxay lahaayeen saddex bilood oo
mashaharooyin ah, waxa dayactir la’aan u fadhiyey badiba mashiinada daabacaadda, waxa intaa dheeraa duruufo wada shaqayneed iyo go’doon ay Madbacadda Qaranku kaga jirtey dawladda dhexe.


Haddaba Muxuu Soo Kordhiyey Maareeyaha Cusubi Nasiib wanaag, waxa uu isla maalintii xilka uu lawareegayba bilaabay dardar gelin
shaqo isaga oo shirar xogogaal u noqosho ah la galay maamulka iyo shaqaalaha farsamada intii muhiimka u ahayd dhaqaajinta shaqada , waxa uu ogaaday caqabadaha jira ka dib waxa uu qaaday talaabooyinkan oo noqday kuwo la mahadiyey soona celiyey rajadii shaqada iyo shaqaalaha.
1. Waxa dib u qiimayn lagu sameeyey mashiinadii dayactir la’aanta u fadhiyey intii suurto galka ahaydna waa la kiciyey oo la hawl geliyey
2. Waxa la qabtay shirar isdaba joog ah oo qaarkood ka dheceen hudheelada waawayn ee magaalada qaarkoodna hoolka shirarka ee madbacadda qaranka shirarkaas oo Maareeyaha cusubi uga gol lahaa in lagu sameeyo qorshe bud dhig u noqda laba kaclaynta cusub ee uu maaganaa ama maankiisa ka dhex guuxaysay

3. Waxa soo baxay qorshe balaadhan oo lagu ururiyey baahiyaha Madbacadda Qaranka iyo sidii looga bixi lahaa taas oo uu la wadaagay xafiisyadii dawladda
ee ay khusaysay
4. Waxa uu bixiyey mushaharooyinkii shaqaalaha ee ka soo wareegay 2018-ka iyo bishii January ee sanadkan oo noqonayey saddex bilood mushaharkood.
Waxaana si caadi ah ku soo noqday helitaankii mushaharka shaqaalaha.
5. Waxa uu diyaariyey qorshe horumarineed oo baaxad leh "development plan”
6. Waxa uu soo iibiyey hal mashiin oo cusub kaas oo si deg deg ah u bilaabay
shaqadiisii
7. Nasiib wanaag waxa uu abuuray saaxiibo cusub iyo daneeyayaal diyaar u ah dib
u dhiska Madbacadda Qaranka.
Si fudud u dhaqaajinta hawlaha shaqo ee Madbacadda Qaranka waxa ka saaciday
sooyaalkiisii shaqo ee isugu jirey midka maamul iyo midka siyaasadeed ee uu muddada
nus qarniga ka badan ku soo dhex jirey
Ugu danayn Madaxweynah waxa aan ugu hambalyeynayaa in uu soo magacaabay
masuul haddii shaqada lagu ilaaliyo waxna lala qabto wax badan oo isbedel ah u
horseedi doona Wakaaladdan xudunta dhaqaale iyo ta amni u ah qarankeena.

Qalinkii: Abdirashid M. Warfaa
Hargeysa, Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
WAREYSIYO