Sunday November 17th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

DAGAALKA VILLA SOMALIA KUMA KOOBNA 'WAR-MURTIYEED' EE WAA MID QORSHAYSAN

0
Tuesday July 09, 2019 - 07:33:51 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAGAALKA VILLA SOMALIA KUMA KOOBNA 'WAR-MURTIYEED' EE WAA MID QORSHAYSAN

    DAGAALKA VILLA SOMALIA KUMA KOOBNA 'WAR-MURTIYEED' EE WAA MID QORSHAYSAN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
DAGAALKA VILLA SOMALIA KUMA KOOBNA 'WAR-MURTIYEED' EE WAA MID QORSHAYSAN

Dagaalka Diblomaasiyadeed ee ay xukuumadda Soomaaliya ku qaaday Somaliland waa mid muddo soo jiitamayay. Waxa ay xoog iyo xeeladba isugu geeyeen in ay soo gabogabeeyaan xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland la leedahay guud ahaan dawladaha adduunka, gaar ahaanna, kuwa Afrika.

Xeeladaha ay isticmaalaan waxa ka mid ah WARBAAHINTA; Shirarka caalamiga ah iyo Safaaradaha oo ay waraaqo u qaybiyaan. Tusaalihii u danbeeyay, mareegtahttps://mediaguinee.org/waxa lagu baahiyay faallo, aragti ama maqaal aan xaqiiqada ka turjumayn oo ku saabsan soo dhawaynta uu Madaxweynaha Guinea, Alpha Condé, u sameeyay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Marka aad si qoto-dheer u dhugato faalladan oo Af-faransiis ku qoran, waxa loogu talogalay in lagu kala dilo Madaxweynaha Guinea iyo shacabkiisa, iyada oo dhinaca khaldan laga eegay qaddiyadda Somaliland iyo go’aanka Alpha Condé. Sidoo kalena, lagu hoga-tusaaleeyo dalalka kale ee ku hawlan in ay tallaabadan oo kale qaadaan.

Waxyabaha ku qoran faallada waxa ka mid ah - wax uu qoraagu ku tilmaamay - khatarta ka dhalan karta kulanka iyo soo dhawaynta Alpha Conde uu u sameeyay Madaweyne Biixi iyo dhiirigelinta uu kulankaasi ku samayn karo in dalal kale oo Afrikan ah ay kala go’aan.

Waxa kale oo lagu sheegay maqaalka in xuduudaha Somaliland aanay ahayn qaar sugan, sidoo kalena, madax-bannaanida Somaliland aanay ku midaysanayn qaabaa’ilka wada-dega.

Sidaas daraadeed, waxa loo baahan yahay in laga fekero sidii warbaahinta caalamka ee afafka kala duwan ku hadasha looga faa’iidaysan lahaa, iyada oo loo diyaarinaayo qorshayaal iyo dhaqaale. Keliya maaha in aynu BBC Somali ku mashquulno, laakiin, waa in la monitor-gareeyo dhammaan warbaahinta kale ee caalamka, dabadeedna la diyaariyo qorshe lagaga hortagayo (counter-strategy).

Link-gan hoose waa faallada aan ka hadlayo.

https://mediaguinee.org/ affaire-somaliland-alpha- conde-place-la-guinee-dans- une-position-inconfortable/? fbclid= IwAR3a2yw4LVRf8MzraG42mbKKcaj8 _ lLs7z4lHRUDpAYTwxE5sGbJw3ENtIs

 

Mustafe Adam

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
WAREYSIYO