Tuesday July 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Dhibta Ceel-afweyn ka dhacaysa lama wada laha.

0
Wednesday July 10, 2019 - 15:08:00 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibta Ceel-afweyn ka dhacaysa lama wada laha.

    Mushkilada Ceel-afweyn ma ahayn mid xukuumada Muuse la kow satay, waxa ay ahayd mid soo jiitantay. halkaas mar kale aan cadeeyo, ma ahayn mid Wasiir Maxamed Kaahin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mushkilada Ceel-afweyn ma ahayn mid xukuumada Muuse la kow satay, waxa ay ahayd mid soo jiitantay. halkaas mar kale aan cadeeyo, ma ahayn mid Wasiir Maxamed Kaahin


Mushkilada Ceel-afweyn ma ahayn mid xukuumada Muuse la kow satay, waxa ay ahayd mid soo jiitantay. halkaas mar kale aan cadeeyo, ma ahayn mid Wasiir Maxamed Kaahin iyo xukuumada Muuse la bilaabantay. Waynu ognahay inta ay soo jiitamaysay, inta xal la isku dayey, doorka ay hay'adaha dawliga ah iyo bulshada Somaliland ka qaadatay xal u helida mushkilada Ceel-afweyn. Waynu oganahay ciidanka qaranka Somaliland hawsha iyo tacabka uu habeen iyo maalin ku jiro ee ah Kala illaalintooda, hadda maaha cadaw laga illaalinayo, waa iyaga, kuwaas is dhalay kala illaalintooda.


In masuul ka tirsan xisbi ama baarlamaan inta uu indhaha qabsado ummadda siiyo war aan sal iyo raad lahayn, waxa ay ka turjumaysaa, farshaxanimada iyo run sheega masuulkaas. Dhacdada Ceel-afweyn ee horteena ka dhacaysay ee aynu daawanayno ee goob jooga aynu ka nahay, haddii qof sida uu doonayo inoogu soo weriyo, miyaynu ka qaadanaynaa!

Labada beelood ee ay dhibtu dhex taalay ayaa isku dayey in ay xalilaan khilaafkooda iyo dhibta dhex taal, sidii dhaqanku ahaan jiray, waa u taag waayeen, hoggaan dhaqamaeedka labada beelood ee Habarjeclo iyo Habar-yoonis ayaa isku dayey, waa u taag waayeen mar labaad, xukuumada ayaa mar walba door weyn ka qaadatay oo xalka raadinaysay marar badana waa ku guul-daraystay oo dadka deggaanka ayaa nabada lugta hayey. Sidoo kale, culimada iyo waxgaradka Somaliland oo dhan ayaa isku dayey waa loo taag waayey. halkaa markay maraysay ayaa in hubka laga dhigo xukuumadu soo jeedisay, xeer deg deg ah ayay soo gudbisay, waa laga diiday, micnuhu na waxa uu ahaa dhibtu ha socoto, kuwa diidaya sidaas uun bay doonayeen saw maaha. Waan ogahay oo dhacdooyinka haddaad la socotay jawaabtaadu waa haa.

dhacdooyinka noocaas ah ayay nooga waramayaan oo Barkhad Batuun iyo Xildhibaan Nacnac wax kale inoogu fasilayaan.

Arrimahan waa daawanaynay, waxaanu xidhiidh joogta ah la lahayn kuwii xal ka waday ee madax-dhaqameedka ahaa, wax kale iyo hay'adaha deeq bixiyayaasha ah ayaanu la kulanay noogu warama, halkaas ayaan in badan oo ummada ah aanay goob joog ka ahayn marka aad la kulmaysaan, ciddina aanay idin beeninayn.

Annigu Waxaan odhan karaa denbigaas kuwii diiday xeerka deg dega ah ee sadex da bilood ah iyo xisbiga aan mar qudha is daaya laga hayn ee siyaasadaynaya dhiiggaas daadanaya ayaa fartu ku godan tahay.

Allow xaqqa ummadaada tus.

Axmed Cali Kildhi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
WAREYSIYO