Tuesday July 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Gudoomiyaha SOLJA Oo london Kaga Qayb Gelay Shir Caalamiya oo Saxaafada ah

0
Thursday July 11, 2019 - 09:05:24 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha SOLJA Oo london Kaga Qayb Gelay Shir Caalamiya oo Saxaafada ah

    Gudoomiyaha SOLJA Oo london Kaga Qayb Gelay Shir Caalamiya oo Saxaafada ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha SOLJA Oo london Kaga Qayb Gelay Shir Caalamiya oo Saxaafada ah

Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac "Xuuto” ayaa ingiriiska kaga qayb gelaya shir caalamiya oo ku saabsan Saxaafada oo hal ku dhig looga dhigay Defend Media Freedom.

Shirkaasi oo maanta ka furmay magaaladda London dalka Britain, ayaa waxaa ka soo qayb galay 1500 qof oo ka kala socday 100 wadan, waxa ka soo qayb galay lix wasiir, masuuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay, ururada bulshada rayidka ah iyo Dublamasiyiin ka socday safaaradaha ku sugan UK.

Wasiiru dawlaha dawlaha horumatinta caalamiga ah ee dalka Ingiriiska Harriet Baldwin oo ka hadashay ayaa shergtay dawladda ingiriisku inay shan iyo toban milyan oo dollsr u qoondaysay sanadkan horimarinta saxaafadda.

Waxa kale oo ay sheegtay qabsoomida shirkan balaadhan inay ku bixiyeen afar milyan, lacago kalena ay dalal gaar ah u qoondeeyeen sanadkan, si looga shaqeeyo bad qabka suxufiyiinta Caalamka.

Wasiirka Arrimaha dibeda dalka Canada oo qayb ka ah qabsoomida shirkan ayaa ka sheegay in loo baahan yahay warbaahinta in loo tixgaliyo inay yihiin muraayada la isku saxo, waxaanu siyaasiyiinta ugu baaqay inay ilaaliyaan bad qabka suxufiyiinta haddio kale dilka saxafiyiintu uu noqon doona mid jidka u jeexa in siyaasiyiintana la laayo

Suxufiyiinta shirka ka soo qayb gashay ayaa soo bandhigay tacadiyadii ugu xumaa ee lagula kacay suxufiyiinta, waxaanay qaramada midoobay iyo midawga yurub ka codsadeen in xidhiidhka loo jaro isla markaana cunaqabatayn lagu soo rogo dalalkaasi.

Doodo kala duwan bay isku waydaarsadeen wariyayaasha iyo siyaasiyiintii shirka ka soo wayb gashay, waxaana lagu falanqeeyay caqabadaha ka jira dhinaca shuruucda saxaafadda, gaar ahaan dacwadaha saxaafadda ka soo horjeeda.

Garsoorka, xeer ilaaliyayaasha iyo Booliiska ayaa loo soo jeediyay baaqyo kala duwan, waxaanay suxufiyiintu culayska saareen in xogo dhab ah iyo baadhitaano dheeraad ah lagu sameeyo dilalkii loo gaystay suxufiyiin kala duwan oo daafaha dunida lagu khaarajiyey Shirkan oo laba cisho socon doona waxa lagaga hadli doonaa horumarinta saxaafadda, faa’iidada iyo waxyeelada electronic media aha iyo sidii loo joojin lahaa gacan ka hadalka suxufiyiinta.

Dhinaca kale waa markii u horaysay oo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA cid metelaysaa ay ka qayb gasho Shir noocana,Iyadoo loo arko ka qayb galka SOLJA ee shirkanDefend Media Freedommid guul u ah ururka iyo bahda saxaafadda Somaliland, isla markaana u fududayn doona in ay xidhiidho iyo aragti wadaag la yeelato hay’adda iyo ururro caalamiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
WAREYSIYO