Thursday November 14th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Dalada Rayidka Ee Sonsaf Oo Baaq Culus Ka Soo Saartay Colaada Ka Soo Cusboonatay Ceel Afweyn

0
Thursday July 11, 2019 - 09:14:54 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalada Rayidka Ee Sonsaf Oo Baaq Culus Ka Soo Saartay Colaada Ka Soo Cusboonatay Ceel Afweyn

    Baaq ku saabsan Colaadda Ceel Afwayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Baaq ku saabsan Colaadda Ceel Afwayn
Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay walaac wayn ka muujinayaan colaadda soo noq-noqotay ee Degmada Ceel Afwayn ku dhex maraysa Beelaha walaalaha ah ee degaankaas ku wada nool. Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ku baaqayaan
in sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyo cunfiga iyo dhiiga dadka walaalaha ah ee hawl yaraanta ku daadanaya.

Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, waxa ay u soo jeedinayaan Xukuumadda iyo Golayaasha Qaranka in sida ugu dhakhsaha badan xal loogu raadiyo caqabadaha salka u ah hurinta colaadda Ceel Afwayn.
Bushada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ku adkaynayaan Xukuumadda in ay Xoojiso fulinta sharciga, oo hub ka dhigis iyo dhaqan celinba u samayso dhalinyarada hubaysan ee labada dhinac. Isla mar ahaantaana talaabo adag ka qaaddo cidkasta oo si toos ah iyo si dadbanba ugu lug leh colaadda Ceel Afwayn.
Bulshada Rayida ah ee Somaliland waxa ay rumaysanyihiin si loo helo nabad gelyo waarta oo ka hirgasha deegaanadaas waa in Xukuumaddu xoojiso joogitaanka hay’adaha Dawliga ah ee Deeganadaas, isla mar ahaantaana kor loo qaado adeegyada aasaasiga ah ee loo fidinayo dadyawga ku nool guud ahaan Gobolka Sanaag, gaar
ahaan Degmada Ceel Afwayn. Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay soo jeedinayaan in Xukuumadda Somaliland siyaasad cad oo dhaqan gasha ka yeelato lahaanshiyaha dhulka, kala xadaynta dhul daaqsimeedka iyo degsiimooyinka, korodhka magaalowga iyo
khayraadka dabiiciga ah. Bulsharada Rayidka ah ee Somaliland waxay ku boorinayaan Xukuumadda in ay ka hirgeliso deegaanadaas mashaariic horumarineed oo shaqo u abuuraya dhalinyarada Deegaankaas oo u baahan in loo abuuro yididiilo iyo Rajo nololeed oo ka joojisa in ay
qayb ka noqdaan colaadda.


Ugu dambayn Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxay ugu baaqayaan dhamaan wax-garadka, Aqoonyahanka, Culimada, Madax dhaqameedka, Dhalinyarada iyo Haweenka deegaankaas in loo hawl galo nabadgalyo waarta oo ka hirgasha Degmada
Ceel Afwayn.

Anwar Abdirahman Warsame
Guddoomiyaha SONSAF


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
WAREYSIYO