Friday August 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO MAAMUL-XUMADA HANTIDA UMMADA

0
Tuesday August 06, 2019 - 09:04:11 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO MAAMUL-XUMADA HANTIDA UMMADA

    MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO MAAMUL-XUMADA HANTIDA UMMADA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO MAAMUL-XUMADA HANTIDA UMMADA

Kaftan baan moodayay hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi uu ka jeediyay July 25, 2019 xafladii lagu furayay shirkada Dahabshiil Hyundai Motors, halkaas oo uu kaga dhawaaqay inuu u iibinayo laba gaadhi oo ah kuwa raaxada ee qaaliga ah labada gudoomiye ee Wadani iyo Ucid. Balse kaftan may ahayne waxay noqotay xaqiiq dhab ah in labadaas gaadhi oo qiimahooda lagu qiyaasay ilaa $ 76,000 oo dollar ay dowladu iibisay. Way mudan yihiin in la maamuuso gudoomiyaasha labada xisbi mar kasta maadaama ay yihiin gudoomiyayaal xisbiyo qaran balse isla xisaabtanku waa lama huraan. Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe waa gudoomiyayaal xisbiyo mucaarid, xil ay ummada u hayaan oo lagula xisaabtamona ma jiro balse cida lala xisaabtamayaa waa M/weyne Muuse iyo xukuumadiisa oo lagu aaminay cashuurtii laga soo ururiyay dadka danyarta ah ee sicir bararka, diifta abaaraha iyo dhaqaale bur bur ku habsaday. Akhriste, waa yaab!! In iyadoo wadanku ku jiro xaalad dhaqaale oo aad u xun in xukuumadeenu cashuurtii  yarayd si xun u maamusho, kuna kharash garayso baabuurta raaxada.


April 13, 2019 goor fiid ah ayaan booqday cisbitaalka guud EE Hargeysa oo wax ka yar 2 kilometer u jira madaxtooyada Somaliland. Qof ehelkayga ah oo qaliin lagu sameeyay ayaan cisbitaalka ku booqday. Waadh ka mid ah waadhadhka bukaanka qaliinka ee ragga ayaan galay. Waadhka gudihiisa kulayl iyo huur ayaa ka jiray oo marawaxaduhu may shaqaynayn (eeg sawirkan aan ka soo qaaday waadhka). Dad badan ayaa furaashyo iyo saliyo u yaaleen banaanka hore ee waadhka oo sida la ii sheegay ahaa ehelada bukaanada iyo bukaanada qaarkood oo xamili la’aa kulaylka waadhka gudihiisa ka jiray. Hadaba midkee mudan in gaadhi raaxo oo ah Hyundai ama Landcruiser lagu iibiyo lacag dhan 38,000 oo dollar oo ah lacagtii  ummada? Ma waxa mudan in lagu daryeelo cisbitaaladeena  dhaqaale xumadu ka muuqdo?  Ma waxa mudan in riig lagu kireeyo oo ceelal loogu qodo reer miyiga abaaraha iyo biyo la’aantu dhibaateeyeen?

Gabagabadii, Madaxweyne Muuse Biixi ma ka leexday dariiqii hore? Mise wali wuxuu hayaa dariiqii hore ee cashuurta masaakiinta laga soo ururiyay la musuqmaasuqayay, laguna iibsanayay baabuurta raaxada?

 


Mohamud Sh Abdi Yusuf (Geedwareershe)
Minneapolis, Minnesota, USA


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
WAREYSIYO