Friday August 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Waxan ku soo arkay dalkii maalin ku taajir iyo miskiin u shaqeeya

0
Wednesday August 07, 2019 - 08:32:02 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxan ku soo arkay dalkii maalin ku taajir iyo miskiin u shaqeeya

    Waxan ku soo arkay dalkii maalin ku taajir iyo miskiin u shaqeeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan ku soo arkay dalkii maalin ku taajir iyo miskiin u shaqeeya
Anigoo dhawaan ka imid dalkii hooyo ee Somaliland oo aan inta badan tago waxan jecelahay
in aan idinla wadaago wixii aan ku soo arkay. Waxan insha allah isku dayi doonaa in aan idiin
soo bandhigo dhawr maqaal oo taxane ah. Maadaama aan bartay cilmiga dhaqaalaha waxan
ku bilaabayaa dhinaca dhaqaalaha. Waddanka waxa ka socda ganacsi xoog leh oo kala
duwan oo si aad ah u koraya sannad walba. Waxad arkaysaa dad badan oo ganacsato ah oo
si degdeg ah faa´iido badan ku helaya ilaahay ha u siyaadiyee. Shirkadaha caalamku waxay
ku xisaabtamaan macaash celcelis ahaan ah 10 % sannadkii, laakiin Somaliland waxa
shirkadaha iyo ganacsatada qaarkood ay helaan macaash ka badan 100 %. Saddex arrimood
ayaana u sabab noqon kara:
 Shaqaalaha oo aan la siin mushahar u dhigma culayska shaqada ay qabtaan,
mushaharkaas oo aan ahayn mid uu ku noolaan karo qofku.
 Cashuurta laga qaado ganacsadaha oo aan la jaanqaadayn macaashka shirkadda.
 Ganacsatada oo ka wadatashata sicirka wax lagu iibinayo, taasoo meesha ka saaraysa
tartanka ganacsiga, keenaysana sicirbarar aan la xakamayn karin. Akhriste ogow in
caalamka ay mabnuuc ka tahay in shirkaduhu ay ka wadatashadaan sicirka wax lagu
iibiyo, taasoo lagu mutaysan karo xadhig iyo ganaax lacageed oo aad u badan.
Shaqaalaha hoteelada iyo meheraduhu waxay shaqeeyaan sabti ilaa jimce maalin walba 8-14
saacadood, mushaharka la siinayaana wuxu u dhexeeyaa 200-400 dollar. Qaarkoodna waxay
qaataan wax intaa kaba yar. Diinta iyo dadnimadaba way ka soo horjeeddaa in qof muslim ah
sidaa bilaa naxariista ah loola dhaqmo. Yurub waxay ku dhisantay malaayiintii afrikaanka
ahaa ee 200 ee sano bilaashka ugu shaqaynayay, markaa wax lala yaabo ma aha in
Somaliland ay bataan maalin ku taajirku. Dhallinyarada dalka u dhalatay ee reerkooda ka heli
kara bariis ay cunaan ma qaataan shaqooyinkan, waxana ka shaqeeya qaxooti itoobiyaan ah.
Dhallinyaradii markay shaqobeeleen waa kuwaa badda isku guraya. Nin kasta oo ganacsade
ah masuul baa ka saaran dalka iyo dadka. Hoteelada iyo meheradaha waawayni way karaan
in ay mushahar fiican siiyaan dhallinyarada dalka. Arrintani waxay keenaysaa mashaakil
bulsho sida guurka oo yaraada maadaama dhallinyaradii ay faramadhan yihiin iyo tahriibka
oo sii bata. Ganacsade ogow inantaadu marka ay guurbeesho waxa qasab kugu noqon
doonta in aad siiso qaxootiga itoobiyaanka ah ee kuu shaqeeya, kaas oo hadhawna dhaxli
doona xoolaha badan ee aad dhitaynayso. Ogow ganacsade waddan waxa dhisa ama
burburiya ganacsatadiisa.
Dawladda waxa ku waajib ah in ay dadka ka qaado cashuur caddaalad ah. Maanta miskiinka
uun baa misko la fuulo leh. Dawladdu waa in ay cashuurtaa macaashka shirkadaha ee aanay
cashuurin uun gadbadda bariiska ah ee la soo dejiyo iyo hooyada danyarta ah ee
tamaandhada bacadka la fadhida. Shirkadaha caalamka waxa cashuurtooda lagu saleeyaa
xisaabxidhkooda sannadka oo hantidhawr madaxbannaani uu soo ansixiyay, laakiin
maadaama innagu aynaan halkaa gaadhin waa in aan keennaa dhako kale oo wax lagu
qiyaaso. Tusaale ahaan hoteelada waxa la tirin karaa qolalka ka dibna waxa laga soo qaadi
karaa in 40-60% ay kiraysan yihiin. Shirkadaha telefoonada waxa la qiyaasi karaa inta qof ee
telefoon haysata dalka, kaba soo qaad 500 000 qof oo bishii isticmaala 10 doolar. Waxan
filayaa in ay dawladda ka soo geli lahayd lacag aad u badan oo dalka iyo dadkaba waxtarta.


Ogow ganacsade in aanay diiniyan bannaanayn in alaabta la iibinayo la saarto labanlaab iyo
wax ka badan iyo in la dulmiyo shaqaalaha kuu shaqeeya. Haddii aad sidaa ku hesho xoolo
badan fadlan ka fikir in ay inna sugayso aakhiro.
Mohammed Ahmed Barkhad (Khadar)
Xisaabiye sare (Senior accountant)
Sweden
waryee@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
WAREYSIYO