Friday August 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Suuq qalin shubato ah Oo lagu Dhaco Dadka Bukaan Socodka Ah.

1
Friday August 09, 2019 - 08:42:54 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 1552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuq qalin shubato ah Oo lagu Dhaco Dadka Bukaan Socodka Ah.

    Suuq qalin shubato ah Oo lagu Dhaco Dadka Bukaan Socodka Ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuq qalin shubato ah Oo lagu Dhaco Dadka Bukaan Socodka Ah.

Qaar Ka Mid Ah Dadka Ku Dhaqan  Magaalada Burco Ayaa Cabasho Wayn Ka Muujiyay Habka Qunsuliyada  Turkigu Ula Dhaqanto Muwaadiniinta Reer Somaliland Ee Fiisaha Uga Baahda Magaalada Hargeysa.

 

Waxay Sheegeen In Safaaradu Lacag Badan Ka Qaado Dadka, Hasa Yeeshee Qofkii Aan Hayasan Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Ama Aan Cid Ka Garanayn Dadka Soomaalida Ah Ee Ka Shaqeeya Safaarada Oo Iyagu Dhamaan Reer Hargaysa Ah Ay Adag Tahay Sida Loo Siiyo Fiisaha Turkiga Ee Ay Bixiyaan.

Hooyo Nimco  Oo Ka Mid Ah Dadka Ka Cabanayay Safaarada. Waxay Sheegtay  Inay U Bixi Lahayd Xaalad Caafimaad Oo Dhammaan Dhakhaatiirta Iyo Wasaarada Caafimaadkuba  Caddeeyeen Inaan Gudaha Waddanka Waxba Lagaga Qaban Karin.



Waxay sheegtay iyadoo ka sheekaynayasa bahdilaadii iyo dhibaatadii ka qabsatay qunsuliyadaasi:


Bishii 2aad Ee Sannadkan ayaa  La iga Wada Xareeyay Dhammaan Waraaqihii Iyo Lacagtii Fiisaha,Iyadoo Sidoo Kalena La Iiga Diyaariyay Turkiga Isbitaalkii La Igu Qali Lahaa, Hase Ahaatee Mudadaasi Afarta Bilood Ahayd Safaaradu Waxay Ii Geysatay Dhibaato Aad U Weyn.


Nimco Abokor Axmed Oo Hadalkeeda Sii Wada Waxay  Sheegtay In Kolkii Ay Muddo Bil Ah Hargaysa Joogtay Ee Jawaab Ka Wayday  Safaaradda,Inay Ku Laabatay Magaalada Burco Maadaama Aanay Deegaan Ku Ahayn Hargaysa,

Intaasi Kadib Waxay  iLasoo Hadleen Shaqaalaha Safaaradu 3 Bilood Kadib  Kolkii lacagta iyo waraaqaha la iga xareeyay Taasi Oo Ku Beegnayd Bishii 5naad Ee May,Waxaanay Ii Sheegeen Bay Tidhi Inaan Back Garoundka Sawirkayga Soo Caddeeyo ,Kadibna  Waxaan Imi Hargaysa.

 Sawirka Oo Kolka Horeba Back Garounkiisu Caddaa Waxaan Anigoo Tooda U Raacaya Kasoo Dhigay Caddaankii Ay Sheegayeen,Kolkii Aan U Geeyay Sawirkii Iyo Waraaqihii Waxay Kadib Ii Sheegeen Inay iyagu  Ila Soo Hadli Doonaan,

 

Intaasi Ka Dib Waxay Sheegtay  Nimco In Xanuunkii Nabarka oo ahaa fiix weyn oo kaga taallay cunaha uu Kusii Kordhay,  Isla Markaana Ay Awoodi Wayday Inay Gobolkii Ku Laabato,Isla Markaana La Degtay Dad Ka Mid Ah Qaraabadeeda,Daawooyinkana Ku Qaadan Jirtay Halkaasi.


 16kii Bisha Juun Ayay Isoo Waceen Bay Tidhi Nimco Qadan iyadoo Shaqaalahii Safaaradu  Ii Sheegeen,In La Iisoo Diiday Fiisihii.



intaasi Kadib Waxaan Weydiistay Waraqihii Ay Iga Qaadeen Iyo Lacagtaydii,Iyadoo Ay Iigu Sii Daran Yihiin Waraaaqihii Caafimaadka Oo Aanan Wax Copy Ah Ka Haysan,Hase Ahaatee Way Iga Diideen  qunsuliyadii ,Waxaanay Ii Sheegeen Inaanay Lacagta Iyo Waraaqaha ii Celin  doonin.

 

Nimco Qadan Waxay Xustay In Haween Kale Oo Iyaguna Reer Burco Ah Oo Bukaan socod Ahaa Sidaasi Oo Kale Ay Iyagana Ku Dhacday,

Hase Ahaatee Mid Ka Mid Ah Haweenkaasi Ayaa Muqdisho U Safartay si ay uga raadsato fiisaha turkiga.

,Gabadhaasi Kolkii Ay Tagtay Safaarada Muqdisho Waxay Halkaasi Kala Kulantay Arrin cajiib ah,Kadib Kolkii La Weydiiyay Magceeda Ee Ay U Sheegtay Qoladii Safaarada,Waxa Loo Sheegay In Qofka Magacaasi Leh Fiisihii U Soo Baxay Badhtamahii Bishii Juun,Waxay Sheegtay Gabadhaasi Inay Rumaysan Kari Waayday Arintaas, Kadibna Waydiistay Qolada Safaarada xamar  Inay U Hubiyaan Magaca Hooyada Iyo Nomberka Telefoonka,

Kolkii Ay Wixiiba Hubiyeen Waxay Noqotay Arrin Sax ah.

waxaana natiijadii baadhistaasi noqotay  In ay Shaqaalaha qunsuliyada hargaysa fal khiyaano ah ku kaceen iyagoo Isku Bedel Ku Sameeyay fiisihii rasmiga ahaa ee gabadhaasi usoo baxay isla markaana ay cadaatay inay cid kaleeto ka iibiyeen,ama cid eheladooda ah ku dhoofiyeen.

 

Gebagebadii Nimco  Waxay Sheegtay Inay Iyaduna Shakhsiyan Aaminsan Tahay In Fiisaheedii La Bedeshay,Shaqaalaha Safaaraduna Yihiin Kuwo Cunsuriyad Kula Dhaqma Dadka Ka Imanaya Gobolada Kale,Sidaasi Awgeed Waxay Xukuumadda Iyo Hay’adaha Arintaasi Khusayso Ka Codsatay In Dhibaatada Shaqaalaha Safaaradu Kula Kacayaan Dadka Muwaadinka Ah Wax Laga Qabto,

 

Lacagteedii Iyo Waraaqaheediina Laga Siiyo Safaarada Hadii Loo Diiday Fiisihii Ama Laga Bedeshay.oo laga iibsaday qof kale.


shaqaalaha ka shaqeeya safaarada waxa la iisheegay inay reerahoodii ka dhoofiyaan dalka dhamaantoodna  turkiga u diraan,iyagoo ka faaidaysanaya fursadaasi. 


Geesta Kale waxay intaasi ku dartay hooyo nimco:Waxaanu Madaxweynaha U Sheegaynaa Dalka Waa La Wada Leeyahay,Sidaasi Awgeed Maaha Cadaalad In Meel Kasta Dadka Ka Shaqaynayaa Noqdaan Reer Hargaysa Oo Keliyaata, 


Dadkii Kale Ee Gobolada Xaggay Qabteen,Hadii Hay’ad Kasta Inta Ka Shaqaysaa Reer Hargaysa Noqoto,Oo Lagu Ururiyo  Oo Kooto Loogu Xidho Taasi Inama Dhaqayso Madaxweyne,Itoobiyaanka Iyo Qofka Aanad Garanaynin Kuuma Kala Soocna,Waa Nasiib Darro Meel Aad Ka Weyday Qof Aad Indha Garato,Hadaad Doonto Intooda Badan Ha Noqdaan Reer Hargaysa Iyo Reer Galbeed,Hase Ahaatee Ummaddu Shaqada Ha U Sinaato,Oo Maadaama Hargaysa Aad Nagu Tidhaadeen Waa Caasimadii Dalka Oo La Idinka Aqbalay,Dee Caasimadii Dadku Ha U Sinaadeen,Oo Dadkii Goboladu Haka Dhex Muuqdaan Meel Kasta,Hadii Kale Ka Fursan Mayso In La Sameeyo Caasimad Dadka Oo Dhammi U Siman Yihiin Oo La Wada Yeesho.

 

Cabdi Hanad Muuse  Burco...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
WAREYSIYO