Tuesday December 10th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

SOOMAALIYA OO OGOLAATAY IN SOOMAALILAND AFTI LAGA QAADO

0
Saturday August 10, 2019 - 08:48:03 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOOMAALIYA OO OGOLAATAY IN SOOMAALILAND AFTI LAGA QAADO

    SOOMAALIYA OO OGOLAATAY IN SOOMAALILAND AFTI LAGA QAADO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
SOOMAALIYA OO OGOLAATAY IN SOOMAALILAND AFTI LAGA QAADO Tan iyo markii uu madaxweynaha soomaaliya maxamed cabdilahi farmaajo ku dhawaaqay samaynta gudiga wadahadalka soomaaliya iyo soomaaliland oo ay ku keliftey cadaadis aad u heer sareeya oo ay ku kelifeen dawladaha waaweyn sida ingiriiska iyo maraykanka iyo guud ahaan beesha caalamku oo ka dhalatay badi dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee ay samaysay soomaaliland iyo soomaaliya oo dhamaan socodka arimadeeda siyaasadeed ku xidhmeen soomaaliland wadahadalkeeda ayaa waxaa  soconaayey shirir isdabajooga oo ay kaga tashanayeen gacanku hayayaasha siyaasada soomaaliya (talyaaniga butlaan iyo madaxweyne farmaajo) mawqifka midaysan kuna kalsoon yihiin ee ay ku wajahayaan wadahadalka labada dal iyo waxyaabaha kasoo bixikara nuqsaan iyo faa,iidoba iyo weliba beesha caalamka ee aan iyaga ahayni siday u rabaan wadahadalka iyo ujeedada ayka leeyihiin mustaqbalka inay ku danbayso .


Hadaba wadahadal dheer maalmo badana soconaayey waxay go,aamiyeen sidii caadada u ahayd weligoodba inaanay marnaba suurtogal ku iman in soomaaliland awood siyaasadeed ku dhexyeelato soomaaliya ahna tii ay ilaa lixdankii kala dagaalamayeen isla markaa dawladaha soomaaliland gacan saarka buuxa la lihina doonayaan in awooda dalka lagu wareejiyo soomaaliland taasoo ah mid aan soomaaliya marnaba ka suurto geleyn .

Hadaba gacanku hsyayaasha siyaasada soomaaliya waxay go,aan buuxa ku gaadheen in wadahadalka soomaaliya iyo soomaaliland si degdega loo furo laysna hortaagin halkii laysku raaco iyadoon soomaaliland iyo beesha caalamka midna la tusin wax ishoodu diido isla markaana aanay dhicin gebi ahaanba wax gorgortan iyo is qabqabsi iyo jiitan danbe midna ee la weydiiyo soomaaliland waxay doonayaan midnimo iyo go,taan kay rabaan  .

Hadaba haddii ay yidhaahdaan waxaan rabnaa go,itaan in beesha caalamka lagu wargeliyo inay afti dadweyne ka qaadaan iyagoo iyagu wata xisaab gaara oo ay filayaan inay ugasoo dhex bixi doonto soomaaliland aftideeda , haddii ay yidhaahdaan waxaan rabnaa midnimo in ay markaana miiska u taal wixii soomaaliya ku heshiisey ee ahaa 4.5 taasoo ay soomaaliland ku metelayeen dad markii la samaynayey ilaa hadana kula joogaan .

Hadaba kolkaan usii dhabagalay xisaabta ay haystaan inay ugasoo bixi doonto waxay ku sheegeen in ay haystaan harti waqooyi , garxajis , samaroon , iyo ciise halka ayka maqan yihiin oo keliya habarjeclo ,awal iyo arab waasida aan xogta ku heleyno ee ay sheegeen . Hadaba haddii ay aftida ku guulaystaan soomaaliya oo helaan 51 % iyo wixii ka badan soomaaliya marnaba caalamka iyo cidkale toona kama ogolaanayso in wax gorgortan manaasiib ahi dhacaan , waana si  meesha looga saaro maraykanka iyo ingiriiska inay soomaaliya ku lug yeeshaan . Haddii ay aftidu u dhacdo in soomaaliland go,itaan u codeeyaan way ogolaanayaan si ay meesha uga baxdo saamaynta la doonayo in soomaaliland ku dhexyeelato soomaaliya si wadamada la socdaana u raacaan soomaaliland soomaaliyana faraha ugala baxaan , hadalkaasna waxaa si dadban loogusoo dhiibey raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya oo sheegay inay soomaaliya iyo soomaaliland ku kala baxayaan afti dadweyne ee aanay dib wakhtiga shacabka uga dilidoonin .

Hadaba soomaaliya ujeedada ugu weyn ee ay ka leedahay aftida shacabka soomaaliland waa arimahan : (a) in ay la dagaalanto in wadamada soomaaliland ku xidhan tahay (maraykanka iyo ingiriiska ) aanay soomaaliland soo dhexdhigin soomaaliya iyagoo usameeyey awood siyaasadeed oo ay soomaaliya ku dhex leedahay iyaguna dusha kaga maamulaan taasoo si hawlyar iyaga (gacanku yayaasha siyaasada soomaaliya ) meesha uga saaraysa . (b) inay soomaaliland iyo wadamada la socdaba debeda uwada tuuraan si ay soomaaliya faraha ugala baxaan wadamadaasu haddii shacabku go,taan u codeeyaan  .(c) inay masuuliinta soomaaliland iyo wadamada la socdaba cidla diraan haddii shacabku midnimo u codeeyo . Waxaase hubanti ah inay isku raaceen afti soomaaliland laga qaado wadahadalkana lagu bilaabo in afti lagu kala boxo .

Qore: maxamed aadan 
OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
WAREYSIYO