Tuesday December 10th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

DAAHIR RIYAALE WAA NINKII SHACAB U MUDAHARAADAYA BIYO, RASAASTA LA DHACAY,

0
Tuesday August 13, 2019 - 09:01:45 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAHIR RIYAALE WAA NINKII SHACAB U MUDAHARAADAYA BIYO, RASAASTA LA DHACAY,

    DAAHIR RIYAALE WAA NINKII SHACAB U MUDAHARAADAYA BIYO, RASAASTA LA DHACAY,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
DAAHIR RIYAALE WAA NINKII SHACAB U MUDAHARAADAYA BIYO, RASAASTA LA DHACAY,
madaxweynihii hore ee somaliland daahir riyaale kaahin oo maalintii shalay la hadlay warbaahinta waxa uu talo ahaan ugu soo jeediyay madaxweynaha talada haya in khilaafka ka dhaxeeya dawladda iyo ninka la yidhaa caare ee ka soo jabhadaynayay maamul goboleedka puntland wada hadal lagu dhameeyo khilaafkaasi.
madaxweynuhuna uu dulqaad sameeyo maadaama uu gacanta ku hayo taladii dalka......

hadaba waxaan qabaa inaanay nasteexo ka ahayn daahir riyaale tala-bixintaasi uu ku taaray madaxweynaha,balse uu doonayo in nidaamka maamul ee dalka ee dalka ee uu ku bariiqdo muuse biixi.
maxaa yeelay daahir riyaale waxa uu ahaa bishii july ee sannadkii 2008dii ninka amray inay ciidamada qaranku rasaas la dhacaan dad shacab ah oo u mudahaaraadaya biyo ay cabaan .khasaare balaadhan oo dhimasho iyo dhaawac lehna haragysa loogu geystay.


weliba mudahaartkaasi sababta dhalisay waxaa lahayd xukuumadii uu hogaaminayay daahir riyaale,shacbiguna gar bay ku lahaayeen gadoodkaasi.
waayo xukuumadu waxay u sheegtay dadka koonfurta hargaysa in ceelbiyood looga qodayo meesha la yidhaa UUBAALE oo ku taala dhinaca koonfureed ee caasimada.
dhawr casho kolkii laga qodayay ceelkaasi oo warbaahintana laga sheegay in biyihii laga gaadhayo,
ayaa subax qudhaata riiggii laga soo kaxeeyay meeshii uu biyaha ka qodayay,
kolkii shacbigii yidhaahdeen xagee la geynayaa riigana ,waxa loogu jawaabay boorame ayaa loo kaxaynayaa,
kolkii dadkii mudahaaraadeen ee yidhaahdeen dee horta biyihii uu noo qodayay hanoo soo saaro oo yaan la naga kaxaysanin , waxa lagu dalbaday ciidanka qaranka ,kuwaasi oo rasaas la dhacay ,halkaasna ku dilay dhalinyaradii ka gadooday ficilkaasi waxashnimada ah.

muxuu daahir riyaale wada hadal ugu dhammayn waayay arintaasi ee uu xabada ugu jawaabay shacbiga aan hubaysnayn..

 
geesta kale miyaanu daahir riyaale ahayn ninkii diiday ergadii ugu mudnayd dalka,ee abwaanada iyo culimada ahaa ee martida uga noqday inuu wada hadal ku dhameeyo khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo axsaabta qaranka...

intuu maanta leeyahay wada hadal la samee nin xabbad u qaatay qarankii uu kasoo jeeday oo jabhad u samaystay dadkiisii iyo dalkiisii..

daahiroow inaadeer giib noom taani.....khuuro kale keen.tan waa lagugu fahmay oo kaa socon maysee.

Cabdi Sh.Xasan Axmed (Dhako)
OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
WAREYSIYO