Friday August 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Fool-xumooyinka ka Socda Degaanka Ceel-afweyn iyo Khatarta ay Leedahay Dilka loo Gaysto Qof Muslim ah

0
Tuesday August 13, 2019 - 09:06:28 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fool-xumooyinka ka Socda Degaanka Ceel-afweyn iyo Khatarta ay Leedahay Dilka loo Gaysto Qof Muslim ah

    Fool-xumooyinka ka Socda Degaanka Ceel-afweyn iyo Khatarta ay Leedahay Dilka loo Gaysto Qof Muslim ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fool-xumooyinka ka Socda Degaanka Ceel-afweyn iyo Khatarta ay Leedahay Dilka loo Gaysto Qof Muslim ah

Diinta islaamku ahmiyad aad u wayn ayey siisay nolosha qofka muslimka ah, waxayna shareecada islaamu waajibisay in la ilaaliyo, la dhawro, amnigeedana la sugo nafta iyo nolosha ruuxa muslimka ah, iyadoo Ilaahay (SWT) uu xaaraan ka dhigay in sifo aan sharci ahayn loo gooyo nafta muslimka.

Sida ku cad aayaadka qur’aanka kariimka ah, dilka badheedhka ah ama si ula-kac ah loogu khaarajiyo qof muslim ah oo Ilaahay iyo Nebi Muxamed (SCW) rumaysan waxa uu ka mid yahay dunuubta waaweyn ee lagu mutaysto cadhada iyo cadaabta Alle.

Aayadda 93-aad ee Suuradda al-nisaa, waxa uu Ilaahay (SWT) ku caddeeyey afar ciqaabood oo wehel u noqonaya cidda si badheedh ah u disha qof muslim ah, afartaas ciqaabood oo kala ah;

1.Naarta jahanama oo uu ku dhex waarayo

2.Cadhada Ilaahay oo dushiisa ahaata

3.Nacdasha Alle oo ku dhacda

4.Iyo Ilaahay oo u ballanqaaday inuu marsiiyo cadaab weyn

 

Haddaba, qofka si badheedh ah u dila naf muslim ah waxa uu si cad ugu xad-gudbay saddex xuquuqooq oo aan loo bannayn inuu ku xad-gudbo, waxayna saddexdaas xuquuqood kala yihiin;

1.Xaqa Ilaahay leeyahay ee ah inuu Alle waxna dilo, waxna nooleeyo.

2.Xaqa qofka uu dilay lahaa

3.Iyo xaqa ay leeyihiin qoyska iyo ehelka qofka la dilay

Waxa dambi weyn ah in qof muslim ah uu soo qaato qori ama hub kale, kadibna uu si badheedh ah ugu laayo dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan, iyadoo ay weliba arrintaasi waqtigan aad ugu badan tahay dunida islaamka, gaar ahaan dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanna tusaale innoogu filan falalka foosha xun ee ka socda degaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, halkaas maanta (Isniin, 12 Augost 2019) lagu dilay shan qof oo isugu jira laba nin iyo saddex dumar ah, waana dil badheedh ah oo si ula-kac ah loogu gaystay dad muslimiin ah oo aannu Alle bannayn dilkooda.

Sida ku cad shareecada islaamka, qofka muslimka ah ee si badheedh ah u gaysta dil, waxa ku waajib ah inuu faraha ka qaado dambiyada waaweyn ee uu ku dhex jiro, kadibna uu Ilaahay (SWT) uga tawbad keeno, si uu Alle uga dhaafo xaqiisa uu ku xad-gudbay, isla markaana uu isku dhiibo qoyska ama ehelka cidda uu dilka u gaystay, kuwaasoo iyaguna xaq u leh inay codsadaan in loo qisaaso, xukun dil ahna loogu fuliyo ama inay mag-dhaw ka qaataan ama inay si dar Ilaahay u cafiyaan.

Waxa kaloo dambiilayaal ah cidkasta oo gacan ka gaysata, haddii ay tahay taageero dhaqaale iyo mid hadal ama af ah, una fududaysa waxkasta oo sahlaya in qofku uu dil badheedh ah gaysto, waana arrin lagala xisaabtayo if iyo aakhiraba, waxaanna habboon in laga waantoobo dilalka sida badheedh ah looga fulinayo dalka Somaliland ee lagu qudh-goynayo qof muslim ah, Ilaahay-na ha laga cabsado, dunuubta dhacaysana ha looga tawbad keeno. Waxa aan Ilaahay (SWT) ka baryayaa inuu innaga qabto dadka fidmo-abuurka ah ee daadinaya dhiigga dadkeena, waxaanna Dowladda iyo madaxda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waajib ku ah, xilna ka saaran yahay inay wax ka qabtaan fool-xumooyinka ka socda degaanka Ceel-afweyn, iyadoo lala imanayo ficil iyo qawl lagu suulinayo ceebta taala Ceel-afweyn.

Maxamed Cirro, Hargeysa, Somaliland

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
WAREYSIYO