Saturday December 07th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

XAQIIQADDA DHABTA AH EE CAAFIMAADKA HARGEYSA IYO BERBERA.

0
Tuesday August 13, 2019 - 09:08:05 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XAQIIQADDA DHABTA AH EE CAAFIMAADKA HARGEYSA IYO BERBERA.

    XAQIIQADDA DHABTA AH EE CAAFIMAADKA HARGEYSA IYO BERBERA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
XAQIIQADDA DHABTA AH EE CAAFIMAADKA HARGEYSA IYO BERBERA. Bishii hore dabayaaqadeedii ayay gabadh yar ugu dhalatay walaashay cisbitaalka Berbera. Shan cisho markii ay jirtay ayay dhakhaatiirta Berbera yidhaahdeen "Waxba uma qaban karno ee Hargaysa hala geeyo". Waa la qaaday oo dhakhtar Talyaani lee yahay oo Hargaysa ay ayaa la geeyay, cuntii iyo cabbitaankii ayuu dhammaanba ka jaray, tobban dhiig oo kala nooc ahna wuu qaaday, dhowr komputer oo kala duwana wuu saaray. Intaa kadib ayuu yidhi "Dhakhtarka Gargaar geeya".

Gargaar ayaa isna shiigag kala duwan ka qaaday, oo isna computaro badan oo wada qaali ah saaray. Maalin kadib ayaa dhakhtarka weyn ee Hargaysa oo qolo Ruush ah joogto la geeyay, kadib markii la tusay waxay sheegeen inay qaliin degdeg ah ku samaynayaan balse intaa ka horaysa in dhiigaga laga soo qaado. Maadaama aysan muddo isbuuc ah cunto iyo cabbitaanba afka saarin waxa hore looga waayay dhiig badan, waxa ay qaadatay laba cisho in qolyaha shaybaadhku maalinba galin la ballamaan. Ugu danbayn waa laga saaray markii ay waxba u qaban waayeen, waxaana lagu celiyay Gargaar Hospital.


Dhakhtar Gargaar jooga ayaa qaliinkii sameeyay, dhowr saacadood oo uu gudaha kula jiray kadib ayuu af qalalan nagula soo noqday "Waan qalay, waxbana waan ka qaban kari waayay, kadib dib ayaan idiinku tolay" wax lala yaabbo ayay noqotay. Xitaa haddii aan waxba laguu qaban karin Hargaysa, inta lacagta lagaa qaato ayaa lagu odhanayaa "Waxba laguuma qaban karo".

Iyada oo sidii u qalan ayaa waadhka lagu soo celiyay, cunto iyo cabbitaana lama siin karo ayaa la yidhi, aan ka ahayn faleembo, inta ay wax iska beddelayaan. Shan cisho ayay u qabteen inay waadhka taalo, kadibna dib loo celiyo. Shalay ayaan ku soo celinay Cisbitaalka weyn ee Berbera, 24 saacadood oo ay taalay cid faleembo ku xidha ayaa loo laayaya haddii aan idinku yidhaahdo miyaad iga rumaysanaysaan? Hadda oo aan dusheeda taaganahay suuqa ayaan dhakhtar ka raadinaynaa Kaanoole noogu xidha. Waa ilmo yar oo dhowr iyo tobban cisho jira, oo qalan, oo afka aan waxba loo saarin in ka badan 24 saacadood.

Cabdiraxmaan Maxamed Axmed "Warmoogeh"
Tell:- 063 4443752
OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
WAREYSIYO