Sunday September 15th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

XALKU WAA MIDNIMADA IYO WADAJIRKA UMMADDA W/Q: | Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)|

0
Thursday August 29, 2019 - 13:17:07 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XALKU WAA MIDNIMADA IYO WADAJIRKA UMMADDA W/Q: | Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)|

    XALKU WAA MIDNIMADA IYO WADAJIRKA UMMADDA W/Q: | Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)|

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
XALKU WAA MIDNIMADA IYO WADAJIRKA UMMADDA W/Q: | Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)|
28-kii sano ee ugu dambeeyay ummadda JSL waxay haysteen oo ay ku naaloonayeen nabad,buuxda iyo deggenaansho. Sidoo kale waxa jira horumar la taaban karo oo dhinacyo badan
leh. Waxa kale oo aynu qaadanay nidaamka dimuqraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada,badan, dalkana waxa ka qabsoomay doorashooyin kala duwan oo lagu tartamay. Arrimahani
waa KARTI IYO AWOOD SHACAB oo aad u qiimo badan oo aynu ummad ahaan ku faani,karno, isla markaana ay waajib inagu tahay in aynu ALLAH (SWT) uga mahad-naqo.
Shacabka karaamada leh ee JSL ayaa iyagu hore iyo haatanba ahaa kuwa arrimahan,saldhiga iyo laf-dhabartaba u ahaa.
Waqtigan xaadirka ah, haddii aad u fiirsato xaaladaha ka jira Dalkeena, waxa si cad u,muuqata in Dareenka Qabiilka iyo ku Dhaqanka Qabyaaladdu ay noqdeen MIN-QIYAASKA iyo,HALBEEGGA jiheeya qaabka fikirka bulshada, hannaanka dhaqan-dhaqaale iyo ka nololeed
ee qaybo badan oo ka mid ah ummadda JSL. Danta iyo Dareenka Qabiilka ayaa haatan
marba marka ka dambaysa ka awood badanaya Dareenka ummadnimo ee bulshadeena,midayn lahaa meelna u wada jeedin lahaa!
Haddaba, waxa nasiibdarro ah in 28 sano ka bacdi, horumar kasta oo uu Qarankeenu ku
tallaabsado ay weli daboolayaan Tabashooyin Beelaysan oo salka ku haya inaan Beesha,Reer-hebel xukuumadda ka helin sadkii iyo saamigii ay xaqa u lahaayeen. Miyaanay nasiib,darro inteeda leeg ahayn marka daryeelka danaha Qabiilka laga horraysiiyo dananaha guud
ee ummadda iyo halka ay maslaxadda Qaranku ku jirto??!!,Marka Hanka, Himilada iyo Hiigsiga shacabku ay hoos u dhacaan, waxa
ummadda la soo dersa xaalado adag oo halis ku ah wadajirkooda iyo jiritaanka.Qarannimadooda.


Qof ahaan waxaan is leeyahay, malaha ilaa hadda si fiican looguma hawl-gelin in.bulshadeenna la baraarujiyo, la wacyi geliyo oo lagu beero dareenka waddaninimada, ka.midnimada, ka dal-jacaylka iyo masuuliyadda qof walba ka saaran inuu mudnaanta koowaad
siiyo danta guud ee bulshada iyo maslaxadda Qaranka..Midnimada iyo Wadajirku Bulshadu waa awood iyo cudud adag oo aan la loodin karin oo ay
ummad kastaba iskaga difaaci karaan cadawgooda noocyada badan leh. Midnimada iyo

Page 2 of 3
Wadajirku waa duxda iyo nafaqada kobcisa wax-wada-lahaanshaha, is-aaminaada iyo.kalsoonida ay shacabku dhexdooda isku qabaan. Midnimada iyo Wadajirku waa dabarka isku.haya jiritaanka iyo ahaan-shaha ummadnimo taasoo kobcisa dareen-wadareedka guud ee
shacabka.
Xukuumadda waxa waajib ku ah inay si dhab ah u dareento mushkiladaha ka dhalan kara.kala-qaybsanaanta iyo kala-furfurka Bulshada. Xukuumadda wax dan ahi uguma jirto kala-.qaybsanaanta iyo tafaraaruqa ummaddeeda. Ummadda oo isku duuban oo mid ah ayaa
Xukuumadda lafteeda danteedu ku jirtaa, waayo waxay si fudud u hirgelin kartaa,qorsheyaasha horumar iyo kuwa siyaasadeed ee ay leedahay.
M/weyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumadiisa waxa la gudboon inay dedaal dheer oo
qorshaysan u gasho sidii loo midayn lahaa ummadda JSL isla markaana loo adkayn lahaa,wadajirkooda. Xukuumaddu waa inay la timaado aragti, hal-abuur iyo barnaamijyo tayo leh oo,kor loogu qaadayo Garaadka iyo Dareenka Waddaninimo, Wadajirka iyo Ahaanshaha
Ummadnimo ee bulshada JSL, gudaha iyo dibeddaba.

Ummad ahaan, haddii aynu doonayno inaynu ka rumayno himilada iyo hadafka Qarannimo ee.aynu leenahay, waa in aynu ka gudubno isku-muuqashada iyo in aynu inagu dhexdeena isku,mashquullo. Waa in aynu ka feejignaano wax kasta oo carqalad ku keeni kara ahaanshaheena
ummadnimo, wada-jirkeena, isku-duubnideena iyo qiimaha ay Qarannimadu leedahay.,Guntii iyo gabagabadii, xalka keliya ee lagaga gudbi karo marxaladan adag iyo xaaladaha,cakiran ee waqtigan xaadirka ah ka jira Dalkeena waa: ADKAYNTA MIDNIMADA IYO
WADAJIRKA UMMADDA JSL. Taasina waxay ku iman kartaa Wada hadal, Is-
qancin, Wada-tashi, Tudhaale & Isu-tanaasul, Caddaalad & Sinnaan, iyo in si
Siman loo wadaago Dheefta iyo Khayraadka Qaranka!!
Wa Billaahi Tawfiiq,
ALLAA MAHAD LEH,

W/Q: | Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
WAREYSIYO