Sunday September 15th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Ha ku Hodmin Karka Siyaasadda! Qore: Cumar M. Faarax

0
Sunday September 01, 2019 - 08:34:38 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha ku Hodmin Karka Siyaasadda! Qore: Cumar M. Faarax

    Ha ku Hodmin Karka Siyaasadda! Qore: Cumar M. Faarax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Ha ku Hodmin Karka Siyaasadda! Qore: Cumar M. Faarax

"Intaydhibideehore

Intaydhididayee kale

Intaydhaqanxumaatiyo

Intaydhacantaymaandeeq

Midnakumadhadhabayee

Yaydhaliilidoonaan

Haddaydhama’docaawana?”

Alleha u naxariisto Abwaan Axmed Muxumed Warsame"Axmed Genius.”

 

Dad badan ayaa yooyootankaiyo khilaafyada gudaheenna u fahma inay Somaliland ku kala tagayso, ama ugu yaraan ay wiiqayso xawaaarihii ay ku socotay oo lagaga jeedsan karo in la ikhtiraacodedaal hor leh oo aynu madax-bannaanida dalkanku iibgeyn karno.

Nin dhallinyaro ah oo aanu isku fil nahay isla markaana rafiiq ahaan jirnay oo hadda ku nool mid ka mid ah dalalka reer galbeedka, ayaa habeen afraadkiiigala soo xidhiidhaySaxaafadda bulshada, isagoo I bidayey xog ogaalnimo, ayuumuddo saacad ka badan iga waraysanayey inkhilaafyada maxaliga ah ee ka jira Somaliland aysuurtogal tahay inay mijo-xaabiyaanqaranimada Jamhuuriyadda Somaliland!

"Waxa maalmahannoofaanaayeyaxsaabtayada qurbaha ee reerSoomaaliya oolahaa‘Somaliland waxay ku socotaa jidkii ay nagula masoobi laheyd, waliba waxay na dheer tihiin qabyaaladda.’Annaguna waxaannu kaftan ugu bayaaminayin Somaliland ay leedahay dhaqan ah; in sida ugu adag loo wada doodo iyadoo aan waxba la isku reebaynin, haddana aakhirka waxaannu ku wada mintidnaa qaranimadayada oo qiime adag nagu joogta,”ayuu yidhi ninkaas oo iga codsaday in aan shacabkala wadaago in Siyaasadda Somalilandku salaysnaato"Lafta jabi xarragannaha ka tagin.”oo uu uga jeeday in siyaasadda laga fogeeyo reernimada iyo qabyaaladda mutan.

Inkasta oo ay waajib tahayin xal gudaheenna ka yimaada lagu furdaamiyokhilaafyada ka aloosan berriga Somaliland, gaar ahaan Arrinta Col. Caare iyo colaadaha soo noqnoqday eeu dhexeeya ardaayada walaalaha ah ee reer Ceel-afweyn, maadaama oo siyaasadda guduhusiday tahay ay saameynayso sumcadii ay Somaliland ku laheyd dibadda oo aheyd mid togan oo la innooqirsan yahaydal jira oo nabad iyo dimuqraadiyadi ka hirgashay oo juhdi ugu jira sidii ay u kasban lahaayeenaqoonsigii ay ku fadhiisan lahaayeen goleyaasha caalamiga ah.

Waxa waxlagu diirsado ah hadalkii Khamiistii Toddobaadkii hore uu Afhayeenka Xisbiga WADDANI Mr. Barkhad Jaamac Batuun, ka jeediyey Xafladii loo sameeyey 883 arday oo ka aflaxay jaamacadda Hargeysa oo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu goob joog ka ahaa.

Mr. Barkhad wuxuumadashaas ka sheegay kelmad tumaati ku ah cadowga Somaliland oo ka turjumaysasida Somaliland mucaarid iyo muxaafidba ugu middeysan yihiin qarannimada JSL."Waxaan leeyahay Puntland khilaafka Axsaabta siyaasaddaiyo Xukuumadda Somaliland ha ku kedsoomina (ha ku lumina). Annaga (Waddani) Madaxweynahayagu waa Muuse Biixi Cabdi oomuxaafid iyo mucaaridba isagaa madaxwyne u ah, isagaanu ku taageersannahay inuu qaranka ilaaliyo. Marka aanu hadlayno ee aanu maagayno waa lexjecelo aanu ka qabno ee xumaan aanu u ahayno maaha,” ayuu ugu digay Maaaamulka GarooweBarkhad Jaamac Batuun oo sacabkii u dhacay ruxayshucuurtiixafladii qalinjabinta.Waakaas sifahamucaaridka looga fadhiyo marka ay joogto difaaca danaha guud.

 

WaxaaSomaliland laguShirabayaainaynu la nimaadno xeeladdii aynu ku qaban laheyn doorashadda Golaha Wakiilladaoo "Naaneys taban” u soo jiiday hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland oo aan la aqbali karinin 14 sannadood uu Baarlamaankeennu fadhiyo xafiiska, iyadoo aanay jirin sababo maangal ah oo ay u baaqsato doorashaddu muddadaas dheer ee uu qaangaadhka ku dhow yahay wiilkii dhashay sannadkii2005tii oo aqalka Wakiillada la soo doortay!

 

Michael Rubin oo ah falanqeeyeiyo khabiir hore oo ka tirsanaan jiray Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka, ayaa dhawaanqormo uu ku daabacay Warbaahinta caalamiga, wuxuu isku barbar-dhigay dawladnimada raasamaaalka ah ee Somaliland ku naalooneysoiyo nidaamla’aanta bariinsatay Soomaaliya, waxaannu yidhi :"Somalilandwaxay xukuntaa dhul masaafadiisu dhan tahay 50 kun oo Mayl oo laba jibaaran, halka dawladda Muqdisho oo Maraykanku bilaayiin doolar geliyeyna ay ka taliso 50kun oo tallaabo oo kaliya.”Wuxuuna ku guubaabiyey Maraykanka inuu wax la qabsado Somaliland intii uu ku caydhoobilahaa Soomaaliya oo quus laga joogo inay nabadi ka aslaaxdo.

Ma habboon tahay inaanla shaasheyn sumcada arrimahadibadda Somliland oo gaadhaymarxlad u baahan in dib loogu xoojiyo xoog iyo xoolaba, isla markaana aynu la nimaadno siyaasad indheer garad ah oo fursadaha soo mara ka faa’iidaysa il-bidhiqsikasta.

Waxaan ku soo gunaanadayaahal-ku-dheg laga guntaySteven Paul Jobsoo ahaa maalqabeen Maraykanka ah oo ku tiraabay;"Macno ma leh inaan shaqaaleyno dadka caqliga badan oo aynu haddanna u yeedhinno waxay qabanayaan, waaseinaynu shaqaaleynaawaxgaradkaoo ay iyagu inoo sheegaan waxaynuqabanayno.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
WAREYSIYO