Thursday July 29th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Waa maansadii DAN KA HADAL"

0
Wednesday September 04, 2019 - 13:51:12 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa maansadii DAN KA HADAL"

    Waa maansadii DAN KA HADAL"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maansadii DAN KA HADAL"
Inaan maansada duraanto Inaan geeraar dareesho Anoon doonaynba waayo Markan duuflaalo raacno Markay daacaddii hungowdo Dadkayga inaan tilmaamo Dantooda inaan hilaadsho Markay doorkeeda gaadho Ayaan dirqi idhi naftiiye Dadyow dhugo waanadayda Dalkii rag dabraaya iyo Rag dufan jecelbaa qabsaday Siyaasiyo duminayoo La daadegay baa qabsaday Ka tuure daluumo dheer Hanaankii dawladnimo Ka leexshe tub doora iyo Dariiqii qaran mudnaa Ku laale daruurahaas Dawgii ictiraaf lahaa Ka dhige taladii dalkaba


 Dukaan ka macaash ahiyo Malinba Daas uu nin gado Duleeye dhulkii sannado Diboodka qaxoontigiyo diihaal iyo gaajo iyo Wixii dalandool dhiciyo Wixii dilka loo mutee rag dhiiga u daadiyeen Xornimo lagu doogsadiyo Inay danta guud sugaan. Duulkii xididiyo xigaal Walaalaha wada dagiyo Sokeeye is daadahshiyo Ul iyo diirkeed ahaa Siyaasi dirsooc qabiil Dantiisa ku meel marshaa Dhamaantood kala didshoo Intuu daan daan ka dhigay Kashoodii kala diloo Daleed ka hantiyey xilkii Dilaale dhulkii bilnaa Wixii dihin yaallay iyo madaarkiyo dekadihii Ku doorsade shaah yaroo duxdiisuba sii ridnayn Inay dalka horumarshaan Ka doorbide boobka iyo Hantida guud iyo dakhliga Inay daldashaan iskood Siyaasigan daalinkee Dadnimadii baayacee Damiirkiisii gatee U diir nixin maatidiyo Dadkiisaa baahan ee Dantiyo silicaba qabee daluun fakhriyeed galee Duruufuhu heensadeen Dayee garashada jirtoo Dahaadhye siduu wax yidhi? Xasuus daranaa bulshadu Waxay diif soo mareen Waxay dirir iyo colaad Jab iyo daal ay arkeen Waxay macaluul darteed Sidii qori dogox noqdeen Siduu doorkooda yahay Dawdawliyo been abuur Ka aan waxba deeqin iyo Midkooda danaystahaa Maxay ugu duub xidheen Ileen uma jiidh damqado Nin uu damaciisu yahay Inuu hanto dawliskee Markuu darajada helana Muxuu dibin-daabya iyo Doogihii hore ee ku yiil Judhiiba nabaraha damqaa Miyay durba moog yihiin Maxaanay u diidahayn Dacfiga lala maagan yahay? Waxa taa daran ka daran Ninkii shalay idin dagaa Maantana idin dooxayoo Berina aad doorataan Nimkuu daran doonistii Maxaad ugu tumi durbaan Miyaanay duruus ahayn Daraato wixii dhacoo diwaanka miyaan la galin Duriyo ninkasta warkii Doodayda waxaan ku jaray Dambiile is muujiyiyo Dammiinka nin kii ahaa Danayste nin kii ahaa Dab-shide iyo naar afuuf Ayaa doonyeysanoo Digreetada yeedhiyee Maxaan galayee dahsoon Ragaygii doqon ka dhigay!!! ??? Abwaan Dr .Maxamed Aw Xasan Suubiye
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO