Sunday September 15th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Qaar Ka Mid ah Cuqaasha Somaliland Ee Gobolka M/Jeex Oo Xamar Ka Degey Ka Dib Markii Al-baabka Madaxtoyada Laga Soo Xidhay.

0
Thursday September 05, 2019 - 08:17:21 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Ka Mid ah Cuqaasha Somaliland Ee Gobolka M/Jeex Oo Xamar Ka Degey Ka Dib Markii Al-baabka Madaxtoyada Laga Soo Xidhay.

    Qaar Ka Mid ah Cuqaasha Somaliland Ee Gobolka M/Jeex Oo Xamar Ka Degey Ka Dib Markii Al-baabka Madaxtoyada Laga Soo Xidhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Qaar Ka Mid ah Cuqaasha Somaliland Ee Gobolka M/Jeex Oo Xamar Ka Degey Ka Dib Markii Al-baabka Madaxtoyada Laga Soo Xidhay.
Cuqaashii Ciidagale Baabiisay oo Jilbaab Kaga Dhoofay Madaarka Cigaal International Airport, Iyagoo u Kicitimay Magaalo Madaxda Somalia Ee Moqdisho. Waxaanay Hormood u ahaayeen Cuqaashii Xirsi & Ina Xaashi Ciidagale u Adeegsan
Jirey..
Labadan caaqil oo ka mid ah cuqaashii reerka hor boodayay 7-dii sano ee xukuumaddii siiraanyo, waana nimankii guryaha ka dhistay masaakiintii taarka madaarka laga raray. Waa niman ku caan baxay hadba halka qadhaabku ka galo, waana niman mabda’ooda
shilimo ku ibsada. Kulmiye ayay ahaayeen laakin mabda’ kumay ahayn kaliya qabax
qaadasho ayay ku ahaayeen. Waayo mabda’oodii waxay kaga tageen kadin laga celiyay oo Maxamed kaahin-na ka diiday hawl ay ka rabeen fulinteeda, markaas ayay WADDANI isku shubeen.


Markay tan carabka mariyeen ayay maantana doonayaan inay Xamar-na carabka soo mariyaan, iyagoo Raysalwasaare ku xigeenka Somalia ugu tagay inuu u geeyo Farmaajo & jaaliyadaha Qatar si ay gacanta u soo mariyaan.
Markaan soo ururiyo nimankaa mabda’oodu waxa weeye hunguri iyo afkooda oo ay ku shaqo tagaan.
Waxaanay suuqa gashadeen war odhanaya waxaanu Xamar u tagnay MAG, taas oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Waayo haday dhab tahay waxay sii kaxaysan lahaayeen odayaasha reer Oo ay u horeeyaan inanka aabihii iyo adeeradii.
Hore-na umay dhicin MAG Xamar laga soo qaato waayo ninka ku dhinta wuxuu ahaa dameer bakhtiyay.. Markaan duluc-da hadalkayga u soo daadago xaqiiqada safarkani wuxuu daaranyahay xidhiidh ay ka heleen Dawladda Qatar arintaas oo macneheedu yahay mijo xaabinta
jiritaanka Somaliland. Sidaynu ognahay Somaliland waxay saaxiib dhaw la tahay dawladda Imaaradka, imaaraadka iyo qatar-na waxa u dhexeysa xurguf siyaasadeed iyagoo isku haya dano dhaqaale iyo dilaalis qaan-gaadhay.

Sidaa darteed cuqaashan waxay dawladda Qatar u adeegsanaysaa ka shaqaynta arimo lid ku ah qaranimada jamhuuriyadda Somaliland.
Cuqaashani waxay hor dhac u yihiin cuqaal tiro badan oo ka daba tagi doonta, kuwaas oo la mabda’a ah watana fikirka dawladda qatar ee lagu mijo xaabinayo qaranimada Somaliland.. Ugu denbeyn waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha, wasiirka arimaha gudaha iyo laamaha amaanka inay sharciga mariyaan haddii kale waxay noqon doontaa waddo
inagu furantay..

Allaa Mahad leh..
Qore : Garaad Mahad Maxamed Cabdi..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
WAREYSIYO