Sunday September 15th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Nasiib iyo qaddar.! W/Q: Sayid-Abdirahman Abdillahi

0
Saturday September 07, 2019 - 08:30:31 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nasiib iyo qaddar.! W/Q: Sayid-Abdirahman Abdillahi

    Nasiib iyo qaddar.! W/Q: Sayid-Abdirahman Abdillahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Nasiib iyo qaddar.! W/Q: Sayid-Abdirahman Abdillahi
Waa maxay nasiibku?,Waa weyddiin iyo fal-celinteedi.!
Nasiib muxuu yahay? Dadku ma isku wada nasiib baa? Nasiibka iyo qaddarka maxaa u
dhaxeeya? Nasiibka ma lagu hungoobaa?,Waa weyddiimahaas iyo qaar kale oo badan oo aynu kaga warrami doono qormada tan.
Haddii aynu ku bilaabano, sannaddii 1992-dii, nin la odhan jiray Arkie Karas, oo ahaa muddalab
ka shaqeeya mid ka mid ah hudheelada waaweyn ee Maraykanka, ayaa tegay magaalada Las,Vegas.


Sannaddii 1995-tii konton dollar oo uu haystay waxa uu u beddelay 40 million oo dollar..Waxa uu noqday rikoodhkana ku dhigay guulaystihii ugu layaabka iyo nasiibka badnaa abid ee
soo mara taariikhda khammaarka Maraykanka. Qaar badan oo innaga mid ahi waxa ay odhan,doonaan "nasiib badanaa" qaarna waxa ay odhan doonaan "ninku nasiib badanaa".
Dadka iyo culimada ku xeeldheer cilmiga Statistics-ka way innagu qosli doontaa. Oo waxa ay,odhan doonaan waxani waa mashiin wareegaya oo khammaar. Culimada diintu iyana waxa ay
odhan doonaan waa qaddar iyo calaf u qornaa.!,Sidee baynu nasiibka u sharrixi karnaa?
Ma qeexi karnaa waxa innagu dhacay?

Ma qaar guulaystay; mise kuwa khasaaray nolosha oo nasiibkoodu xumaaday ayaynu nahay?.Bulshooyinka caalamku iyo diimahooduba siyaabo kala duwan ayay u sharraxaan nasiibka..Bilmatal, tusaale waxa aad u soo qaadataa dhawr qof oo ka badbaaday qaraxii iyo weerarkii
Twin Towers ee magaalada New York, ka dhacay sannaddii 2001-dii September 11, haddii.ay Hindu haystaan waxa ay odhanaynaan waxa aanu leenahay Karma wannaagsan oo ay u
yaqaaniin ifafaallo iyo Illaah wannaagsan, halka qofka Masiixiga ah odhanayo in Eebbe u.gargaaray, Muslimku waxa uu odhanayaa in Eebbe aanu u qorin in uu dhinto maanta, halka
qofka khuraafaadka aaminsani (mystic) odhanayo in uu dhashay maalin boqran iyo xiddigo isku
toosan.

Dhaqan ahaan Shiinuhu waxa ay aaminsan yihiin in nasiibku yahay wax qofka ku lammaan sida.caqliga iyo fekerka qofka oo kale - oo qof kastaa nasiibkiisa wato .
Shiinuhu sidoo kale waxa ay aaminsayihiin in dedaalka iyo juhdiga oo la badiyaa qofka ka dhigi.karo qof nasiib badan.
Haddii aad dedaashid oo aad hawshii lagaaga baahnaa aad la timaaddid waxa hubaal ah in aad.nasiibka ku guulaysanaysid. Taasina waa hubaal, haddii aad firfircooni la timaaddid in aad nasiib.wacan yeelanaysid..Cilmi baqdhis faro badan oo ay sameeyeen jaamacaddo tiro badan oo ku yaalla gudaha
dalka Maraykanka, siiba culimada cilmiga kasmo-nafeedka (psychology), ee jaamacadda
Hertfordshire, waxa ay ogaadeen in nasiibka iyo filashada wannaagsan xidhiidh ka dhaxeeyo..(Optimism). Waxa ay qeexeen in markasta oo aad filashada iyo niyadda wannaagsani horseedi.karto nasiib wannaagsan..In la rummeeyo qadaha iyo qaddarta Eebbe waa mid ku waajib ku ah ruux kasta oo diinta
Islaamka haysta. Waxa ay ka mid tahay lixda tiir ee iimaanka ah ee diinta Islaamku ku dhisan,tahay. Waa fadhiidnimo dhayda ka cad ruuxii yidhaahda wax walba way qoran yihiin ee maxaan
waxaas u qabanayaa yidhaahda? Laakiin arrintu sidaas ma aha, waa run in la rummeeyo
qaddarta, laakiin in aad ficilkii la timaaddid waa laga ma maarmaan. Rasuulkeenni Maxamed,ahaa Shacni iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee waa tii uu yidhi:

( تفائلوا بالخير تجدو )
(Waar Maleeya kheyrka waad heleysaane)
Xaddiiskan waxa aynu ka qaaddanaynaa in markasta wannaaga la fisho. Niyad jabka werwerka,
iyo walbahaarkana la iska dhawro, khayrkana la fisho.Dhanka kale waxa iyaduna laga maarmaan ah in markasta Eebbe lagu kalsoonaado. Qofku waa
in uu ogaadaa in wax kasta oo uu doonaayo in mar hore lagu diyaariyay deegaankiisa. Eebbe mar
kale waa kii yidhi:
ِي َما َشاَء )
ُظ ن ب
يَ
لْ
ِي فَ
ِدي ب
( َنا ِعْن َد َظ ن َعبْ

(Anigu waxaan ku sugnahay meesha uu addoonkayga iga filayo ee meel kasta ha iga fisho).
Tallaabo kasta oo aad qaadaysid waa in aad Eebbe (kor ahaaye) lagu kalsoonaado. La jirkiisana
maanka ku haysid. Mar kasta oo aad Eebbe weyne meel kasta ka filatid, Eebbena wuu kula jiraa.
Mar kale Eebbe waxa uu yidhi:
ْم )
كُ
َ
ُم ا ْد ُعوِني ْسَت ِج ْب ل
اَل َربكُ
َوقَ

(Rabbigiin waxa uu yidhi: waar i barya aan idiin jawaabee)
Waxa jira xeer dhan oo ku soo arooray filashada wannaagsan iyo xidhiidhka ka dhaxeeya
nasiibka. Haddii aad wax wannaagsan ku fakirto oo aad ku hammiddid, waxa biyo-kama
dhibcaan ah in aad wax wannaagsan la kulmaysid.Wax kasta oo aad jamatid, dunida guudkeeda yaal waa kuu diyaar. Laakiinse dadku waxa ay isku
dhaafeen qaab loo marayo waxaas la majeertay.
In hanka iyo himilada kor loo qaado, mar walbana aad tahay waxa aad ku fakirtid. Waxii aad
doonaysay waa aad soo jiidanaysaa.Xeerkaasna waxa la dhahaa law of attraction. Xeerka isa soo jiidashada. Si kale haddii loo dhigo
waa 'Qada'a iyo 'Qaddar'. Haddii aad hawshii la timaaddid, qaddarkana waxa kuu qoran ay qoran
tahay waad asiibi doontaa. Laakiin jeerka aad meel iska fadhiisato, rabtidna in wax kastaa
fadhiga kuugu yimaadaan - tidhaahdidna nasiib iyo qaddar wax kuu qoran ku seegi maayaan waa
dhalanteed dhabta ka fog.Aqoonyahannada arrintan ka faallooday waxa ka mid ah: Napoleon Hill oo u dhashay dalweynaha
Maraykanka. Waxa uu qoray buug sannaddii 1928-kii. Buuggaas oo lagu magacaabo The law of
success.
Buuggan waxa uu si fiican u qaadaa dhigayaa xeerka isa soo jiidhashada (Law of attraction).
Qoraagu buuggiisa waxa uu ku xusay in kalsoonida naftu asal iyo saldhig u tahay wax-qabadka
qofka.
Qofku haddii uu aaminsayahay in uu guul gaadhi karo, waa uu ka dhabayn karaa hammigiisaas.
Guuldarrada ruuxa la soo darista waxa uu ku tilmaamay in ay ka timaado cabsida iyo baqaha
qofka soo waajahda.
Aqoonyahankan oo keliyaata ma aha kuwa ka faallooday mawdduucan xeerka isa soo jiidashada,
sidoo kale aqoonyahankii lagu magacaabi jiray Israel Regardie, ee u dhashay waddanka
Faransiiska ayaa xeerkan wax ka qoray. Sannaddii 1937-dii ayuu qoray buug uu magac daray
(The art of true healing). Farshaxanka caafimaadka dhabta ah. Waxa uu tilmaamay in xeerka isa
soo jiidashadu yahay xeerka ugu wayn ee dunida ka jira.
Qoraagu waxa uu buugga ku xusayaa in xumaantu ku tallaalan tahay ruuxa. Sidaa daraaddeed loo
baahan yahay in ruuxu kaga badbaado nooc khalaawayn ah oo kale. (Meditation).
Qoraagu mar kale xeerka isa soo jiidashada wuxuu ku tilmaamay in uusan ahayn oo keliya mid

wanaagga kuu soo jiida, bal waa mid nolosha kaaga yeelaya sidii aad jeceshahay in ay kuugu
muuqato adiga.
W/Q: Sayid-Abdirahman Abdillahi (Facebook account).
Twitter: @Adendheere04
WhatsApp number: 00252634264366


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
WAREYSIYO