Sunday September 15th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Halkan Ka Daawo:Madaxweynaha JSL Oo Billado Iyo Shahaado-sharafeed Guddoonsiiyey Saraakiil Katirsan Ciidanka Qaranka Oo Guulo Kasoo Hooyey Kulliyad Ciidan Oo Dalka Itoobiya Ku Taalla.

0
Tuesday September 10, 2019 - 14:32:00 in Wararka by Hargeisa Head OFFICE
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan Ka Daawo:Madaxweynaha JSL Oo Billado Iyo Shahaado-sharafeed Guddoonsiiyey Saraakiil Katirsan Ciidanka Qaranka Oo Guulo Kasoo Hooyey Kulliyad Ciidan Oo Dalka Itoobiya Ku Taalla.

    Hargeysa-10-09-2019-(BURCONLINE)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta billado iyo shahaado-sharafeeddo guddoonsiiyey Afar sarkaal oo katirsan ciidamada qaranka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Hargeysa-10-09-2019-(BURCONLINE)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta billado iyo shahaado-sharafeeddo guddoonsiiyey Afar sarkaal oo katirsan ciidamada qaranka,

kuwaas oo kasoo qalin-jebiyey kulliyadda ciidamada oo ku yaalla dalka Itoobiya, islamarkaana derejooyin aad u sarreeya ku qalinjebiyey.

Munaasibad uu madaxweynuhu shahaado-sharafeeddada iyo billadaha ku guddoonsiinayey saraakiisha katirsan ciidamada qaranka oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada, ayaa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, waxana madaxweynaha ku wehelinayey taliyaha ciidamada qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo afarta sarkaal ee la abaalmarinayey, waxana goobta laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo guulaha ay qaranka u soo hooyeen saraakiishani iyo sida ay tusaalaha ugu yihiin dhammaanba ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Taliyaha guud ee ciidanka qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ugu horrayn madaxweynaha siiyey warbixin ku saabsan heerka ay waxbarashada ka gaadheen saraakiisha dhawaan qalin-jebisay, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay wax weyn ka tari doonaan baahida uu ciidanku u qabo in aqoontiisa la horumariyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa saraakiisha soo qalin-jebisay ku bogaadiyey horumarka ay sameeyeen iyo guusha ay kasoo hooyeen jaamacadaha ay dhiganayeen ee ay hormoodka ugu noqdeen kumannaanka arday ee ka kala socota dalalka Afrika.

Madaxweynuhu waxa uu saraakiisha soo qalinjebisay ku adkeeyey inay aqoontooda ku dhisaan ciidamada, si uu qaranku u yeesho ciidamo tayo leh, "Waxa la idinka doonayaa aqoontaa aad keenteen iyo horumarkaas inaad ciidanka ku dhistaan, xooggana waxannu saaraynaa dhismaha ciidanka, hadduu ciidanku inoo dhismona qaranku wuu dhismayaa, waxa la idinka sugayaa qaran-dhis iyo inuu ciidanku sidii uu ahaa kasii xoogaysto oo laga ilaaliyo qalin-daarka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka digay dibin-daabyo kasta oo ciidanka qaraka ka dhan ah, islamarkaana aanay cidina jebin Karin shuruucda iyo xeerarka gaarka u ah ciidamada, waxana uu yidhi, "Madaxweyne ahaan iyo xukuumad ahaan dhammaanteen waxa inagu waajib ah inaynnu ciidamada ka ilaalinno qalin-daarka, ciidamada haddii la qalin-daaro socon mayso, ciidanku ma qaadi karo musuqmaasuq, ciidanku ma qaadi karo xeer-jebin iyo in sharciga ninna laga dhaafo ninna lagu dabbaqo ciidanku ma qaadi karo, ciidanku Dhisibiliin iyo is maqal buu ku dhisan yahay, annaguna ciidanka siyaasad usoo gudbin maynno.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale amar ku bixiyey in dhulka danta guud ah qaybo kamid ah loo qoondeeyo ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dawladda, isaga oo islamaantaba wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta u diray wareegto u arrintan ku fulinteeda ku farayo.

Afarta sarkaal ee kasoo qalinjebiyey jaamacadaha Itoobiya oo mid kamid ahi billad dahab ah kusoo guulaystay, ayaa kala ah, Gaashaanle Sare Axmed Hurre Haarriye, Gaashaanle Dhexe Nimcaan Yuusuf Cismaan, Gaashaanle Cabdirisaaq Xasan Dalmar iyo Gaashaanle Mustafe Cabdi Xasan, waxana ay in muddo ah u dhabar adaygayeen waxbarasho socotay muddo sannado ah oo ay dalkaas Itoobiya ku sugnaayeen.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Image may contain: 3 people, people standingImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 3 people, people smiling, people standingImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 5 people, people smiling, people standingImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: people sittingImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 3 peopleImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 3 people, people smiling, people standingImage may contain: 2 people, people sitting and shoesImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 4 people, people sitting, shoes and indoorImage may contain: 3 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and outdoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 7 people, people standing



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
WAREYSIYO