Tuesday May 26th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Colaadda Ceel-afweyn,Doorka Xukuumadda iyo xuluusha suurta-galka ah by Adan Nuur.

0
Tuesday October 01, 2019 - 08:09:08 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Colaadda Ceel-afweyn,Doorka Xukuumadda iyo xuluusha suurta-galka ah by Adan Nuur.

    Colaadda Ceel-afweyn,Doorka Xukuumadda iyo xuluusha suurta-galka ah by Adan Nuur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Colaadda Ceel-afweyn,Doorka Xukuumadda iyo xuluusha suurta-galka ah by Adan Nuur. Dhibaatooyinka bani-aadamka lasoo darsa waxay leeyihiin asbaabo,waana kuwo inta badan dadku gacmahooda ku samaystaan,Rabbi ayaa ku sheegay Qur'aanka ,marka xalkooda la doonayana waxaa la suuuliyaa kuwaas. Colaadda ceel afweyn waxyaabaha ugu macquulsan ee dabada ka riixayaa waa:

1.Diin la'aan. qofku hadduu iimaan leeyahay wuxuu is yidhaahdaa " armaa halkaa wax kaaga soo leexdaan oo aad aakhiradaada ku seegtaa" haddiise aanu iimaan lahayn oo bilaa cibaado yahay,waxba ma xidhaan,waa ta keenaysa in la dilo dad abriyaa ah iyo kuwo biri-magayda ah.


2.xukuumadda. in kastoo xukuumaddu dadaal badan oo nooc walba leh gelisay colaaduna dhib weyn ku hayso, hadana waxay qayb ka tahay in colaadu sii socoto,sababtoo ah waxaana khaldanaa mar kasta halka ay ka haaneedaysay oo u badnaa isku cunaduub iyo iska kufi.
waxaa kaloo aan maqlaynaa in lagu eedaynayo sii daynta dad odayadu soo xidheen, oo fitno abuur ahaa oo dabadeedna fitmadii kiciyey,taasi waxay caddaynaysaa in xukuumaddu tahay cidda dhaarta jebinaysa oo eedda iyadu leedahay,haba ka dambeeyaan shaqsiyaad gaar ah oo ku dhex jira xukuumadda.

3.Gacmo qarsoon; daraasado badan oo la sameeyey waxaa la soo ogaaday ina ay jiraan gacmo badan oo qaarba ujeedo gaar ah leeyihiin,qayb weyna kaga jira hurinta iyo ka qayb-qaadashada colaadda.

4.Cuqaasha.waqti waliba waa yihiisa leh ayaa lagu maahmaa,cuqaashu waxay ahaan jireen rag lagu doorto caqli iyo talo qabeenimo sidoo kale ammaano,run sheeg iyo Allaah ka cabsi,hal caaqil meesha uu joogo isagaa la isula tegi jiray xataa dadka aan jifadiisa ahayn,xiligan la joogo intooda badni waa sida kale,dhibtana qayb weyn ayey ka yihiin.

Guud ahaan dadkii nabadda ka waday Ceelafweyn faraha ayey kala baxeen waxayna sheegeen in aanay dib ugu noqonayn,quus iyo niyad jab ay kala kulmeen darteed,waxaase socda dhaqa-dhaqaaqyo ay wadaan dad kasoo jeeda degaanka oo isu xilqaamay inay colaadaas damiyaan. Allaah haku guuleeyo.

Xuluusha:
Xuluul macnaheedu waa xal oo jamac laga dhigay,xalkuna kama foga intaas aan soo sheegnay oo diiradda la saaro.
1.Dadka waa in wacdi badan la siiyo,islaamnimda la fahamsiiyo . kooxaha iimaan laawayaasha ee waxba aanay marin waa in talo kale laga yeesho,xukumo iyo ganaaxyo khaas ahna loo sameeyo,islaamku wuxuu jideeyey taqsiir,mid maal ah iyo mid ciqaab ah labadaba kutubta fiqiga ayey ka buuxdaa,wadaadadii meel ay ka dhaafeen mooyi.
2.xukuumaddu haday ku fashilantay ,waa inay doorkan u dayso dadka local ka ah inay iyagu xalka gaadhaan,wixii ay uga baahdaana ka tageerto.
3.Gacmaha kale ee ku jira ha noqdaan dadka colaada wada (violent) iyo kuwa dabada ka riixaya (backups)
waa in al helaa xogtooda oo lasoo bandhigo meel kasta ha joogeene.

4.Cuqaasha iyo madax dhaqameedka waa in la bedello ama la islaaxiyo taladana lagu ilaaliyo.
 

Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO