Wednesday October 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, Waa Hormoodka Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muusu Biixi Cabdi.

0
Sunday October 06, 2019 - 08:39:17 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, Waa Hormoodka Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muusu Biixi Cabdi.

    Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, Waa Hormoodka Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muusu Biixi Cabdi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, Waa Hormoodka Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muusu Biixi Cabdi.
Qofkasta oo xil u haya qaranka waxaa lagu qiimeeyaa waxqabadka uu qaranka u qabto mudadad uu xilka hayo, taas ayaa muujinaysa in masuulkaasi uu ka soo baxay
masuuliyadii uu qaranka u qaaday iyo in kale.
Hadii aan eego xukuumadda maanta joogta ee uu hoggaaminayo madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaa ku jira wasiiro waxqabadkooda la
mahadiyey, tusaale ahaan wasiirka wasaarada horuumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, waxaa uu calanka u sidaa ama uu ku suntanyahay wasiirka waxqabadka
xukuumadda madaxweyne Muuse. Wasiirka beeraha Somaliland mudadii koobnayd ee uu xilkan qaranka u yahay waxaa uu wax wayn ka qabtay horuumarinta beeraha dalka, iyada oo hada ka hor aanay cidiba xooga saari jirin wax soosaar beeraha, balse intii uu xilkan yahay wasiir Axmed Muumin
Seed, waxay bulshadu gaadhay heer ay ku tartanto wax soosaarrka dalaga beeraha, taasoo ay keentay dedaalka, xilkasnimada iyo daaacadnimada Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed.


Waxaynu ka war haynaa mashaariicda waaweyn ee wasiirku ka hirgeliyey mudadii uu xilka hayey sida mashruuca wayn ee banka Jawaale, Beer iyo mashriicda dhinaca beeraha ee gobolada oo dhan ka socota.
Waxaa la filayaa in ay sanadkan soo go’aan dalagii beeraha kii ugu badnaa taas oo ay sabab u tahay dedaalka wasiirku geliyey wax soosaarka beeraha Somaliland iyo raxmada eebe ee inoo da’aysa maalin walba.

Hadaba waxaa hubaal ah in Wasiir Axmed Muumin Seed uu yahay wasiir waxqabad, kaasoo ka fog qabyaalad iyo musuq, waana wasiir ay bulshadu wada aragto waxqabadkiisa baaxadaleh, kaasoo ay ku wada faraxsan yihiin sida uu wax u wado dhammaan beeralayda
Somaliland. Run ahaantii waxaa uu noqon doonaa wasiir Axmed Muumin Seed, wasiir ku suntan waxqad, waana markii ugu horeysay ee beeraha sonaliland ay gaadhaan heerkan ay maanta marayaan, iyada oo waqtigan ay wasiirka iyo xukuumaduba ay tacab geliyeen wax soosaarka dalka, taasoo keenaysa in aynu ka maarano mustaqbalka dhow cuntooyinkii inoo ka iman jirey dibeda.

Sida aynu wada ognahay waxaa keli ah ee lagu kala hormaray waa wax soosaarka khayraadka dal leeyahay kaas oo ay ugu horayso wax soosaarka beeraha, wax soosaarka beeruhu waxaa uu keena in dalkaasi uu ka maarmo dhammaan wixii dibeda uga imanayey,
taasoo keenaysa in dalkaasi gaadho isku filaanshiiyo dhaqaale oo buuxa. Aragtida wasiir Axmed Muumin Seed, waa in Somaliland ka maaranto mustaqbalka dhow cuntooyinkii laga keeni jirey dalka dibediisa, iyada oo la helayo cunto caafimaad ah oo ka soo baxday dhulkeena nadiifta ah, taas weeye himilada iyo aragtida wasiirka haruumarinta
beeraha Somaliland.
Gunnaanad

Ugu danbayntii waxaan ku hambalyaynayaa Wasiirka horuumarinta Beeraha Somaliland
Mudane, Axmed Muumin Seed, waxqabadka uu muujiyey mudadii uu xilka hayey, waana
wasiir ku dayasho mudan.
Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
WAREYSIYO