Wednesday October 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Muxuu Salka ku Hayaa Xifaaltanka ka Socda Geeska Africa

0
Monday October 07, 2019 - 09:04:31 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Salka ku Hayaa Xifaaltanka ka Socda Geeska Africa

    Muxuu Salka ku Hayaa Xifaaltanka ka Socda Geeska Africa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Muxuu Salka ku Hayaa Xifaaltanka ka Socda Geeska Africa
Maqaalkan oo aan jecelahay in aan kaga hadlo arimaha beryahan dambe figta ugu sareysa kaga jira siyaasadda caalamiga ah (International politics) khaasatan wadamada quwadaha waaweyn iyo wadamada awoodaha gobolka ah (Regional Powers) waxa igu dhaliyey ka dib
markii aan daawadey filim soo baxay badhtamihii gu’gii 2018 oo la yidhaahdo howlgalka badda cas (Operation in the Red Sea) ee ciidamada badda ee dhulwaynaha Chinaha, filimkan oo si waafiya uga waramaya hanka iyo rabitaanka wadanka china ka qabo inu ka muqdo
fagarayaasha siyaasadaha ee dunida weliba in uu ka qaato door hugaamineed. Sidoo kale waxa sna I xasusiyey maqaal kooban oo aan dhowaan dhigey barteyda Facebooga oo aan uga magac dhigey (All Veto Powers stand at the threshold of the Horn of Africa) ama
‘quwadaha leh diidmada fiitooda oo dhamaan wada taagan irrida geeska Afrika’ ama. Dagaalkii labaad ee dunida waxa soo baxay laba quawadood oo waawayn oo kala hugaaminaya siyaasadihii dunida ee bariga iyo tii galbeedka, waxa hormuud u ahaa siyasadda hugaaminta beriga wadan weynihii midowgii soofiyeet (USSR) iyo xulafadeedii


WARSAWkuwaas oo ku duulaya argatida midigta fog ee ku qotontey nidaamkii hantiwadaaga. Halka dhanka dunida galbeedka u hayay hugaanka wadanka Maraykanka iyo
xulufadiisii NATO kuwan oo ku dullayay hal abuurkii siyaasadda ku qotonta hanti-goosi (Capitalism view). Quwadahan oo noqondey wadamadii guushu raacdey dagaalkii dhibta badan dunida ka soo gaadhey ee labaad, waxa markiiba soo baxay tartan dhul balaadhsi ah
iyada oo xulufo kasta ibinayso fekerkeedii sidoo kalena mid walba rabto in ey hesho wadamo badan iyo saaxiibo kale o ku soo biira aragtidoo isla jeerkaana la iibgeeya siyaasadaha nidaamkoodu xambaar san yahay. Rabitaanka quawadahan waxa ka dhashay
waxa loo yaqaano dagaalka qabow (Cold War), nidaamkan siyasadda dagaalka qaboow
waxay si cad ugu xaglin jirtey horjoogayaasha labada quwadood oo dabcan ah maraykanka iyo Russia, siyasaddan dagaalka qabow oo kala ilaalin jirtey in sitoos ah dagaal fool ka fool ah isaga hor yimaadaan ama waxa loo yaqaano (Nuclear war) labadan wadan ee waawayni.
Kala feejignaanta wadamadan waawayni waxay keentey in ey isu adeegsadaan wadamo yar
oo midba mid la safan yahay taas oo abuurtey aragtida halista badan ee dagaalka
wadamada yar yar (Proxy war). Bilogii tobonalihi sagaashamaadkii ama dhamaadkii qarnigii
labtaanaad (20 th century) wadan weynihii Sofiyeetka (USSR) oo ahayd quwadii budhtuurka u
ahayd bulshada bariga ayaa meesha ka baxdey, xulufadii Warsaw ayaa burburtey iyada oo
inta badan wadamadii beriga Europe qalalse badan ka dhacey taas oo ey u weyneyd
dagaalkii Balkaanisku (Balkan War). Arinta burburka Reer barri waxay siisey fursad mar la
arag ah wadamadii ku abtirsan jirey NATO khaas ahaan wadanka Maraykanka iyo xulafdiisa
u horkacayey, waxey meesha ka saartey feejignaan badan iyo hanti badan oo reer
galbeedku ku bixin jireen howlgallada mukhaabaraadka, istiraatiijiyadda iyo maalgelinta
ciidamada kala duwan, khaasatan waxaa hoos loo dhigey miisaaniyadii lagu bixn jirey
siyaasadda amuuraha dibedda ee wadamadaas.

2
Sidaa si lamid ah, burburkii Dhulweynihii Sofiyeetku waxa ey khasab ka dhigtey wadamo
yaryar oo marki hore la safnaa xulafadda Russia in si isdaba yaac iyo qulqul ah ugu biiraan
quwada markaa keli jirta ee NATO isla jeerkaana ey qaataan nidaamka ku dhisan
hantigoosadka ee ra’sumaaliga ah. Bulshooyinkan badidoodii waxaa gacan taagero oo ku
saabsan dib udhiska maamulka, hay’adaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaale isla garab
taagey wadamadii reer galbeed ee ay la qaateen markan aragatidooda, waxa si wey usoo
baxay nidaamka Dimuqraadiyadda (Democracy system), iyada oo arintaasi dhalisey yididiilo
dhaqaale iyo soo kabasho nololeed oo ey helaan dadka ku hoos noolaa nidaamkii
hantiwadaaga.
Wadamada geska Afrikana kama duwanyn wadamada eynu soo sheegney ee Beriga Yurub
(East Europe) , Asia, Bariga Dhexe iyo badda cas waxeyna xudun u ahayeen dagaalka fidsiga
istiraatijayadeed iyo saaxiibtinimo ee quwadihii loolamayey, Jamhuuriyaddii Burburtey Ee
Somaliya waxey kubiirtey nidaamka reer bariga kolkaas oo ey kacaankii dalka ku qabsadey
inqilaabka aan dhiigu ku daadan ee u hugaaminayay Janaral Maxamed Siyaad Barre kusoo
rogeen dalka nidaamka hantiwadaaga cilmiga ku dhisan (Scientific socialism), dhinaca kale
wadanka Ethiopia oo muddo dheer ku hoos jirey nidaamka boqortooyada (Imperialism)
waxa isna ka dhacay inqilibaa xisbigii Derg, kula wareegay talada dalka markaaso oo
hugaamiyihii inqilaabka ee Mengistu si bilaa shuruud ah dalka ugu biiriyeey nidaamka reer
bariga ee looga talinaayey Moscow, isbedlkan ka dhacay beriga africa waxey ku soo
beegantay wakhti istaraatijiyad ahaan looga gacan sareeyey Soofiyeetka dhanka wadamada
Afrika iyo Bariga Dhexe, markan waxa gacanta Russia ka baxey Wadanka Masar oo ku yaala
bogcad muhiim ah oo uu dhaco marin-biyoodka mashquulka badan ee Suweys (Sues Canal),
kusoo biiritaanka Wadamada Somaliya iyo Ethiopia ey kubiireen quwa USSR dii reer barri
waxay dabka kusii shidey hiradankii iyo loonlankii militeri, ganacsi, siyaasdeed, iyo
mabda’eed (Ideology) ee labada xulufo u dhexeeyey waxayna ka dhigtey geeska Afrika
bogcad cusub oo si weyn indhaha caalamku ugu soo jeestaan.
Burburkii midowgii soofiyeetka iyo kala firidhkii quwadii reer bari ee WARSAW waxaynu
nidhi waxa meesha ka baxey maalgalinti badneyd ee wadanka US iyo xulufadiisu ku bixn
jireen siyaasaddooda amuuraha dibedda khaasatan arimaha khuseya dhegdhegaynta.
Arintani waxa soo saartey in lagu war helo khatar kale oo kasoo baxdey dunida carabta iyo
geeska Afrika, dhalinyaro jihaad doon ah ayaa abaabulo badan oo ka dhan ah reer galbeedka
sameeyey, waxaanay abuureen jawi cabsi gelinaya quwadaha reer galbeed ee gobolka
markan si nabdoon rabey in ey uga fushadaan danahooda. Markan waxaa soo baxey wixii
loo yaqaaney dagaalka ka dhanka ah argagixisada( War On terror) oo maraynkanku mar kale
hormuud u yahay, wadamo badan oo aduunka ah khaasatan beriga dhexe, koonfur Bari
Asiya, iyo beriga Afrika waxa sitoosa isaga hor yimid jahaad doonka oo dhinac ah iyo
argagixiso la dagaalanka oo dhinac kale ah, waxa mar labaad Khasab noqotey in reer
galbeedku feejgnaatoodii hore ee amniga iyo danahooda siyaasadeed ee dibedda sare
uqaadaan, waxey sababtey amuurtani mar kale kala qeybsan dunida oo idil ah, burbur
hantiyeed, khasaare nafeed iyo qalalaase cusub oo dunida ku riday jaahwareer darey ah
(New World Disorder).

3
Badhtankii Sanadkii 2018 Wadanka Maraykanku wax uu dib u eegay siyaasdiisa arimaha
dibedda (USA Foreign Policy) ka dib markii khubaradii maraykanka ee arimaha dibedda iyo
amnigu isla qaateen in siyasadii ka dhanka ahayd Argagixisadu maraykanka ku keentey hoos
udhac dhaqaale, istaraatijiyadeed iyo nacayb dadkiisa looga qaado dunida badankeeda, isla
jeerkaana arinatni Maraynkanka ku sababtey dib-udhac weyn oo dhanka hugaaminta dunida
ah, waxey lagama maarmaan noqtey in dib loo qaabeeyo siyaasadiisa ku wajahan araimaha
dibadda oo markan meesha ka saaraysa dagalka ka dhanka ah argagixisada iyada oo lagu
bedelayo siyaasadda istiraatiijayadda dhuleed (Geopolitics strategy).
In kasta oo Geesku yahay meelaha ugu xasaradda badan dunida, hadana mandaqadda
muhiimka ah ee uu ku yaalo ayaa ka dhigtey meel in badan soo jiidata dareenka,
siyaasiyiinta, aqoonyahanka, faaliyeyaasha iyo falanqeeyayaasha siyaasadda iyo
diblumaasiyasdda iyo guud ahaan hugaamiyeyaasha dunida.

Aan dib ugu soo noqdo ujeedadda maqaalkan oo ah mid aan kaga jawaabayo suaasha eynu
ku bilowney dooda maqaalkan.
Maxey daarran tahay xifaaltanka ka socda geeska? Dabcan suaashan oo ah mid aad u
baaxad weyn una baahan in si mowduuciya oo dhan walba ah layska taago gun iyo baarna
loo derso, waxan u maleynayaa in hal, laba maqaal eynaan ku koobi Karin, hase yeeshee
waxa lagama maar maan ah in eynu wax ka nidhaahno oo aan dhowr qodob oo runtii
muhiima ka tibaaxno sababta ka dambeysa iyo ujeedooyinka keenaya is-hirdiga ka jira
geeska Afrika iyo wadamada Bariga dhexe oo aad moodo in beryahan dambe isku hal mid
laga wada dhigo (One Block) marka laga faaloonayo amuuraha is shabaha ee labadan gobol
mateeneyey.
Sadex qodob ayaa sal u noqonaya sababta keentay in geeska iyo badda cas noqoto bogcad
xafiiltan iyo tartan xadhkaha goostey ka jiro.
1. Tartan istiraatijiyaded iyo Military
Burburkii Dhulweynaha Ruushku waxay garoonka u xaadhay in jamhuriyadda dadka ee
Shiinuhu ku soo biirto loonalanka qaabeynta siyaadaha caalamiga iyo ka muqashada
fagaarayasha laysku arko, koror dhaqaale ayaa ka dhacay wadankan kadib markii wax ka
bedel lagu sameeyey siyaasadisii ku salaysneyd suuqa xidhan ee shiinaha oo u wadanku u
guuray siyasadda suuqa furan (Free Market) taas oo horseeday in tiro ka badan 400 oo
million oo qof oo muwadiniinta shiinuhu ka baxaan saboolnimadii ey kujiraan oo ey ku
biiraan bulshada derejada dhexe-sare ee dhaqaale, wershadaha yaryar iyo wax soo saarka
xadhkaha goostey ee dadka Shinuhu sameynayaan waxa ey ka dhigtey wadankan in uu
noqdo mid si weyn loo ixtiraamo. Muddo toban sano kabadan wadanka shiinuhu wuxu si
weyn u maalgaliyey ciidamada qalabka sida guud ahaan gaar’ahan ciidamada badda (China
Navy).
Sababta ugu weyn ee maalgalinta loogu sameynayo ciidamada badda ayaa ahayd in ey
ilaliyaan shixnadaha waaweyn ee shiinuhu u dhoofiyo wadamada khaliijka iyo afrika iyo
sidoo kale saliida ugu badan ee shinuhu soo dhoofsado oo marta marinka mashquulka

4
badan ee baabal mandam (Bab el-Mandeb Strait). Arrintani waxay khasab ka dhigtey
shiinaha in uu saaxiibo kuyeesho wadamada geeska iyo bada cas si ey ugu suura gasho
fiditaanka ganacsi iyo military ee wadanku dhabaha qaadey. Wadanka Djibouti waxa markii
ugu horeysey shiinuhu ku yeeshey saldhiga ciidamada badda (Navy base for the first time in
its history), arintani waxey sas ku keentey wadamada reer galbeedka waxayna sababtey in
wadanka maraykanka khasab ku noqoto in uu bedelo qaab aragii siyaasadeed ee arimaha
dibadda (Reshaping US foreign policy), midan oo ka dhigtey geeska afrika meel tartan
juqraafiyad siyaseed oo darani ka jiro kaas oo u dhexeeya quwadaha waweyn.
Marinka mashquulka badan ee baab-Elmandeb ee ku yaala badda cas wuxuu ka dhigey mid
ey si furan ugu dagaalamaan tartankeeda wadamada dhaqaale ahaan iyo quwad ahaanba
dunida ugu horeeya, markan gobolka waxa Marykanku ku soo noqdey tartankii badda cas
iyo geeska isaga oo la wadaagey wadanka Faransiiska saldhigiisa military ee Kaam De
Lamour (Camp De Lamour) ee ku yaala wadanka DJibouti, Fransiiska, Jabaan waxey iyaguna
hore ugu lahaayeen saldhigyo military isla markanna waxay sii fidiyeen galaangalkooda
siyaasadeed iyo taagerada military ee ey ka geysanayaan wadamada geeska.
Dabayaaqadii tobanlihii qarnigan eynu ku jirno ee 21aad gacanka cadmeed iyo badweynta
hindiya waxa ka bilaambey dagaalka ka dhanka ah budhcad badeeda ka dib markii
maraakiibtii ganacsiga ee isaga kala gooshaysey la kulmeen falal amaano darro oo ka
dhacaya biyaha ku teedsan badda hindiya ee wadanka Somalia. Tiro badan oo maraakiib ah
ayaa la qafaashey iyada oo saraakiishii iyo bad-mareenadii maraakiibtaa sarnaana madax
furasho laga dalbadey si ey dib ugu helaan xoriyadooda. Arrinta budhcad badeedu waxey
soo dedjisey in quwadaha waaweyn iyo wadamo badan oo kale oo xulufo wadaag la ahi soo
farogeliiyaan dhacdooyinka amni darro ee ka jirra marinka ugu muhiimsan ganacsiga
galbeedka iyo bariga aduunka.
Arrintani waxey fursad badan siisey wadamada Shiinaha, Ruushka iyo kuwo kale oo markii
hore ka maqnaa tartanka geeska iyo badda cas. Tiro kabadan afar iyo afartan wadan (44)
ayaa ku soo biirey howlgalka ka dhanka ah budhcad badeeda ee badweynta Hindiya iyo
biyaha ku teedsan Somaliya. Markii ugu horeysey waxa wadanka Djibouti xarun ka dhigtey
howlgalka midowga yurub (European Union Capacity Building Mission) ee ka dhanka ah
falalka budhcad badeednimada iyo ka ganacsiga dadka. Muddo dheer oo indhah laga
lalinayey ka dib, Geeska Afrika wuxuu mar labaad noqdey beegsiga reer Galbeedka iyo illaa
xad bulshooyinka kale ee dunida.
Wadanka Turkigu wax uu la wareegey gacan ku heynta jasiiradda Suwakin (Suakin Island) ee
wadanka Sudan taas oo khasab ka dhigtey in wadanka emiratka iyo Saudiga oo dhinac ah
Iyana ey saldhig ciidamada ah ka yagleeshaan Assab,Eretria, dhaqaale badan oo fatahaada
iyo in wadamada iyo sucuudigu Emiraatku door muhiim ah ka qaateen dib u heshiisiinta
xidhiidhka wadamada Ethiopia iyo Eriterea ayaa waxey gayeysiisey hugaamiyaha wadanka
Eritaria Isaias Afwerki inuu helo taageero dhaqaale oo aad u baaxad weyn taas oo ku heley
kirooyinka ka soo gala saldhiga emiraatka ee Assab iyo qulqulka kale ee wadamadan qaniga
ahi isla garab taageen, dhinaca kale kama yaryesan wadanka Ethiopia ka dib markii Iyana
emiraatku ku wareejiyey lacag ka badan sadex billion oo dollar oo isugu jirta deyn iyo deeq

5
si wadanka Ethiopia uga soo kabto hoose u dhaca dhaqaale iyo yaraanta wareega lacagta
cadaanka ah ee uu sababey qulqulatooyinkii iyo rabshadaha siyaasadeed ee xukunka lagaga
tuuray xisbigii talada dalka ku hayey ee TPLF(Tigraya Peoples liberation Front) oo ahaa
xisbigii ugu tunka weynaa bahwadaagta xisbiga EPRDF(Ethiopian People's Revolutionary
Democratic Front ).

2. Tartanka Ganacsiga Iyo Dhaqaale
Soo saarintaankii saliida bariga dhexe gaar ahaan wadamada khalijku waxey abuurtey in
dunida kusoo biiraan quwad goboleedyo badan oo kusoo biira saaxadda siyasadda
amuuraha dibedda, quwadaha ciidamada iyo trantanka ganacsiga wadamada aduunka.
Kororka dhaqaale ee laga heley kheyraadka dabiiciga ah ee saliida ee ey hodanka ku
noqdeen wadamada khaliijku waxey ugogol xaadhey in ey fidiyaan saameynta ey ku
leeyihiin dunida badda cas iyo geeska afrika.
Korodhka dadka qaaradda Afrika oo ah mid xowli ku socda (250 Million 1950 1.2 Billion
sanadka 2019) waxey ka dhigety qaaradan meel dunidu usoo tartanto. Geeska afrika oo ah
albaabka bariga ee dunidu kasoo gasho qaaradda Afrika wax uu wadamada khaliijka,
shiinaha, Turkey iyo wadamada kale ee bariga Asiya siiyey fursad ey ka halikaraan macaamiil
badan oo ey ka gadaan badeecadaha iyo wax soosaarka wershadahooda.
Wadanka emiraatka oo dhinaca siyaasadda ganacsiga horkacaya xulafadda uu ku weheliyo
Sacuudigu waxey markan fidsadeen saameyntooda ganacsi ee ey ku leeyihiin qaaradda
Afrika siiba geeska afrika. Shirkadda weyn ee laga leeyahay wadanka emiraatka ee loo
yaqaano Dubai Port World (DPWorld) waxey hormuud u noqatey ganacsi balaadhisga
wadanka emiraatka, iyada oo heshiis balaadhinta iyo casriyeynta dekedda Jibouti kula
gashay heshiis wadanka Djibouti. Khilaaf baahsan oo kala dhexgalay DJibouti iyo Emiratku
waxuu sababey in heshiiskii meesha ka baxo taas oo isla markiiba shirkadani qorsheheedii
balaadhinta dekedda u leexisey dhanka iyo marsada Berbera ee Somaliland, shirkad faraco u
ah isla shirkadda weyn ee DPW ayaa Iyana heshiis la gashey maamul gobeeldka Somalia ee
Puntland si ey wax kabedel iyo balaadhin ugu sameyso dekedda Bosaaso, sidaa si lamid ah
dekedda Kismaayana waxaa la wareegey wadanka Emiraatka.
Ka bixitaanka shirkadda DPWorld ee dekadaha DJibouti waxay fursad habeen dhalad ah
siisiy wadan weynaha Shiinaha oo in door ahba deydayey marinka ganacsiga Afrika, wax uu
si sahal ah ku heley dekeddaha DJibouti oo ah dal yar oo goob aad u istiratiiji ah dhaca,
heshiiska baladhinta dekedaha jibouti iyo shiinuhu waxa u sii badiyey xamaasadda tartanka
geeska ee dhinacyada Gancsiga, militariga, iyo galaangalka siyaasadda.
Dhinaca kale wadanka Turkiga wax uu la wareegay dekadda magaaladda Moqdishu iyo
gegida diyaaradha ee Adan Adde Airport, damaca turkiga iyo siyasadiisa qorshaha fog waxa
ey dib ugu noqnaysaa markii sanandkii 2011 raiisal wasaarihii markaa iminkana ah
madaxweynaha Turkigu Rajib Erdigon ka degey magaaladda moqdishu markaas oo dadka
Somalida abaar ba’ani ku dhufatey, taageero bini aadanimo oo turkiga iyo hay’adaha
gargaarku ka geysteen abartaa daran waxey keentay in Turkiga iyo dowladda Somaliya isku

6
noqdaan saaxiibo aad isugu dhow, arrintani waxey Turkiga siisey fursad u isku muujin karo
siyasadiisa geeska iyo guud ahaan ganacsiga mustablaka uu la wadaago qaaradda Afrika.
Dhawaan bey ahayd markii garoonka Diyaaradah ee Moqdishu ee Adan Adde lagu qabtey
sagaal malyuun oo dolloar oo ey sidey diyaarad gaar ah oo Emirate laga leeyahay. Inkasta oo
imaaraadku ku dooday lacagtasi in ey u socatey ciidamadeeda gaarka ah ee ku sugan
saldhiga Moqdishu kulaha Emiratku hadana dowladda Somaliya waxay ku doodey in
lacagtaasi sharci daro ahayd meesha ey ku sucoteyna ahayd in lagu maalgaliyo gacmo hoose
oo qalaalse kawada Somalia iyada oo somaliya la waregtey lacagtii.
Qabashada iyo la wareegida lacagtani waxay sababtey qarax diblumaasiyadeed iyada oo
Emiratku kala baxdey ciidamadeedi kaga sugnaa moqdishu sidoo kalena joojisey gargaarkii
iyo takuladii bini aadanimo ee ey ka geysan jireen gudaha Somalia. Degdega iyo salfudeydka
Xulufada khaliijla khasatan imaaratka oo budhtuur uga ah dhanka istiraatijiyada waxay ku
tusaysaa in aanay lahahyn aragti fog iyo qorshe hagaya damacooda mustaqbalka ee
istaratijiyadeed. Emiratku waxa u saldhig ciidan ku yeeshey Somaliland, si u bedelka
Moqdishu uga dhigto isaga oo balanqaadey in uu Somaliland ugu bedelayo marin isku
xidhaya dekedda halbowlaha ah ee Berbera iyo xuduuda wadanka Ethiopia. Turkiga iyo
Qadar iyo sidoo kale Iiran oo arimaha qaar ey ku midoobaan oo dhinac ah iyo Sacuudiga,
Emirat iyo Masar oo dhanka kale ahi waxey faragelin qaawan ku hayan wadamada geeska
Africa si ey uga fushadaan danohooda dhaqale iyo kuwa siyaasadeed ee aan tirada lahayn.

3. Tartan Mabaadi’ iyo Fekerka
Kala duwanaanshaha diimaha iyo qoomiyadahu waxey ka dhigtey wadamada geeska Afrika
bogcadda ugu qalalaasaha badan qaaradda Afrika iyo guud ahaanba dunida. Fidintaanka
mabaadi’da ku saleysan qoomiyadha iyo diimaha waxey saameyn taban ku yesheen hore
usocodka wadamada geeska iyaga oo ka abuurey colaado gudaha ah iyo kuwo debedda ah
(Inter and intra-state war).
Kor u kaca dhaqaale ee wadamada khaliijku iyo wadamada Iraan iyo Turkey waxey gobolkan
ku keentey firqaddo diimeed oo kala taggan haba ugu sii daraadeen isdiidooyinka
madaahibta Shiicada iyo Sunniga oo gobolka si xowli ah ugu fidayo is hirdigoodu. Fekerka
wahaabiga oo la asaasmey boqortooyada Sacuudiga ayaa inbadan saameyn ku yeeshay
nolsoha kumanyaal dhalinyaro ah oo kasoo aflaxa wadamada kahliijka iyaga oo usoo
gudbiyey wadamada geeska ee muslimka ah khaasatan wadamada, Somaliland, Somalia,
DJibuti iyo Sudan iyo xitaa wadanka Ethiopia aragtidoo fekradaha wahabiga ah ee Sunniga
ku abtirasada. Aragtidan waxey intabadn is jiidhaan nidaamka dowliga ah ee ka jira
wadamada iyo dadyowga muslimka u badan ee ku nool wadamadan.
Kacaankii guga carabta (Arab Spring) waxa u bilaabey in dhaqdhaqaaqa wahaabiga iyo
shiicada ee gobolku si muuqda usoo baxo, arrintani waxey figta ugu sareysa gaadhey ka dib
markii wadanka Sucuudigu taageeray dagaalka ka dhanka ah hugaamiyaha Suuriya ee
Bashiir Al-Asad, halka dhanka kalena Iiran taagero ugu yaboohdey shiicadda faraha badan ee
Baxreyn si ey xukunka ugala wareegaan boqrtooyada Suniga ah ee tirade yar.

7
Hase yeeshee arinta fidinta mabaadi’da diiniga ah iyo saameynta xagjirnimada dibedda laga
keenay oo hadda umuuqata inay tahay mid baahsan waxey geeska afrika usoo gudubetey si
darran markii dagaalka xuutiyinta shiicada ah ka bilaabeen wadanka Yemen oo kaabiga u
saaran wadamada geeska.
Isbahaysi ka kooban wadamada geeska, bariga dhexe iyo dowladda Pakistan oo ey
horkacayso wadanka Sacuudigu ayaa dagaalo ka bilaabey wadanka Yemen si meesha looga
saaro halganka jabhadda hubeysan ee xuutiyiinta, dagaalkani waxa uu daaha ka feydey
qaska u dhexeeya Aragtiyaha iyo aminsanaanta Sunniga ah iyo ta shiicadda iyo hirdanka
siyaasadeed iyo military ee dhuxeeya wadamada Iiraan iyo Sucuudiga taas oo salka ku heysa
cidda loo daba fadhiisanayo awooda gobolka bariga dhexe iyo wadamada islaamka iyo
gacan ku heynta marinada qaaliga ah ee badda cas iyo marinka Humus.
Dhinaca diblumaasiyadda hadii eynu jaleecno, Sacudiga ayaa ugu deeqay bishii Januray ee
2016 wadanka Somaliya lacag dhan 50 MIliion oo doolar si uu xidhiidhka ugu jarro wadanka
Iraan, codsiga sucuudiga waxa markiiba aqbalay xukuumadii markaa Somaliya ee xassan
sheikh iyada oo xidhiidhka u jartey dowladda Iran safaaraddii ey ku lahayd Moqdsihuna
alabaabada u laabtey. Dhinaca kalena wadanka Suudaan hugamiyihedii oo markaa xukunka
heystey keligii taliyihii dhawaan laga ridey xukunka ee Omare Al Bashir waxey wadamada
xulufada Khaliijku ugu yabooheen in uu xidhiidhka isna ujaro Iiraan taas oo marki uu
talabadaa qadey abaalmarin diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo badanba kaga heley
wadamada khaliijka.
Wadamada geeska wax ka jira kala qeybsanaan baahsan oo udhexeeya bulshooyinka
wadamadan ku dhaqan, kala qeybsanaantaa oo salka ku heysa inatabadn qabyaalad iyo
feker diimeed. Wadanka Ethiopia oo isagu ah wadanka uugu tirade badan xagga dadka
wadamada geeska afrika, ayaa noqonaya wadanka saameynta ugu badan ee ey ku yesheen
kala qaybsanaanta qowmiyadaha iyo diimaha maadaaba wadankan dadkiisu kala heystaan
diimaha islaamka iyo Kiristanka. Arintani waxey ka dhigtey wadamada geeska mar walba
kuwa losoo dhex maro kala qeybsanaantooda, taas oo wadamada dibedu u soo waaridaan
fekaradaha iyo maba’diida ey xambaarsan yihiin.

Maxey uga dhigan tahay Hugaamiyeyaasha Wadamada Geeska tartanka ka jira
gobolkeedu?
Sida uu warbixin kusoo bandhigey Prof Paul D.Williams oo ah bare sare oo ka dhiga arimaha
caalimaga ah jamacadda Elliot qalaase ka badan 1500 ayaa ka dhacay qaaradda Afrika kadib
1991kii iyada oo in kabadan 400 oo qalaalsaha ahina ka dhacayo wadamada geeska ku
yaala, taas oo ka dhigeysa in kabadan gobolada dunida kale oo dhan marka la barbar dhigo
geeska.
Baro kac, soo galooti, qalalaase, nabad xumo, faqri iyo jahli badan ayaa ka dhigey gobolka
geeska Afrika mid inta badan dibu-dhacsan. Samaaynta isbedelka cimilada, abaaro soo
noqnoqda, iyo dagaalo ayaa in badan la hadhey bulshada ku nool geeska afrika.
Saboolnimada iyo shaqolo’ aanta ka jirta wadamadani waxey dhalisey in dhalinyarada iyo

8
jiilka soo korayaa qaxooti ku noqdaan wadamada galbeedka Yurub iyo Bariga Dhexe.
Boqolaal da’yar ah oo baadidoonayey nolol dhaanta ta ka jirta wadamadooda ayaa bil walba
ku halaagma safarka dheer ee u dhexeeya geerida iyo nolosha. Kuwo badan oo dhalinyarada
muhaajirinnta ah waxey ku nafwaayeen badaha iyo saxaraha halka kuwo kalena madax
furasho loogu qabsado wadmada galbeedka Afrika.
Sida uu qabo Alex De-Wall oo ah qoraaga buuga siyaasadda dhabta ah ee Geeska Afrika (The
Real Politics of the Horn of Africa: Money, War and the Business of Power) qulqulka
lacagaha xad dhaafka ah ee wadamada khalijka, reer galbeedka iyo hey’adaha maalgelinta
caalmaiga ku qarqiyaan madaxda Geeska Afrika waxey ka dhigety in ey u hugaasamaan
dalabyada iyo yeedhmooyinka kaga imanaya maalgeliyaasha debadeed si ey ugu fuliyaan
danaha ey ka leeyihiin geeska taa bedelkeedana ey xukunka Iyana ugu sii hayaan iyaga oo
iska ilaawa danaha dadkooda iyo hugaaminta toosan ee gobolka ey u horseedi lahaayeen si
beri ka fiican manta uga dhaxlaan jiilasha soo socda iyo umadaha manta nool ee ku dhaqan
wadamadan.
Madaabada ey jirto dhibaatooyin isbiirsaday, dowlad xumo iyo mamulo liita oo baahsan o
badiba ka taliya wadamada geeska,taas oo ka dhigtey gobolkan mid aad ugu nugul farogelin
siyaasdeed iyo mid meletari oo shisheeyi, waxa muhiim ah in hugaamiyeyaasha iyo
waxgaradka wadamadani keeno xal waara oo lagaga saari karo dib u dhaca ka jira
wadamadan geeska, samo kalintaas oo ey muhiim tahay in hormuud u noqdaan
hugaamiyeyaasha siyaasadeed sidey u hiirgeliyaan.
Keenida horumar waara waxa asaas u noqoqn kara:
1. Ka qeybqaadashada siyasadda: dib u habeynta iyo dib u hagaajinta hay’adaha
dowladda, ka qeybqaadashada siyaasadda iyo aayo ka tashiga arimaha masiiriga ah
oo buslahadu iska wada dhex arkaan waxey siinaysaa fursad lagu horumarin karo
arimaha bulshada, dowlad wanaaga iyo amniga ee wadamada geeska.
Saamaynta dhaqdhaqaaqyadan ayaa u keeni kara wadamada Suudaan iyo Ereteriya,
Djibouti iyo Somalia inay badalaan siyaasadooda gudaha kuwaas oo hadda u baahan
in dib u eegis lagu sameeyo. Waxay wali jira in Suudaan u baahan tahay inay hesho
qaab ay ku soo afjarto dagaalkeeda sokeeye iyo inay Ereteriya abuurto dhiirigelin
gudaha ah si markaa dhallinta waddanku u doortaan inay gurigooda joogaan halkii ay
ka haajiraan.
Ka maqnaanshaha muwaadiniinta ee ka qeyb qaadashadda siyasadda taas oo ey
dareemayaan in masiirkoodu uusan ku jirin gacanta cid kale ayaa ah caqabadda
koowaad. Tani waxay leedahay qodobo dhowr ah Sida aan u fahano ee u qeexno
dimuqraadiyadda, sida dhalinyarada iyo haweenku ay uga qeyb noqdaan aayo ka
tashiga siyaasadda, sida dib udhis wadan loo sameyn karo, iyo sida ugu haboon ee
kheyraadka iyo dhaqaalaha gobolka loogu qeybin karo si siman.
2. Iskaashi dhaqaale iyo siyaasadeed (Intergation on Economic and political in the
regional states): abuuritaankaanka jewi wada shaqeeyneyd oo ku saabsan iskaashiga

9
dhaqaalaha, siyasadda iyo amniga waxey abureysaa fursado is aaminaadeed oo dhex
mara wadamada geeska isla markaana waxey kordhineysaa is dhexgalka bulshada
iyo koritaanka fogaan aragga hugaamiyaayaasha mandaqadda geeska.
Ku guuleysiga iskaashi waara oo dhaqaale waxa uu gobolka ka dhigi karaa mid ka
faaideysta cudduda iyo xooga dadkiisa gaar’ahaan muruqa iyo maskaxda dihin ee
dhalinyarada, iyo kheyraadka ceegaaga ee ku jira badaha iyo berriga ee aan wali sidii
ugu habooneyd looga faaidaysan.
Hadii hugaamiyeshashu ku guuleystaan abuuritaankaanka jewiga wada shaqeyneyd waxa
hubaal ah in meel isaga tiirin doonaan faragelinta shisheeya iyo kuwa sokeeye ee sida aan
kala goa’ lahayn ugu haya deegaanka geeska afrika.
Haddii laga eego aragtida gobolka ee is aaminaad la’aanta, is-dhexgalka dawlad-goboleed
iyo khilaafaadka ka dhasha gobolka, maqnaanshaha nabadda Geeska Afrika waxey horseedi
doonata taariikh dheer iyo murugsananan dhaqaalaha, siyaasadeed, geeddi-socodka
dhisidda dowladeed iyo isdhexgalka bulshada.

WQ: Saeed Hashi
Falanqeeya siyaasadda, Dilblumaasiyadda, Dhaqaalaha iyo Nabadda Geeska Africa iyo
Bariga Dhexe.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
WAREYSIYO