Wednesday October 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Fariin Ku Saabsan AYAXA Waqtigan Dalka Ku Habsaday. (Ayax Tag Eelna Ka Tag)

0
Tuesday October 08, 2019 - 23:23:51 in Wararka by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fariin Ku Saabsan AYAXA Waqtigan Dalka Ku Habsaday. (Ayax Tag Eelna Ka Tag)

    Fariin Ku Saabsan AYAXA Waqtigan Dalka Ku Habsaday. (Ayax Tag Eelna Ka Tag)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Fariin Ku Saabsan AYAXA Waqtigan Dalka Ku Habsaday. (Ayax Tag Eelna Ka Tag)

waxaa jira ayax ku habsaday maalmahan dalka gaar ahaan xeebaha gobollada awdal, saaxil isagoo u gudbay maroodi jeex ugu danbayna soo gaadhay G.togdheer isla maanta.
ayaxani wuxuu kasoo guurey Arabian peninsula khaasatan dalka yemen. ayaxa nooca guura ee loo yaqaan migratory locust wuxuu fidaa xilliyada roobabka fiicani da.aan ee cagaar fiicani jiro, ciidu ay leedahay qoyaanka,heerkulkuna uu diiran yahay, 

xaaladahani waxay keenaan inuu si fiican u tarmo una bato. ayaxa guuraa wuxuu maalintii socon karraa masaafo dhan 150km maalintii, isagoo isaga gudbi karra qaarad ilaa qaarad. waxaa la xaqiijiyey inuu maalintii quudankarro ayaxa guuraa cuntada hal waddan isticmaali karro sanadkii tusaale ahaan belgium.


ayaxa guuraa waxaa lagaga hortagi karraa in xilli hore la ogaado khatarta imaashihiisa (early warning system) , in la xoojiyo haayadaha ka shaqeeyo ka hortaga ayaxa iyo in la kormeero/la korjeegteeyo islamarkaana si dagdag ah looga jawaabo khatartiisa.
sida ay cadaysay east african desert locust prevention, oo Ethiopia xaruntoodu tahay ayax-guuraagani wuxuu ku habsaday waddamada barriga africa gaar ahaan djibouti, somaliland ,Eritrea iyo waddanka sudan isagoo kasoo gudbay waddanka yemen bishii June/July 2019.
ayaxa guuraa caadiyan ka u horeeyaa waxyeeladiisu ma weyna balse marka uu hello xaaladaha tarankiisa fudeydiya ee cimilo rooban, carro qoyan iyo heerkul diiran wuxuu dilaaciyaa ugxantiisa taasoo keenta inuu baabiiyo beeraha iyo daaqaba.
DHIBAATOOYINKA AYAXA GUURA EE SAXARAHA
1. wuxuu baabiiyaa dhamaan dallagyada la beerto iyo daaqaba taasoo keento dhibaato cunto yaraan oo dadka iyo xoolahaba ku yimaada.
2. waxaa qaaliyooba Raashinka maadaama uu khasaaray waxsoosaarkii soo go'i lahaa taasoo sababta in dhaqaaluhu hoos u dhaco.
3, ayaxu wuxuu maalin ama saacad gudaheed ku baabiiyaa wax sanad iska dhan beeralaydu ka shaqaynaysay sidaa daraadeed khasaarihiisu wuxuu la mid yahay aafooyinka dabiiciga ah ee keena majaacada iyo nafaqo la.aanta.

4. wuxuu kordhiyaa qiimaha raashinka soo go.a maadaama kharash badan lagu bixiyo la dagaalnkiisa.

tusaale ahaan 400,000,000$ ayaa lagu kharash gareeyey dhibaatadii ayax ku habsaday waddanka Maali halka intaa in ka badan oo waxsoosaarkii waddankaas ahna uu baabiiyey sanadihii 2003-2005.

Maxaa innala Gudboon innaga somaliland
wasaarada beeraha waxaa laga rabbaa inay qaylo-dhaan degdeg ah ka dirto dhibaatada ayaxan oo u muuqda mid weliba sii badanayaa maadaama ay roobabku weli si fiican u da'ayaan .
wasaaradu waa inay samaysaa qorshe lagula dagaalamo ayaxa oo ah in la hawlgeliyo buufinta hawada sare ee cayayaan dilaha ku haboon la isticmaalo(Aerial drone) Iydoo sahan sugan lagu samaynayo halka uu ku badan yahay.dabcan nimdaamkani waa qaali balse waa nidaam si fudud loo heli karro haddii cida ku shaqada leh la kaashado sida ururka la dagaalanka ayaxa guura ee waddamada u nugul khatarta ayaxa guuraaga, FAO , USAID iyo waddamada deeqaha bixiya.
ummada reer somaliland oo abaar ba'an kasoo kabanaysa, sanadkana ay u da,een roobabkii ugu wacnaa waxay khatar labaad ugu jiraan inay soo food saarto khasaare waxsoosaar iyo calafka xoolaha oo isna uu baabiiyo taasina waxay la mid tahay abaar labaad oo labaajin karro haddii loo hawl gallo.

Ugu danbayn, waxaan ku talin lahaa in la sameeyo Haayad Qaran oo u gaar ah ka hortaga masiibada ayaxa islamarkaana miisaaniyada qaranka loogu darro qoondo fiican si ay hawshaas ugu babacdhigto xakamaytiisa.

Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga Wadani 

Aqoon Yahan Muse Yusuf Raabbi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
WAREYSIYO