Tuesday May 26th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Xog: Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Oo Ku Gacan-Saydhay Dalab Layaableh Oo Uga Yimid Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Saabsan Caleemo Saarka Axmed Madoobe.

0
Wednesday October 09, 2019 - 07:54:51 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xog: Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Oo Ku Gacan-Saydhay Dalab Layaableh Oo Uga Yimid Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Saabsan Caleemo Saarka Axmed Madoobe.

    Xog: Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Oo Ku Gacan-Saydhay Dalab Layaableh Oo Uga Yimid Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Saabsan Caleemo Saarka Axmed Madoobe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog: Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Oo Ku Gacan-Saydhay Dalab Layaableh Oo Uga Yimid Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Saabsan Caleemo Saarka Axmed Madoobe.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo shalay socdaal aan la sii shaacin ku yimid magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa xalay halkaasi kulan saacado qaatay kula yeeshay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirrada la kulmay madaxweyne Deni oo dhammaantood ka soo jeeda degaannada Puntland, waxa kamid ah wasiirka Arrimaha debadda Axmed Ciise Cawad, wasiirka Qorshaynta, Jamaal Xasan Maxamed, wasiirka Kalluumeysiga , Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo xubno kale.

Sida ay xaqiijiyeen Ilo’ lagu kalsoonyahay, wefdiga ayaa madaxweyne Deni u soo bandhigeen in la xalliyo khilaafka u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Puntland, si meesha looga saaro mad-nadowga labada dhinac.

Sidoo kale, waxay ka dalbadeen in Puntland aysan ka qeyb-gelin, munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaan oo la filayo in ay dhowaan ka dhacdo magaalada kismaayo.

Madaxweyne Deni ayaa sida ilo’ ka tirsan xafiiskiisa ay xaqiijiyeen, wuxuu wefdiga u sheegay in Puntland mar walba diyaar u tahay in wada-hadal lagu xalliyo, khilaafka kala dhexeeya Villa Somalia, haddii si dhab ah looga wada-hadlayo dhammaan arrimaha ay ku muransan yihiin labada dhinac.

Balse, wuxuu gebi ahaanba diiday dalabkii ay hor-dhigeen ee ku aaddanaa in aysan Puntland ka qeyb-gelin caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, waxaana uu si cad u sheegay in Puntland aysan cidna fasax uga weydiisan doonin ka qeyb-galka caleema-saarkaasi.

Kulanka labada dhinac ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday, waxaana la filayaa in wasiirada Federaalka ay maanta dib ugu laabtan magaalada Muqdisho.


Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO