Wednesday October 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Dr Abiy Axmed ma ku guuleysan doonaa abaalmarinta nabadda ee Nobel?

0
Wednesday October 09, 2019 - 09:57:13 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr Abiy Axmed ma ku guuleysan doonaa abaalmarinta nabadda ee Nobel?

    Dr Abiy Axmed ma ku guuleysan doonaa abaalmarinta nabadda ee Nobel?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Dr Abiy Axmed ma ku guuleysan doonaa abaalmarinta nabadda ee Nobel?

Majalada Time ayaa sheegay shaqsiyaadka la filayo iney ku guuleystaan abaalmarinta nabadda ee Nobel oo sanadkan 2019-ka lagu qabanayo caasimadda Norway ee Oslo ayaa loo badinayaa inuu ka mid noqdo Ra'isalwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Wargeyska ayaa u sababeeyey inuu Dr Abiy uu ku guuleysan karo abaalmarintaasi inta uu talada dalka Itoobiya qabtay sida uu muddo gaaban uu ugu soo afjaray colaaddi 20 sano ku dhawaad ka dhex taagneyd Itoobiya iyo Eritrea, maxaabiista siyaasadeed ee faraha badan oo uu xabsiyada ka si daayey iyo guud ahaan isbeddellada uu ka sameeyey siyaasadda dalkaasi.

Hay'ad fadhigeedu yahay Ingiriiska oo lagu magacaabo Ladbroke oo badanaa arrimaha siyaasadda saadaal ka bixiso ayaa sheegtay iney Dr Abiy guusha raaci doonto wuxuuna rajada inuu guuleysto ay gaarsiisay 80% ayay tiri hay'addu.

Abaalmarinta nabadda ee sanadlaha waxay sanad walba abaalmarin siisaa shaqsiyaadka ama hay'adaha doorka weyn ku lahaa nabadda dunida.

Sanadkii hore waxaa abaalmarintaasi ku guuleystay dhakhtar Koongo u dhashay oo lagu magacaabo Danes Mukwega iyo gabadh u ololeysa ka hortagga kufsiga iyo gaboodfallada jinsiga la xiriira oo lagu magacaabo Nadia Murad.

Hay'adda bixiso abaalmarinta Nobel waxay sheegtay abaalmarinta sanadkan iney u tartamayaan 301 musharraxa oo isugu jira 223 shaqsi iyo 78 hay'adood, inkasta oo aan shaqsiyaadkaasi iyo hay'adahaasi magacyadooda la shaacin haddana waxaa soo ifbaxayo saadaalin abaalmarintaasi cidda ku guuleysan karto laga sii bixinaya.

Dadka kale ee guusha loo saadilayey waxaa ka mid ah gabadha u ololeysa isbeddelka cimilada Greta Tumburg iyo Ra'isal Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern.

Cidda abaalmarinta Nobel ee sanadkan ku guuleysatana waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqayaa maalinta Jimcaha oo ay maalma un naga xigto.

Maxay ka wada hadleen Soomaalida iyo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya?

Dr Abiy AxmedLahaanshaha sawirkaEBC
Image captionRai'sal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed

Ra'isal wasaare Dr Abiy Axmed muddada kooban uu xilka soo hayey tallaabbooyin wax ku ool ah ayuu qaaday, haddana dadbaa ku dhaliilaya iney weli jiraan howla waxqabad u baahan oo Raisul wasaaraha horyaallo.

Tan iyo inta uu hoggaanka dalka Itoobiya uu qabtay Ra'isal wasaare Dr Abiy Axmed oo ay haatan hal sano u buuxsantay waxaa dalka Itoobiya ka socday isbeddello dhinacya badan taabanaya.

Isbeddellada oo weli halkooda ka socda haddana waxaa jira cabsi aad u weyn oo laga muujinaya xaaladaha si isdaba joogga dalka uga dhacaya oo ay ka mid yihiin dagaallada ka dhex dhaca qowmiyadaha dalkaasi ku nool waxyaabaha u qabsoomay kuwooda ugu mudan waxaa ka mid ah:

Sarreynta sharciga

Dr Abiy Axmed oo wax laga weydiiyey sarreynta sharciga hirgelintiisa iney xukumaddiisa dhibaato kala kulantay taasina ay sababtay dhimasho iyo barakac aad u badan oo dhan walba ka dhacay.

Ra'isal wasaaraha mar uu arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri "Sarreynta sharciga howla aad u badan ayaa noo qabsoomay inkasta oo ay jiraan arrima qaarkood oo u baahan wakhti badan in la geliyo balse aanu billaawnay"

"Tusaalooyinka wanaagsan ee aan soo qaadan karno waxaa ka mid ah sarreynta sharciga sida aan uga hirgelinnay deegaanka Soomaalida, deegaankaasi oo ku sugnaa xaalad dalka intiisa kale ka duwan"

"Deegaankaasi wuxuu sameeystay 30,000 oo askari oo hubeysan haddii ay dowladda dhexe faregelin inta ay ku sameyso ay xukumaddi jirtay beddeli leheenna waxaaba dhici laheyd inuu deegaankaasi sawirka guud uu dalka Itoobiya leeyahay uu beddeli lahaa" ayuu yiri.

"Tallaabbooyinka aan ku hirgelinnay sarreynta sharcigana waxay sababtay iney dowladda gacanta ku soo dhigto 47 qof oo faldambiyeedyo kala duwan deegaankaasi ka geystay"

"Deegaanka Soomaalidana maanta wuxuu ka mid yahay deegaannada ugu deggan marka loo fiiriyo sidi hore uu ahaan jiray. Taasina waxay ka mid tahay tallaabbooyinka aan qaadnay si buuxdana ugu guuleysannay sanadkii hore" ayuu yiri Ra'isal Wasaare Dr Abiy Axmed.

"Sida oo kale dhibaatooyin ka dhacay qayba kala duwan oo dalka ka mid ah dadkii ku lug lahaa oo ay tiradooda 1,000 kor u dhaafeyso dacwad ayaa lagu soo oogay oo maxkamadeyntooda ayaa socota. Laba qof oo dil ku geystay magaalada Shaashamanne ee deegaanka Oromadana xabsi daa'im ayaa lagu xukumay."

Lahaanshaha Magaalada Addis Ababa

Muddooyinki ugu dambeeyey waxaa magaalada Addis Ababa ka dhacayey isku dhacyo salka ku hayo lahaanshaha caasimadda Addis Ababa oo ay qowmiyadda Oromada wadday ilaa haddana socday.

Ra'sal wasaare Dr Abiy Axmed mar uu arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri arrinta sheegashada dhulka marka ugu horreyso waxaa loo baahan yahay inaan fahanno dastuurka waxa uu ka yiri cid walbana waxaa loo baahan yahay iney taa maskaxda ku hayso.

"Dhulka dowladda ayaa iska leh qodob dastuuri ah ayaana si cad u dhigaya, marka su'aal kasta oo la xiriirto dhulka waxaan ku maareyneynaa si waafaqsan dastuurka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federalka Itoobiya", ayuu yiri

Arrinta xuquuqda dhulka ee u dhexeysa maamulka magaalada Addis Ababa iyo Deegaanka Oromada si aan xal waara uga raadinno waxaan u saarnay guddi heer qaran ah oo arrintan xal waara u raadiya.

"Ciddii dana siyaasadeed oo gaar ah ku dhex wadato arrintanna waxaan u sheegayaa iney gacmaha kala baxaan ka hor inta uu sharcigu qaban" ayuu yiri




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
WAREYSIYO