Tuesday June 02nd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Faaqidaada Madaxwaynayaasha !!!!. ---------------------------------------- Qalinkii: Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed-Sakayuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic

0
Friday November 01, 2019 - 20:19:17 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faaqidaada Madaxwaynayaasha !!!!. ---------------------------------------- Qalinkii: Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed-Sakayuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic

    Faaqidaada Madaxwaynayaasha !!!!. ---------------------------------------- Qalinkii: Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed-Sakayuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faaqidaada Madaxwaynayaasha !!!!. ---------------------------------------- Qalinkii: Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed-Sakayuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic
Shacabwaynaha Somaliland:- Waar Ismaaciil Cumar Geele Miyuu Falay Madaxwaynaheena Weligeed Kamay Dhicin Madaxwaynayaashii Soo Maray Inay Ka Qayb Galaan Aaska Madaxwayne Ay Walaalo Yihiin Xasan Guuleed Abtidoon Ama Ismaaciil Cumar Geele Oo Weliba Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Wasiiro Badan Oo Is Bar Bar Yaacayaa Ka Qayb Galaan Aaska Marxuumka Ay Walaalaha Yihiin Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele Halkii Uu U Tacsiyadayn Lahaa Isagoo Qasriga Madaxtooyadda Somaliland Jooga Waa Yaabka Yaabkii Tanina Ma Inoo Dambaysay Soow Inagan Noqonay Gob Jabtay !!!!.


Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele:- AlXamdulillaah Allaah(Swt) Ayay Mahadi U Sugnaatay i Dhaafiyay Madaxwaynayaashii Habaarka Qabay Ee igu Noqday Laf Dhuun Mari Wayday Madaxwayne Muxammad Xaaji Ibraahim Cigaal, Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin, Madaxwayne Axmad Muxammad Maxamuud(Siilaanyo) Iminkaan Helay Somaliland Ka Helay Madaxwayne ii Dhego Nugul Oo Aan Farta Ugu Yeedhayo Sida Ciyaalka, Siyaasaddii Somalilandna Jeebkayga Ayay Soo Gashay Kkkkkkkkkkk.

Madaxwayne Farmaajo:- AlXamdulillaah Sidii Aan U Caafimaaday Ee Aan Ka Baxay Xayndaabkii Sixirka Jabuuti Waxaan Xidhiidh Wanaagsan Oo Taariikhiya La Yeeshay Wadamadda Turkiga, Itoobiya, Eriteriya, Kenya, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, inkastoo Wadamadda Sacuudi Carabiya Xulafada La Yahay Ka Boodsan Yihiin Qatar Haddana Wadankasta Xor Ayaanu U Nahay Inaanu Xidhiidh Wanaagsan La Yeelano Ka Raadsano Dhaqaale Badan Oo Wadanka Lagu Horumarinayo Insha Allaah.

Madaxwayne Muuse Biixi:- Hello Madaxwayne Ismaaciil May Maqlaysaa, Madaxwayne Geele Si Wanaagsan Ayaan Kuu Maqlayaa Mudane Madaxwayne Weligaa Wadanka Gini Conakry Maad Teginee Ma Safarkaagii Ayaa Khaldamay , Madaxwayne Ismaaciil Kkkkk Hadalkaaga ii Jilci Muuse Biixiyoow Maxaad U La Jeedaa ?!, Waxaan Ula Jeedaa Ma Balanqaad Aad Ka Heshay Madaxwayne Alpha Mise Adigaa Ka Dalbaday Marti Qaadka ??!!.

Madaxwayne Geele Waaryaa Muuse Biixi Ma Anigii Wax Kaa Dhigay Ee Dhaqaalahayga Kugu Kharash Gareeyay Inaad Doorashadda Ku Guulaysatid Ayaad Sidaas iigula Hadlaysaa!!!., Muuse Biixi Mayee Madaxwayne Mudane Ismaaciil Waa Runtaa Oo Si Wanaagsan Ayaad Doorashaddii Igula Gacan Qabatay Kana Abaal Ka Dari Maayo Balse Shacabwaynaha Ayaa iigu Kacsanoo Oo Leh Xaasidkii Jabuuti Madaxwaynaha Ka Ahaa Iminkuu inagu Dirayaa Wadankii Gini Conakry Ee Sidii Wadan La Aqoonsan Yahay Inoo Soo Dhoweeyey .

Shacabwaynaha Somaliland:- Madaxwayne Biixi Miyaanu Ka ILbaxayn Cadoowgiisa Uu U Haysto Nasteexiisa, Nasteexiisana U Haysto Cadoowgiisa ??!!, Mise Waa Ka Fulaynimo, Baqdin Uu Isleeyahay Baasaboorka Jabuuti Ayaa Lagaala Noqonayaa?!. Madaxwayne Muuse Biixi Haddii Uu Jabuuti Xidhiidhka U Jaro Oo Uu Xidho Xuduudka Jabuuti Wadaagaan Dhul, Bad Iyo Cir Waxaanu Hubnaa Inuu Booqasho Ku Iman Lahaa Madaxwaynaha Eriteriya Mr. Isaias Afwerki Booqashadaasina Hay Horseedi Lahayd Xidhiidh Wanaagsan Oo Ay Yeeshaan Somaliland Iyo Eriteriya Mustaqbalkana Horseeda Aqoonsi Caalamiya Ama Intuu Soomaaliya Caasimadeeda Tago Oo Uu La Kulmo Madaxwayne Muxammad Cabdullaahi Farmaajo, Golihiisa Wasiirada Iyo Barlamaanka Oo Ay Goob Joog Ka Noqdaan Madaxwayne Biixina Ka Jeediyo Madasha Dood Miisaan Leh Oo Aanay Soomaaliya Iyo Beesha Caalamku Dood Ka Keeni Doonin Lana Dar Dar Gelin Lahaa Sida Ugu Dhaqsaha Badan Inay Soomaaliya Aqoonsato Somaliland
Insha Allaah.

Madaxwayne Muuse Biixi:- Xukuumaddii Aan Soo Dhisay Sanadkii Sadexaad Ayaa U Bilaabmaya Welina Socodkaygii Waa Iska Wagash Wagash Balse Ma Dadaal Xumi Oo Intii Itaalkayga Ah Hawluhu Way Socdaan Inkastoo Uu Iga Dheereeyey Madaxwayne Farmaajaha 5 Km Ciidamadda Amisom Ku ILaaliyaan !!!, Waa Inaan La Imaado Qorshe Cusub Oo Shacabwaynaha Somaliland Iyo Caalamku iga iibsado Waa Inaan La Imaado Isku Shaandhayn Miisaan Leh Oo Ku Dhisan Cadaalad, Wax Wada Lahaansho, Iyo Xukuumad Miisaan Leh Oo Ka Kooban Golaha Wasiiradda, Agaasimayaasha Guud, Badhasaabyadda, Taliyayaasha Milateriga, Booliska, Cidamadda Badda, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Danjirayaasha Dibadda Si Ay U Soo Noolaato Rajadda Shacabwaynaha Somaliland Iga Qabeen Wakhtigii La ii Dhaariyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Insha Allaah.

Madaxwayne Farmaajo:- Siyaasiyiinta Somaliland Kuwooda Caqliga Gaabani Waxay U Haystaan Cadoowgooda Koowaad Inuu Yahay Soomaaliya Balse Uma Haystaan Cadoowgooda Koowaad Inuu Yahay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele Oo Geed Dheer Iyo Geed Gaabanba U Fuulay Sidii Somaliland Loo Gelin Lahaa Go'doon Siyaasadeed, Go'doon Dhaqaale, Go'doon Horumar, Wadamadda Aduunkana Cadaadis Lagu Saari Lahaa Sidii Somaliland Khasab Looga Dhigi Lahaa Midnimo Dambe Oo Dhexmarta Soomaaliya Iyo Somaliland.

Madaxwayne Geele:- Waaryaa Muuse Biixi Ma i Maqlaysaa Haa Mudane Madaxwayne .
Somaliland Adigaa Muuse Biixiyoow Madaxwayne Ah Muddo 28 Sano Aqoonsi Ayaad Raadinayseen Aqoonsiguna Wuxuu Idiin Jiraa Inta Cirku Idiin Jiro Mid Ayaan Kugula Talinayaa Intaad Ka Dhimanaysid Xilka Madaxwayne Ha Ka Degin Dhaqaalaha Somaliland Soo Galana 60% Jeebkaaga Ku Rido Waana Inaad Shirkado Waawayn Dibadaha Ka Furatid Ugu Yaraan Toban Wadan Si Dhaqaalaha Aad Wadanka Ka Boobtay Laguugu Shaqeeyo Oo Aad Ka Mid Noqotid Maalqabeenadda Afrika Insha Allaah, Aniga Geele Ahaan Toban Wadan Oo Afrika Ku Yaala Ayaan Ku Leeyahay Shirkado Waawayn, Jabuutina Boqolaal Guri Oo Waawayn Oo Casriya Ayaa iiga Dhisan Oo Qaarkood Safaarado Ku Jiraan, Qaarkoodna Shirkado Waawayn, Waxaana iiga Socda Ganacsi Wayn, Dhaqaalaha Jabuuti Soo Gala 70% Jeebkayga Ayay Ku Dhacaan Jaaniska Ku Soo Maraa Waa ILbidhiqsi Haddii Aad Ka Faaidaysan Waydid Jaaniskaasi Wuu Ku Dhaafayaa Oo Kugu Soo Noqon Maayo.

La Soco Qaybaha Dambe Insha Allaah.
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO