Saturday November 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

WARBAXIN EXCLUSIVE AH: PART 2 Dhibaatooyinka Shirkadaha Macdantu Ku Hayaan Deegaanka iyo Dadka Reer Fiqi Ayuub, Togdheer.

0
Saturday November 02, 2019 - 22:46:27 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBAXIN EXCLUSIVE AH: PART 2 Dhibaatooyinka Shirkadaha Macdantu Ku Hayaan Deegaanka iyo Dadka Reer Fiqi Ayuub, Togdheer.

    Markaanu dhameysaney kormeerkii kaamkii 2aad, waxaanu u sii baxnay tuulada Ceelbaxay ka dibna waxaanu xulney toga Xagare oo aad u dheer. Togan Xagare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Markaanu dhameysaney kormeerkii kaamkii 2aad, waxaanu u sii baxnay tuulada Ceelbaxay ka dibna waxaanu xulney toga Xagare oo aad u dheer. Togan Xagare

Kaamka 3aad, Big-rock mining company (BRM) – "ina Allaale”.

 

 

Markaanu dhameysaney kormeerkii kaamkii 2aad, waxaanu u sii baxnay tuulada Ceelbaxay ka dibna waxaanu xulney toga Xagare oo aad u dheer. Togan Xagare waa tog aad u dheer oo aad ugu wanaagsan xoolaha, reer baadiyuhuna xiliyada jiilaalka ayey dhulkan degaan maadama xiliyada barwaaqda degaan banaanada sida Saraar iyo Guban. Ugu dambeyntii waxaanu gaadhney Kaamka 3aad oo ku yaala gunta buurta la yidhaahdo Goodirood oo markaa shaqaalihii soo rawaxeen kaamkan waxaa loogu magac darey ninka ku magacaaban "Ina Allaale”, waana nin aan la garaneyn wuxuu shirkadan ka yahay laakiin maadaama u degaankan ka soo jeedo ayaa shirkadani weji ka dhigatey. Intaas ka dibna waxaanu u dhaafney buurta oo ah goobta laga jebiyo dhagaxa waana meel aad uga sareysa meesha dhismaha kaamku ku yaalo. Nin ka shaqeeya kaamka ayaa noo sheegey in jawaan budo ahi yaalo goobta dhagaxa laga qarxiyo oo ah buurta halka u sareeysa qiyaastii 2 km oo kor loo koraayo. Aniga, nin gudiga ka mid ah iyo mayorkii buurtii ayaanu korney si aanu u aragno meelaha dhagaxa laga jebiyo una soo aragno maadada budada ah ee lagu qarxiyo dhagaxa. Mayorkii wuu daaley oo wuu iska soo noqdey markuu dhexda marayey. Waxaanu gaadhney goobtii jawaanka budada ahi yaaley, wuxuu ahaa mid dhinac ka jeexan laakiin budadii ku jirtey, sawir iyo Sample ayaan ka soo qaadey. Markaanu dantaanu u soconey gaadhneyna waan ka soo daadegney buurtiioo daaftaanu nimi. Waxaanu kulan sarajoog ah la yeelaney ninkii kaamka madaxda ahaa oo Chines ahaa wuxuuna sheegey in shaqadu si fiican u socoto. Kaamkan waa kaam aad u fiican oo Standard fiiican leh, waayo waxaa shaqaalaha iyo Chineskaba loo dhisey guryo ay seexdaan, dhar uniform ahna waa gashanaayeen, aad buu u fiicnaa marka barbar dhigo labada kaam ee kale ee aanu soo marney. Waxaan toga ku aragney dareere kimikaal ah oo lagu daadiyey, wuxuuna ahaa maado aad u ur adag, wax allaale wuxuu dareerahan ahaa oo koobnaa cidi garan mayso. Dareerahani wuxuun dhalan rog ku sameeyey muqaal ahaan meelihii lagu shubey sidii cidii iyo dhagxaantii toga taaley. Ninkii Shiinaha ahaana ee aanu la kulaney wuu noo sheegi waayey ama maanaan fahmin maadama uu turjubaankii ka maqnaa. Maadooyinka kimikada dareeraha ah waxay doonto ha noqotee waa ka mabnuuc in dhulka lagu shubo hadaan laboratory la gelin oo aan la hubin in degaanka wax yeeleyso iyo in kale, xitaa olyada baabuurta laga shubo lama ogola in dhulka lagu shubo waayo olyada meesha lagu shubo geed kama soo bixi karo. Dareerahan markaan arkey muqaalkiisu siduu ciida u bedelay iyo urtiisa wuxuu leeyahay calaamadaha lagu garto suntan degaanka waxyeesha. Wasaarada macdanta markaan weydiiyeyna warba uma hayaan, waayo maba joogaan kaamka.

 

Waxaa cajiib ah, wasaaradda macdanta cid wakiil ka ahi maba joogin 3da kaamba, cid allaala cid eegaysa ma jirto waxa Chinesku ka sameynayaan buuraha, arinku waxaa weeye "Reer ba’ow yaa ku leh”, waxaana la dayacey dadkii iyo degaankii kheyraadkoodii la guranaayey. Wasaaradda macdanta ayey ahayd inay kaam walba geeyso geological engineer iyo chemical engineer si loo hubiyo macdanta laga soo saaro buuraha noocay tahay iyo maaddooyinka loo isticmaalo qarxinta dhagaxa sida budada hada lagu qarxiyo buurta Goodireed oo aan la gareneyn waxay tahay iyo waxyeeladeeda ay degaanka u leedahay. Waxay ahayd in wasaarada macdantu intaan shaqada la bilaabin keento waddanka labadan laboratories (Sheybaaro) iyo injineero aqoon u leh:

 

  1. Geological laboratory waa laboratory loogu talagaley in lagu baadho nooca macdantu tahay laakiin sida laga warhayo wasaarada macdantu maba laha laboratory macdaneed habayaraatee, su’aashu waxay tahay sidee lagu ogaan karaa nooca macdaneed ee Chinesku ka rarteen buuraheena mar hadeynaan haysan qalabkii iyo laboratorigii lagu baadhi lahaa. Sawirka hoose waxaad ka arki kartaa laboratoriga lagu baadho noocyada macdanaha oo adduunyada laga isticmaalo. Dhagaxa Jade-ka ee wadankeena laga dhoofiyona macdano kale oo qaali ah ayaa raaci kara hadaan lagu baadhin qalab ama laboratory. Sida muuqatana dhagaxa Jadeka marka la soo jaro toos ayaa loogu dhoofiya Shiinaha isagoo kontaynar ku raran oo cabeysan. Waxaan tuhmayaa in dhagxaantaas macdano kale raaci karaan.

 

Bildresultat för geological laboratory

C:UsersswaAppDataLocalMicrosoftWindowsINetCacheContent.MSOC3E52EC.tmp

 

 

  1. Chemical laboratory waa laboratory lagu baadho wixii kimikal ah ee la isticmaalayo in lagu hubiyo nooca ay tahay, tusaale ahaan buurta Goodirood marka dhagaxa la qarxinayo waxaa lagu shubaa maado budo ah oo daqiiqda u eg, ka dibna dhagaxii ayaa dildilaaca, dhulkiina waa jilcaa. Maadadani waxay la falgaleysaa ciiddii iyo dhulkiiba. Mar haddiiba shirkadahan isticmaalayaan maaddooyin budo iyo dareeraba ah waxay ahayd in laga hubiyo shirkadaha. Si maaddooyinkan kimikada ah loo hubiyo waxa ay yihiin, waxaa loo baahnaa in ay diyaar ahaadan Chemical laboratory iyo Chemical engineers. Sida muuqatana wasaaradda macdantu maba laha meel lagu baadho budadan iyo dareerahaba , dareenkeedana ma hayso. Shirkadahan iyagaa waxooda la soo dega iyadoo aan cidiba ka baadhin, buurtana wey la koraan weyna ku qarxiyaan. Sawirka hoose waxaad ku arkeysaa laboratory loogu tala galey in lagu baadho maaddooyinka kimikada ah. Sidaan kor ku sheegey waxaad moodaa in shirkadihii Chineska ahaa faraha looga qaadey buurihii sidey doonaana u baadhaan, waxaana dabcan halkaas ka cad in wadanka iyo dadkuba qasaaro weyn ku sugan yihiin iyo degaankii oo aan caafimaadkiisa ama bedqabkiisa la ogeyn wuxuu mustaqbalka noqon doono maadama lagu isticmaaley maaddooyin kimikaal ah. Tani waa mas’uuliyad daro lagula kacay wadankoo dhan, mar hadii hantidii umada la iska siiyey shirkado aan lala xisaabtameyn, degaankiina bedqabkiisii halis ku jiro.

 

Fotografiet Chemical laboratory background. Laboratory concept.

 

 

Daraasad dhameystiran (Feasibility Study)

Markasta marka la doonayo in mashaariic noocan ah kale la sameeyo, waxaa qasab ah sida caalamkoo dhan u shaqeeyo in la sameeyey daraasad (Feasibility Study). Maadaama macdan laga saarayo buurahan waa lagama maarmaan daraasadani, waxayna ahayd in la sameeyo daraasad balaadhan oo ay qeyb ka noqonayaan dhaqaale yahaniin iyo injineero (chemical and geological engineerings). Daraasaddan waxaa ka muuqan lahayd faa’idada iyo qasaaraha uu mashruucani leeyahay. Waxaan filayaa in wasaaradda macdantu daraasaddan sameysey intaan mashaariicdan la bilaabin waayo waa qasab in daraasad cilmiyeysan la sameeyo oo ay qeyb ka yihiin aqoonyahanada ay khuseyso. Hadiiba la sameeyey darasaaddan aan ka hadlayo waxay ahayd in dadka loo soo bandhigo oo xogtoo dhan la hayo. Had iyo jeer daraasaduhu qarsoodi maaaha marka laga reebo hay’adaha ciidamada iyo sirdoonka. Shirkadaha qaar sida kuwa baabuurta, telefoonada ma soo bandhigaan daraasadaha ay sameeyaan maadama nashqadeeyntooda aan la ogoleyn in la arko. Laakiin daraasaddan macdantu ma noqon karto qarsoodi, waa mashruuc caadi ah oo la arkayo saameyna ku yeelanaya nolosha bulshada degan Sirgo iyo Goodirood. Markaa wasaarada macdanta waxaa mihiim u ahaa in ay daraasadan bandhigto maadama lagama maarmaan tahay:

  1. in si buuxda loo fahmo dhammaan dhinacyada mashruucan, mid fikir iyo mid qorsheba.

  2. In lala socdo wixii dhibaato ah ee dhici kara inta mashruucu socdo.

  3. In la fahmi karo faa’iidada iyo qasaaraha.

  4. In la soo bandhigo siduu u ekaan doono dhulkan la qarxinayo.

  5. Kharashka iyo maalgelinta mashaariicda gaar ahaan qeybta horumarinta bulshada oo inta badan lagu daro daarasada maadama dhulka la qarxinayo dad deganaayeen, dadkiina ka guurayaan.

  6. Sida loo maareynayo hadii degaankan masiibo ka dhalato ay sabab u yihiin mashaariicdani.

  7. Waqtiga bilow ilaa dhammaad waa in daraasada lagu xusaa, si dadku u ogaadaan waqtiga mashruucani dhamaanayo.

 

Waa maxay maxdanta jade-ka, maxaase loo isticmaalaa

 

Dhagaxa Jade-ka loo yaqaano wuxuu ka mid yahay macdanaha laga isticmaalo adduunka, waxaana aad looga isticmalaa wadamada dunida gaar ahaan dalka Shiinaha oo aad ugu isticmaala agabka waqtiga dheer jiri kara oo qurux ahaan loo isticmaalo, farshaxanka, shaydaan xijaabka, daawo iyo waxyaalo kale oo kala duwan. Markii hore waxaa Jade-ka loo isticmaali jirey alaabo kala duwan sida faasaska, hubka iyo aaladaha wax lagu xoqo/ alaab /(scraping and hammering). Beriyihii hore waxaa loo haystey Jade-ku inuu yahay oo keliya dhagax hal nooc ah laakiin 1863 ayaa la ogaadey inuu Jade-ku u qeybsamo labo macdanood oo kala duwan waxaana la kala yidhaahdaa jadeite and nephrite. Halka hoose eeg sawirka hore waa jadeite waana ka qaaliga ah oo 1 carat wuxuu joogaa 20 000 USD, 1 carat wuxuu u dhigmaa 0,2 gram, markaa hadii dhagaxaa laga heley buuraha Fiqi-ayuub oo uu ku jiro dhagaxaanta macdanta Jade-ka ah ee Shiinuhu raranayo 1 gram wuxuu adduunyada ka joogaa 100 000 USD, kiilihiina 1 hal malyuun oo doolar. Jadeite and nephrite macdanaha ay ka kooban yihiin wey kala duwan yihiin, laakiin xaga aragtida inta badan waa isaga mid waxaana kala saari kara oo keliya qof khibrad u leh. Jadeite waa aluminium hodan ku ah aluminium, halka nephrite ay tahay magnesium-hodan ah amphibole.

Sawirka migta xiga waa nephrite oo aad buu uga jaban yahay jadeite, qiimahiisuna wuxuu u dhaxeeyaa 200 ilaa 2000 USD kiilihii, wuxuuna ku xidhan yahay nooca uu yahay iyo tayadiisa.

C:UsersswaAppDataLocalMicrosoftWindowsINetCacheContent.MSO4C21A6F5.tmp C:UsersswaAppDataLocalMicrosoftWindowsINetCacheContent.MSOE2E8A9CB.tmp

 

 

 

 

 

Halkan hoose waxaan ku soo bandhigayaa astaamaha dhagaxa Jade-ka lagu kala saari karo haduu yahay Jadeite ama Nephrite.

 

Physical Properties: Jadeite and Nephrite



Jadeite

Nephrite

Chemistry

Silicate - pyroxene.

Silicate - amphibole.

Color

Usually various shades of white to dark green, sometimes gray, pink, lilac, red, blue, yellow, orange, black, colored by impurities.

Usually ranges in color between white, cream, and dark green.

Streak

Colorless.

Colorless.

Luster

Vitreous to sugary.

Vitreous to silky, waxy.

Diaphaneity

Translucent to opaque. Rarely semi-transparent.

Translucent to opaque. Rarely semi-transparent.

Cleavage

Usually not seen because of a small grain size and splintery fracture.

Prismatic but usually not seen because of a small grain size and splintery fracture.

Mohs Hardness

6.5 to 7

6 to 6.5

Specific Gravity

3.3 to 3.5

3.0 to 3.3

Diagnostic Properties

Color, toughness, hardness, specific gravity, grain size and habit.

Color, toughness, hardness, specific gravity, grain size, and habit.

Chemical Formula

NaAlSi2O6or Na(Al,Fe3+)Si2O6

Ca2(Mg,Fe)5Si8O22(OH)2

Crystal System

Monoclinic.

Monoclinic.

Uses

Jewelry, ornaments, tools, weapons, gemstones.

Jewelry, ornaments, tools, weapons, gemstones.

Anigu aqoon uma lihi macdanta oo ma ihi geology engineer ee tani waa warbixiin guud qof walba fahmi karo, helina karo. Aniga waxaa ii mihiim ah qiimaha, tayada iyo nooca dhagaxu yahay (Jadeite and Nephrite). Sidaan kor ku sheegeyna wasaaradda macdanta iyo shirkaduhu may soo bandhigin wax daraasad ah oo ku saabsan mashruucan dhagax Jade-ka, ilaa haddana waxaa samada ku laalan faa’iido ama qasaaro mida lagu sugan yahay. Dhagaxan waxaa loo iibgeeyaa Chine, waxaana buurta ka soo jara shirkado Chines iyagaana dhoofiya dhagaxii oo sidiisii ah. Dhagaxan marka Shiinaha la geeyo waa la warshadeeynaya markaas ayaa loo kala saaraya Jadeite, nephrite iyo macdano kale. waxay ahayd in process-ka lagu kala saarayo wadanka gudihiisa lagu sameeyo si loo ilaaliyo in hantida umadu wada leedahay fara dhexdood uga bixin laakiin hada dhagaxii oo qeedhin ah ayaa lala tegey Shiine yaa og waxa ka soo baxay. Waxaana rajeynayaa in wasaaradu khaladaadkeeda dib u eegto.

Mashaariicda macdantu aad bay xasaasi u yihiin markey noqoto hanti ahaan iyo bedqab degaanba waayo waxaa la qodayaa ama la qarxinayaa waa dhul daboolan oo halis gelinaya noolaha iyo degaankaba. Dhulkan laga qoodaayo macdanta Jadeka waxaa loo isticmaalayo qalab kala duwan oo ay ku jiraan maadooyin kimikaal ah, markaa waxaa loo baahnaa taxadar gaar ah oo mas’uuliyad leh. Waxaan talo ku bixin lahaa, dhagaxa Jade-ka ee gawaadhidu ka daabuleyso buuraha Fiqi-ayuub, ka dibna dekada Berbera looga dhoofinayo Shiinaha, waa in dib loogu noqdaa wadadaas farsamo ahaan. Wasaarada macdantu waa in ay raadiso aqoonyahano aqoon u leh warshadeynta macdanta, wadankana la keenaa sheybaaro lagu baaro. Hadii kharash aan loo hayn waa in shirkadaha macdanta la qaadaa, aduunyadana waa ka caadi in kharash noocaas shirkaduhu bixiyaan si loo ilaaliyo hantida iyo bedqabka degaanka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxaa laga faa’iidey mashruucan macdanta jade-ka


Macdan-qodista


Macdanta dhulka lagala soo baxo waa hanti keydsan oo marka la soo saaro qiima ku yeelaya aduunyada lagana faa’iido. Macdantan marka laga soo saaro dhulka waxay saameyn taban ku yeelataa degaanka iyo noolahaba, waxay sababta tusaale ahaan in noolihii Meesha ka baxo, nabaad guur, ciida iyo biyaha oo dhalan rog ku dhaco (Mining adversely affects the environment by inducing loss of biodiversity, soil erosion, and contamination of surface water, groundwater, and soil). Macdan qodidu waxay sababtaa oo kale in muuqaalka dhulku isbedelo oo ay ka qodmaan hogag waaweyn. Goobaha laga qodo macdanta sideedaba waxaa lagu isticmaalaa maadooyin kimikaal ah oo la falgala ciida dhulka iyo biyaha, waxayna madooyinkani wax yeelaan noolaha ku dhaqan dhulkaas dad iyo duunyaba. Maadama sidaa loo ogyahay dhibaatooyinkaas imanaya marka macdanta la soo saaro, shirkadaha macdanta soo saarayaa waxay marka horeba ku tala galaan sidii dhibaatoonkaas looga hortegi lahaa, iyadoo maamulka ogolaashaha siiyey ilaalinayo. Waxayna qorshaha ku darsadaan sidii dhulkan sidii loogu soo celin lahaa marka kheyraadka lagala baxo (mining companies are expected to adhere to rehabilitation and environmental codes to ensure that the area degraded is eventually transformed back into its original state). Dhibaatooyinka degaanka la gaadhsiiyo waxaa ka mid ah:

  • Hawadoo fasakhanta (Air pollution), tayada iyo bedqabka ayaa waxyeelo soo gaadhaa, waxaana u sabab ah waxaa la isticmaalayaa qalab culus oo siideyna naqasyo kala duwana hawada la falgelaya. Marka dhulka la qarxiyo waxaa ka soo baxay isaga laftiiga naqasyo kala duwan oo ay la socdaan maadooyiinka kimika ah. Walxaha ama sheyada la falgala hawada waxaa ka mid Lead, arsenic, cadmium iyo waxyaale oo sun ah. Hawadu marka ay sidaan noqoto waxaa dadka ku dhaca xunuuno kala duwan kuwaasoo heelala neefsashada, maqaaarka iyo xasaasiyad.

  • Biyaha Fasakhma ama wasakhooba, macdan qodistu waxay kaloo sababtaa in biyuhu wasakhoobaan ka dib marka ay ku milmaan madooyinka kimikada la isticmaalayo iyo biro. Dhamaan qashinka ka soo hadha buurta marka la qarxiyo, iyo kimikada la isticmaalayey waxay waseekheyaan biyaha asalka ah ee noloshu ku xidhan tahay, waxayna isu bedelaan sun hadaan shirkaduhu lahayn siyaasad ku wajahan ilaalinta degaanka oo dhibaatooyinka looga hortegayo. Biyaha asalka markay oogada u soo baxaan ee ka yimaadaan meelihii macdanta laga qodaayey badanaa waxaa ku jira maadada asiidha la yidhaado (The acidic water), biyaha noocaas ahna waxaa ka yaraada maadada la yidhaahdo PH oo sababta masiibo aan waxba laga qaban karin.

  • Dhaawac dhulka (Damage to land), waxaa isbedela muuqaalkii geed ee dhulka, waxaa ka sameysma hogag, togag, iyo boholo. Wuxuun dhulkan noqdaa dhul uu ka buuxo qashin iyo sun. waxaa kaloo isbedela qaab lakabeedkii dhulku u dhisnaa, waxaana Meesha ka baxa noolihii.

  • Lumintaanka nolol kala duwan (loss of biodiversity), degaanka intaan macdan laga qodin waxaa ku noolaa noole kale duwan oo siyaabo kale duwan ugu noolaa. Noloshaa isku jirka ah meesha waa ka baxaysaa, waxaana sameysmaya degaan nabaad guur ah oo wasakheysan.

 

Hadaba, iyadoo dadka maanka ku hayaan dhibaatooyinka kor ku xusan, ayaa Intaan mashruucan la bilaabin sidaan kor ku sheegey waxaa jirey kulamo badan oo degaanku la yeeshey saraakiisha wasaarada macdanta oo u madax u yahay wasiirka wasaaradda macdanta. Waxaa iyaguna kulamadaa qeyb ka ahaa mararka qaarkood Wasiirka shaqada iyo bulshada Hinda Gaani iyo Wasiirka golayaasha Mohamed X. Aden. Dhammaan wasiiradan iyo wasaaradda macdantu waxay dadka ugu bishaareeyeen in isbedel dhaqaale iyo bulshoba ka dhici doonaan mandaqaddan, waxyaalaha wasiirka macdantu balanqaaday oo wasiirada kalena garab taagnayeen waxaa ka mid ah:

  1. In shaqo abuur la sameyn doono oo ugu yaraan 300 qof oo kuuli u badan la shaqaaleyn doono. Shaqaalaha la qori doono waxaa loo balanqaadey mushahar, raashin, daryeel caafimaad iyo xuquuq hadey wax noqdaan.

  2. In adeega bulshada wax laga qaban doono sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, laydhka iwm.

  3. In gaadiid kala duwan la iibin doono sida ambalaasyo, booyado, gaadhi boolis, gaadhi degmo iwm.

  4. Kaabayaasha dhaqaalaha (infrastructures) sida jidadka wax badan laga qaban doono oo wadooyinka degaanka isku xidha la sameyn doono.

  5. Qalabeyn xafiisyo maamul, boolis, caafimaad iyo waxbarasho.

  6. In degaanka laga ilaalin doono waxyeelada.

  7. In degmooyinka dhulka macdanta laga heley, shirkadaha looga jari doono sanad walba qadar lacag oo dhan 140000 USD, iyadoo ay sii dheer tahay khidmadii wax saarka oo aan la sheegin intey tahay, waayo wax heshiis ah oo la soo bandhigey ma jiro, wasaaradduna waa ka warwareegtey heshiiskaas macluumaadkiisa in ay soo bandhigto.

Hadaba, su’aashu waxay tahay muddada sannadka ah ee howshu socotey ee buurta dhagaxa laga soo guraayey maxaa balanqaadyadaa ka hirgaley, jawaabtu waa sida soo socota inta aan ogahay:

  1. Shaqo abuurkii la balanqaadey waxaa ka hirgalay shaqaale kuuli ah oo tiradoodu aaney ka badney 90 qof sida la ii sheegey. Shaqaalahan xuquuqdii loo balanqaadey looma dhameystirin, qofku dhaawacma isagaa isu qaba daryeelkiisa, waxaa jira qaar ku soo dhaawacmey oo maanta guryahoodii jiifa oon haba-yaraatee aan laga dulwareegin waxtarkuba ha joogee. Wadanka Somaliland sharci shaqaale oo shaqaalaha lagu dhaqo ayuu leeyahay, shirkadahanina sharcigaa ma raacin xitaa shaqaalaha wax heshiis qoraal ah oo lala galey ma jiro. Wasaarada shaqada iyadoo kaashaneysa wasaarada macdanta waxay ahayd in dabagal ku sameyso xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaha shirkadahan u shaqeeya. Shaqaalahan kuuliga ah ee hada ka hawl gala buuraha dakhligooda waad ka dareemaysaa marka aad Fiqi-ayuub dhex joogto, waad arkeysaa in hanti-lacageed soo gashey magaalada oo xarakaad baayac-mushtar jiro oo makhaayadihii wada qiiqayaan.

  2. Waxaa la balanqaadey in arimaha bulshada xoog wax looga qaban doono sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iwm. Waxaan tegey magaalooyinka Laas-ciidle, Ceelbaxay, Jeblehe, Il-carmo, Fiqi-ayuub iyo kuwo kale oo mandaqadan ku yaala weli maan arag meel sandaqad laga taagey, adeegna iska daa. Degmada Fiqi-ayuub waxaa dawladii hore ka dhistey dhismo loogu tala galey MCH caafimaad, qurbajooguna waxay ku qalabeeyeen qalab caafimaad oo dhameystiran oo laga soo rarey dalka Sweden. Beri dhoweyd ayaa wasaarada caafimaadka keentey daawo iyo laba qof oo shaqaale ah, nasiib daro shaqaalihii dhowr asbuuc markey shaqeynayeen wey iskaga tageen guno iyo mushahar la’aan awgeed. Wasiirka macdanta ayaan anigu shaqsiyan waxaan uga codsadey in si deg deg ah guno loo siiyo 10 qof oo kala 5 caafimaadka ah iyo 5 macalin si arimaha bulshada wax looga qabto, wasiirku wuxuu yidhi shirkadihii lacago ay guno ku bixiyaan ma hayaan hada ee suga inta shirkaduhu faa’iido helayaan. Maan fahmin sababta wasiirku shirkadaha garyaqaan (lawyer) ugu noqdey oo u difaacayo. Waxay ahayd inuu difaaco oo xuquuqdooda u raadiyo dadka uu mas’uulka ka yahay una dhaartey, weliba wasiirka macdantu mandaqadan ayuu ka soo jeeda oo si gaar ayaa wax looga sugaayey, waana nin aad macquul u ah markaad arrimahan kala hadleyso oo barwaaqo kuugu bishaareynaya laakiin balaqaadkiisii rajada lahaa ilaa hadda ma fulin lamana hayo. Halkaas waxaa ka cad in lagu balan furey shacabkii barwaaqada loogu bushaareeyey. Waxaad moodaa in arimaha bulshada guud ahaanba khuseeya in meel la iska dhigey, dadkana loo tumey daasad qulux ah sida xoolaha lana tusey humaag aan jirin. Mandaqadan dadka ku nooli awelba waxay la noolaayeen dayac iyo dhibaato, dumarka uurka lihi intooda badani hadaan Burco loola cararin wey isku dhintaan, waana yar tahay inta hesha gaadiid lagu qaado, markaas dadkani waxaad moodaa iney iskala qabsadeen in xanuunada guryahooda ugu dhintaan waayo umay baran xarun (MCH) caafimaad oo loogu adeego. Rajadu waxay ahayd in mashruucani isbedel muuqda ku sameeyo mandaqadan, dhaqaale ahaan iyo bulsho-ahaanba maadama hantidoodii weligood u keydsaneyd loo soo qalab qaatey si looga faa’iideysto. Waxaa dhibaato iyo xanuun ku ah umadda dhulkan degan in iyagoo arkaaya oo aan cidi uga baahi badneyn la doonayo in laga gacan maroojiyo hantidoodi buuraha ku duugneyd, dawladoodiina xaga sare ka daawaneyso.

  3. In gaadiid kala duwan la iibin doono sida ambalaasyo, booyado, gaadhi boolis, gaadhi degmo iwm. Balanqaadkan waxaa ka hirgeley oo keliya gaadhi degmada Fiqi-ayuub loo iibiyey oo mayorku hadda wato, isagana waxaa lagu keeney dirqi yaa allah. Wasaarada macdantuna waxay tidhi baabuurkan deyn ayaan ku soo qaadney oo lacag looma hayo. Hadaba, sidee deyn loogu soo qaadi karaa meeday macdantii buuraha laga rartey?!

  4. Kaabayaasha dhaqaalaha (infrastructures) waxay ka mid ahaayeen balanqaadyada mihiimka ahaa ee la balanqaadey baahidooduna taagneyd, shirkada "Ina Madaxyar” ayaa waddo yar oo khatar ah buurta "Laas-macaan” ka rogtey si uu u ugu gaadho kaamkiisa. Kaamkiisii markuu gadheyna wuu joojiyey. Waddadaas laba gaadhi iskuma dhaafi karaan, waana khatar oo jar iyo haadaan ayey ka laaladaa. Waxaad moodaa in aan dadka iyo dalkaba loo daneyn ee laga daneysanayo.

  5. In degaanka laga ilaalin doono waxyeelada wuxuu ahaa balanqaad aad muhiim u ahaa, waayo degaankan waa dhul reer baadiyuhu degaan, xooluhuna ku dhaqmaan. Dadkan dhulkan degan ee shirkadahani ugu yimaadeen ab ka ab ayey dhaxlayeen buurahan oo jiilba jiil ayuu u sii dhiibayey. Iyadoo ay sidaa tahay oo ilaalinta degaanka ay kow ahayd ayey shirkadahani dhulkii sidaa ahaa ee qiimaha lahaa ku daadiyeen waxyaabo bay’ada wasakheynaya oo khatar ku ah dadka iyo xoolaha. Waxaa ka sii daran in togaga iyo meelihii biyo mareenka ahaa lagu shubay maadooyin aan la garaneyn waxay yihiin, waxaana suurtagal ah in maadooyinkan dareeraha ahi sumeeyaan degaanka oo dadka iyo xooluhuba ku le’edaan mustaqbalka dhow hadaan hada wax laga qaban. Sidaan kor ku soo sheegey dhulkan ilaahey wax walba waa u kaamil yeeley, hadii aan ilaalintiisa wax walba laga horeeysiin oo sida hada lagu wado lagu sii wado waxaa dhici doonta masiibo iyo dhibaatooyin aan xal loo heli doonin. Waxyaabaha aan la yaabey waxaa ka mid ah in marka dhagaxa buurta laga soo jebiyo in wixii qashin ee buurta ka soo daata ee dhagxaanta ka hadha lagu tuuro laagaha iyo togaga biyo mareenka ah, iyadoo weheliyaan maadooyin kimikaal ah. Shirkadahan markaad dhinac walba ka eegto maba laha siyaasad degaan ilaalineed (environmental protection policy), waana ta keentey in wax walba Shiinuhu degaanka ku sameeyaan ka dib markey arkeen baylahda iyo soo jeed la’aanta dadka iyo hay’adaha ku shaqada lahaa. Anigu waxaan ka shakisanahay mar hadii gacanta loo geliyey shirkadahan dhulkii, in ay qashin Shiine ka keeneen ku aasi karaan togaga iyo laagaha.

  6. Lacagtaas la balanqaadey ee 140,000 dolarka ah iyo khidmadiiba midna lama hayo inkastoo sanadkii koowad dhamaadey. Lacagahan waxaa loogu tala galey horumarinta oo keliya. Laakiin dadka qaar waxaan ka maqlayey lacagtaas waxay ku baxdey nabad gelyada askarta Shiinaha ilaalisa. Marka la eego inta tan macdan ah ee la dhoofiyey iyo balanqaadkan lacageed wax isu dhigma maaha. Shirkaduhu ha khasaareen ama ha faa’iideen waxay ahayd in lacagaha horumarinta iyo ilaalinta degaanka loogu talagaley marka horeba meel la iska dhigo oo la soo qadimo sida heshiisyada aduunyada ka dhaca oo kale. Maanta haddey shirkadahani kaa baxaan oo wadankoodii qabtaan waxay kaaga tegayaan buurahaagii oo nabaad guurey iyo dhul sumeysan oo aan dib loogu noolaan kareyn. Markaan baaris sameeyey oo aan dadkana wareystey waxaa ii soo baxay in malaayiin doolar dadkan iyo degaankan xaq u lahaayeen in shirkadaha looga qaado, maantase war looma hayo hantidaasi meeley ku dambeysey. Shirkadahan waxay iska rarteen macdantii iyo kheyraadkii dalkan lahaa iyadoo aan loo aabo yeelin, tixgelina la siinin dad, xoolo iyo degaanba. Waxaa loo baahan yahay in shirkadahan dawladu si degdeg ah baadhis ugu sameyso oo lala xisaabtamo, xuquuqdii qarankan lahaana looga soo celiyo, iyadoo loo saarayo aqoonyahano madax banaan.

Macdanta Jade-ka Somaliland iyo Myanmar (Burma) maxaa ka dhexeeya?


Waxaan isbarbardhig ku sameynayaa Somaliland iyo waddanka la yidhaahdo Myanmar(Burma), waddankan Burma oo laga helo dhagaxa Jade-ka, shirkado Shiine ahina ka qotaan dhagaxan. Macdanta JADE-ka waa macdan la isticmaali jirey qarniyaal waxaana laga helaa waddamo kooban. Jade-ka adduunka ugu qaalisan waxaa laga helaa Myanmar (Burma) oo shiinaha la deriska ah. Dadka shiinuhuna dhaqan ahaan ayey guryaha ugu haystaan, waxayna aaminsan yihiin in Jade-ku shaydaanka ka xijaabo, la iskuna daaweeyo. Waddanka Burma ee Jade-ka laga keeno waxaa ka taliya dawlad militari ah oo keli talis ah, dadkeedu sida Somaliland ma haystaan xoriyad ee waxay ku hoos nool yihiin cabudhin iyo cadaadis xad-dhaafa oo aan adduunyada maanta ka dhicin. Macdanta Jade-ka ee waddankani qaniga ku yahay waxay gacanta u gashey shirkado Chines ah oo sidey doonaan ka yeeley dhulkii, ka dib markii ay la heshiiyeen ciidamadan dalka haysta. Shirkadaha Shiinaha waxaa maalgeliya dawlada shiinaha oo guud ahaanba werwer dhaqaalena ku haysa adduunyada. Saraakiisha milateriga ee Myanmar (Burma) qaar ka mid ihi waxay si musuqmaasuq ah iyagoo ku gabanaya awoodii dawladda saami ku leeyihiin shirkadahan oo waxaa soo gala malaayiin doolar, waana kuwo ku mamey ku takrifalka awoodda dawladda iyo lunsiga hantida dadka masaakiinta ahaa ee dhulkoodii iyo macdantoodii laga fara-maroojiyey. Shirkadahan Shiinaha ah ee mashaariicda Jadeka ka wada Burma iyagaa si dadban u maamula meelaha laga qodo dhagax Jade-ka, waxayna ku milmeen maamulkii. Shirkadahani waxay si musuqmaasuqa oo tahriibeysan dalka uga saaraan macdan Jadeka, tusaale ahaan 80 % macdanta laga soo saaro mandaqada Hpakant waxaa Shiine loo dhoofiyaa iyadoo kontrobaan tahriibeysan ah (According to research by Global Witness, jade industry sources report that up to 80 percent of the jade from Hpakant continues to be smuggled to China. Mining machinery used in Hpakant’s jade mines are therefore likely employed in mines from which a significant share of the jade is smuggled. Machinery that end up in this area is thus likely part of an illegal supply chain. Providers of mining machinery must recognize this.”.

Hadaba suurtagal ma tahay in Jade-ka Somaliland dekada Berbera si kootarobaan ahaana looga dhoofiyo iyadoon dawladu la socon amaba qeyb ka yihiin. Shirkadaha Shiinuhu waxay caan ku yihiin laaluushka iyo musuqmaasuqa, markaa waxaa dareenkeeda leh in arrintani dhici karto. Macdanta Jade-ka ee laga jebiyo buuraha Fiqi-ayuub xisaabtooda oo sax ah ma filaayo in la hayo maadaama Shiinuhu gacantooda ku maamulanayaan sida ay ku sameeyeen Burma oo kale. Waxaana reer Burma nasiib darro u ah in dadkii shicibka ahaa ee dhulkan deganaa qasab looga bara-kiciyey dhulkoodii, kheyraadkoodiina loo gurtey iyadoo aan waxba lagu soo celin. Dadka sidaas kheyraadkoodii loo nuugayona awood uma laha in cabashadooda iyo tabashadooda muujiyaan, waa dad ku nool dulmigii ugu daraa dunida, ayna adag tahay jid ay uga baxaan. Dalkan Burma dadkiisu wuxuu dhan yahay 55 milyan, wuxuuna ku jiraa wadamada ugu musuqmaasuqa badan, waxaana u sii raaca xukun militari oo dadkii dusha ka fuuley, hantidii umada ee macdanta Jadeka ka soo gasheyna waxay ku dhacdey saamileyda shirkadaha oo askartu qeyb ka tahay.

Xaga Somaliland haddaan eegno mar hadii macdantu macdantii tahay, shirkaduhuna Shiine yihiin, waxaad moodaa in habdhaqankii yaaley Burma la soo minguuriyey oo dhulka la keeney. Shirkadaha iyo wasaarada macdantu nidaamka maamul ee ay wax u wadaan madmadow badan oo tuhunkiisa leh ayaa ka muuqda, waayo marna lama soo bandhigin xisaab daahfuran iyo maamul wanaag dadku wada arkayaan (accountability and transparency). Dumuqraadiyadda Somaliland qaadatey waxaa asal ah oo lagu qiimeeya daahfurnaan maamul, ilaalinta xuquuqda binidaamka iyo xoriyada hadalka sida saxaafada. Maadama sharcigii dalkan u dhignaa sidaa dhigayo, waxaad mooddaa in lagu talagaley in gebi ahaanba meesha laga saaro xuquuqdii dadka reer Fiqiyuub xaqa u lahaayeen maadaama hantidoodii dabiiciga ahayd la iska gurtey sida ku dhacdey reer Burma. Dadka reer Fiqi-ayuub waxay mashruucan ka filayeen in hantida ka soo baxda lagu horumarin doono degaankooda, maamulkuna ku shaqeyn doono hufnaan, maamul wanaag iyo isla xisaabtan dhab ah, taasina ma dhicin.

Mashaariicda macdantu waxay ka mid yihiin mashaariicda ugu khatarsan adduunyada, waana in si taxadar aqooneed leh loo fuliyo si loo ilaaliyo xuquuqda bini’aadnimo, iyo tan degaanimo. Xuquuqda bini’aadamka iyo waxyeelada degaanku waa isku xidhan yihiin. Hadii degaanka noloshaadu ku xidhan tahay lagu xadgudbo oo la baabi’iyo noloshaaduna khatar gasho ama waxyeelo soo gaadho, waxaa lagu xadgudbey xuquuqdii aasaasiga kuu ahayd, tusaale hadii buuraha Sirgo iyo Goodirood ay noqdaan lama degaan marka Jade-ka lagala baxo, dadkii degaanka lahaana aan waxba loogu bedelin, waxaa lagu xadgudbey xuquuqdii bini’aadamnimo, iyo kii degaan, iyadoo laga indha qarsanayo shuruucda dalka iyo tan caalamiga ahba.

Shirkadahan Shiinaha ah ee macdanta ka qota Burma waxaa baadhis cilmiyeysan ku sameeyey hay’ada la yidhaahdo Swedwatch oo Sweden laga leeyahay, ahna hay’ad calami ah. Hay’adani waxay dabagashaa oo baadhis ku sameysaa dunuubta laga galo degaanka(bay’ada) iyo bin’aadamka, waayo degaanka iyo nolosha bini’aadamku waa isku xidhan yihiin sidaan sheegey, hadii dhulka la sumeeyo ama la dhalan-rogo nololi ka suurtoobi meyso. Hay’adani waxay iftiimisey in xuquuqdii dadka iyo degaankaba shirkadaha shiinah ahi iyo xukuumada Burrmaba ku xadgudbeen, iyadoo 240 000 qof laga bara-kiciyey degaankii ay ku noolaayeen gaar degaanka degmooyinka la yidhaahdo Rakhine, Kachin iyo Shan state. Warbixintaas waa mid calami ah oo qof waliba heli karo. Hadaba, anigu warbixinta waxba ku dheeraan maayo laakiin waxaan hoos ku soo bandhigaa sida shirkaduhu dhulkii uga dhigeen dhul aan nololi ka suuroobin doonin, dadkiina looga rarey dhulkoodii ay ku noolaayeen jiil ilaa jiil.



OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
WAREYSIYO