Tuesday June 02nd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Somaliland garanaye xisbiyada ma la wada leeyahay?

0
Thursday November 07, 2019 - 09:46:49 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland garanaye xisbiyada ma la wada leeyahay?

    Somaliland garanaye xisbiyada ma la wada leeyahay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland garanaye xisbiyada ma la wada leeyahay?
Baryahan dambe xisbiyadeena qaranka ee Waddani iyo UCID waxa ay aad uga hadlaan Somaliland la wada leeyahay ayaan rabnaa. Waa arrin wanaagsan in laga hadlo waayo danta
dalka iyo dadka ayaa ku jirta in la helo caddaalad dadka wada deeqda. Anigoo qaddarin badan u haya xisbiyada mucaaradka ah waxan doonayaa in aan maanta runta u sheego. Waa muhiim in xisbiyada mucaaridku dawladda runta u sheegaan oo waliba ay shacabkana u
iftiimiyaan wixii ka qaldama dawladda si loo saxo. Laakiin intaanad sheegin takarta maroodiga kale saaran waxa wanaagsan in aad horta eegto takarta adiga ku saaran.
Su´aashu waxa weeye, xisbiyada mucaaridku iyagu caddaalad ma sameeyaan? Jawaabtu waa maya. Xisbiyada qaranku waxa ay xaq u leeyihiin in xisbi waliba uu soo magacaabo hal xubin
oo ka mid noqota guddiga doorashooyinka qaranka. Waddani iyo UCID waxa uu mid waliba soo magacaabaa xubin ka soo jeedda beesha hoose ee guddoomiyaha xisbiga. Sidaa daraadeed waa wax lala yaabo ah in ay maalin walba la soo taagan yihiin ”Somaliland lama
wada laha”. Somaliland garanaye Waddani iyo UCID ma la wada leeyahay mise waa la kala leeyahay? Jawaabtu waa ta dambe. Waddani iyo UCID bulshada Somaliland xataa kama xishoonayaan marka ay soo sharaxayaan laba xubnood oo isku beel ah. Hoggaamiye
xisbigiisa caddaalad ka dhexsamayn kari waayay ma wuxu samayn karaa Somaliland la wada leeyahay. Jawaabtu waa maya. Guddoonka Waddani iyo UCID waxan leeyahay dadka tusa caddaaladda xisbiyada aad maamushaan markaas ayaanu dhagaysan doonaa hadalkiina ah
”Somaliland la wada leeyahay”.
Maqaalkaygani ma aha mid aan ku taageerayo dawladda oo waxan anigu aaminsanahay in ay muhiim tahay in Somaliland la wada yeesho. Waxanan u soo jeedinayaa madaxwaynaha
qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ciddii kale ee isaga ka dambaysa ee maamulka dalka qabata, in xilalka la magacaabayo ay ummaddu iska wada dhexaragto. Waa in aan xilalka loogu kala badsan sida beeluhu ugu kala codeeyeen xisbiga guulaysta ee ay beeluhu si isku miisaaman uga wada dhexmuuqdaan xilalka qaranka loo magacaabayo.


Mohammed Ahmed Barkhad (Khadar)
Xisaabiye sare (Senior accountant)
Sweden
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO