Tuesday December 10th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

XISBIGA WADDANI WAA LAGA GAR DARAN YAHAY , SHARCI DARO AYAANAY KU XIDHAN YIHIIN MASUULIYIINTA XISBIGA EE XIDHANI

0
Wednesday November 20, 2019 - 09:11:58 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XISBIGA WADDANI WAA LAGA GAR DARAN YAHAY , SHARCI DARO AYAANAY KU XIDHAN YIHIIN MASUULIYIINTA XISBIGA EE XIDHANI

    XISBIGA WADDANI WAA LAGA GAR DARAN YAHAY , SHARCI DARO AYAANAY KU XIDHAN YIHIIN MASUULIYIINTA XISBIGA EE XIDHANI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
XISBIGA WADDANI WAA LAGA GAR DARAN YAHAY , SHARCI DARO AYAANAY KU XIDHAN YIHIIN MASUULIYIINTA XISBIGA EE XIDHANI

Dadka iyo dalka jamhuuriyada somaliland waxa ay sharciga iyo xeerarka u samysteen in lagu kala baxo oo la ilaaliyo laguna dhaqmo , waxa uu dastuurka qaranka jamhuuriyada soamiland si cad u sharaxayaa xoriyada banaanbaxa waxaana qeexaya qod 32 faqradiisa koowaad iyo labaad .

waxa sidaasi oo kale xisbiga iyo ururada u ogolaanaya in ay isugu soo baxaan xafiisyadooda xeerka anshaxa iyo nabadgalyada guud xeer lr 51/2012 qodobkiisa 10naad faqradiisa 2aad.

Haddaba marka aynu eegno sharciga ay isugu soo baxeen xisbiga waddani waa mid sax ah oo shuruucda dalku ogoshahay cid kasta oo ka hor timaadaana iyadaa sharci daro wada oo sharciga , xoriyada iyo xuquuqda muwaadiniinta meel ka dhac ku samaysay.



QODOBKA 32AAD

XORRIYADDA BANNAANBAXA,
RA’YI-DHIIBASHADA, SAXAAFADDA
IYO WARBAAHINTA KALE


1. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra‟yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.


2. Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay in uu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.


3. Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra‟yi-dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.


XEERKA ILAALINTA IYO ANSHAXA IYO NABADGALYADA GUUD XEER LR 51/2012


Qodobka 10aad


Banaan-baxyada


1. Qabanqaabiyeyaasha bannaan-baxyada lagu qabanayo fagaare dadka ka dhexeeya ama u furan dadka oo dhan, waxaa waajib ku ah in ay soo ogeysiiyaan Duqa degmada, Gudoomiyaha Gobolka ama wasiirka Arrimaha Gudaha, ugu yaraan saddex maalmood ka hor, si loogu ogolaado Waxaa bannaan-bax fagaare ah loo tixgelinayaa xataa shir lagu qabanayo meel fagaare ah, haba lahaado mid cid u gaar ahe, iyadoo la eegayo tirada dadka ka soo qayb gelaya, ujeeddada iyo mawduuca.


2. Waxaa loo tixgelinayaa shir gaar ah kuwa ay goobahooda ku qabsadaan ururada siyaasadda iyo ama kuwa aan siyaasiga ahayn iyo axsaabta la aqoonsan yahay xarumahooda, haddii aanay isu rogin qaab shirweyne ama kaambeyn degmo, Gobol ama Qaran.


3. Sababo la xidhiidha caafimaadka guud ,degenaanshaha, dhaqanka wanaagsan, kal-dambaynta iyo nabad-gelyada, waxaa Duqa degmada, Gudoomiyaha Gobolka ama wasiirka
Arrimaha guduhu go,aan qoraal ah oo sababaysan ku diidi karaa shir ama isu soo bax guud, amase wuxuu wax ka bedeli karaa qaabka loo qabanayo iyo wakhtiga la qabanayo, isagoo ogeysiin degdeg ah siinaya Guddiga Nabad-gelyada iyo police-ka.


4. Qodobada Xeerkan ee loo adeegsanayo kulanada iyo bannaan-baxyada dadweynaha ayaa sidoo kale loo adeegsanayaa socodka dadweynahu waddooyinka ku maraan ee cabasho lagu muujinayo.


MAXAA LA ISKU HAYAA
=====================

Haddaba hadii aynu u nimaadno waxa la isku hayo ee uu ka bilaabmay khilaafka hada taagani ee ay diidan yihiin xisbiga waddani iyo xisbiga ucid waa wax ay xaq u leeyihiin waana dan qaranka somaliland oo dhami in uu ka hadlo ay tahay cida umada dhex u noqonaysa ee doorashada qabanaysaa in ay ahaato cid buuxisay shuruudaha xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo goleyaasha deeganka xeer lr 20/2001 tilmaamayo waana kuwan shuruudaha qofka noqonaya xubin komishan in uu buuxiyo la rabaa:


Qodobka 12aad

Shuruudaha Xubinta Komishanka


1) Waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay.


2) Waa inaan da’diisu ka yarayn 40 jir kana waynayn
60 jir.


3) Waa inuu Muslin yahay, kuna dhaqma diinta
Islaamka.


4) Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare ugu yaraan
ama wixii u dhigma.


5) Waa inaanu ka mid ahayn urur/xisbi siyaasadeed,
kana madax banaan yahay.


6) Waa in lagu yaqaan dhawrsanaan, sharaf iyo
cadaalad bulshada dhexdeeda.


7) Waa inaan dembi ciqaab oo maxkamad horteed kaga
cadaadey ku dhicin welligiiba.


8) Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan
karaa xilka.


Intani marka lagu daro waxii ay heshiis ku ahaayeen axsaabta qaranku waxa cad in dooda axsaabta qaranku tahay mid sharci ah oo waliba ka turjumaysa danta qaranaka jamhuuriyada somaliland .

Markaa waxa aanu u soo jeedinaynaa madaxweynaha somaliland iyo golaha wakiilada somaliland in ay ku soo noqdaan xayndaabka sharciga ee dalka u yaala kana noqdaan go'aankii soo xulista xubnaha komishanka doorashooyinka iyo go'aankii lagu ansixiyeyba si dalka doorashooyin uga dhacaan .


Waxa kale oo aanu u soo jeedinaynaa madaxda hay'adaha amaanka iyo wasiirka arimaha gudaha somaliland in ay shuruud la'aan ku soo daayaan saraaskiisha iyo madaxda xisbiga waddani ee xidhan oo xoriyadooda loo soo celiyo sharciga dalkana aan gacmaha lagu qaadan ee loo sinaado , lana dhawro waxii umadani u soo wayday dad iyo duunyoba.


.Mohamed Abdi Jama

Muhamed Dhimbiil


+252634241005
OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
WAREYSIYO