Tuesday December 10th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Madaxweyne Ducaysan Iyo Mucaarid Falaagoobay Qore Mukhtar Cilmi

0
Friday November 22, 2019 - 08:48:53 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ducaysan Iyo Mucaarid Falaagoobay Qore Mukhtar Cilmi

    Madaxweyne Ducaysan Iyo Mucaarid Falaagoobay Qore Mukhtar Cilmi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Madaxweyne Ducaysan Iyo Mucaarid Falaagoobay Qore Mukhtar Cilmi

Inta badan bulshada reer Somaliland, waxay qawadeen siyaasadda xisbiyada mucaaridka ah bilahan u dambeeyay. Waxa dadka candhuuftooda dib uga liqay xiisaha miidaanka siyaasadda, ay doodooda sal uga dhigeen in aanay ahayn xirfad shuruudo leh oo qofka siyaasi noqonayaa ay tahay inuu buuxiyo aqoon ahaan, waayo-aragnimo iyo bisaylkiisa qofnimo intaba.

 

Marka ay xukuumadi gaadho go’aan culus oo ummadda saamayn ku yeelanaya, waa wax iska caadi ah in ay dadku fikrado kala duwan is iskala hor yimaadaan. Dimuqraaddiyadda aynu qaadanay ayaa xorriyad buuxda siinaysa muwaadiniinta cashuur bixiyeyaasha ah. Sidoo kale muwaadin kastaa wuxu xaq u leeyahay cod uu ku doorto cidda metelaysa. Laakiin muwaadin kastaa xaq uma laha in uu noqdo go’aan-gaadhe. Dawladnimadu sidaas maaha. Mucaaridnimaduna maaha in aad ka soo hor jeedsato tallaabo kasta oo xukuumaddu qaaddo xataa haddii ay khayr u leedahay dalka.

Runta inaad sheegto waxaa ku jirta gobanimadaada ciduu doonana ha ahaatee qofka wanaaga sameeya waa la sheegaa oo laaga mahad celiyaa waliba lagu abaal mariyaa, waxaan uga goleeyahay xukuumadan maanta uu majaraha u hayo Mujaahid Madaxweyne muuse biixi waanu ku amaanaynaa waanu ku mahadinaynaa horumarka iyo waxqabadka muga weyn ay samaysay oo ugu horeyso joojinta laaluushka!. Cidii istidhaahda qari iftiinka cadceeda iyo dayaxa iyuun baa ku daasha , waxqabadka iyo horumarka xukuumada Madaxweyne muuse biixi sidaas oo kale ayuu ka dhigan yahay qofkasta oo muwaadina muxaafid iyo mucaarid midkuu doono ha ahaatee ku eega indha fayow oo caafimaad qaba marnaba ma dafiri karo ilayska waxqabadka iyo guusha xukuumada maanta.

 

Dalkeena waxaa hore u soo maray Dawladdo kal danbeeyey kuwii hore waxba ku noqon maayee, waxaynu ogayn Xukuumadii riyaale in shaqalaha dawladda iyo guud ahaan ciidamada kala duwan ee qaranka aanay mushahar ku filan qaadin jirin iska daa meel wax laga qabtee , halka markii danbena lagama goostay mushahaarooyinkii, waxaynu ogayn in musuq badani uu ragaadiyey xukuumadaas dalkuna u liitay dayac iyo darxumo baahsan.Wanaaga iyo horumarka markaad heshaad hadana hiigsataa inaad kasii badiso waana ta maanta dadka bartay inay jirto wax la yidhaahdo cadaalad oo ay saamigoodii doonaan gobolo iyo dad aan intiikulmiyeka horaysay xaqoodu maqnaa balse aan ogayn ee garowsaday oo iftiinka iyo laydhu saaqday marku kulmiye yimi, islmarkaana ay garteen inay markii hore ku jireen naf la xarbi markii baahiyihii kale dhamaystirmeena ay tabeen tabashooyinkoodii, waa ilaah mahadii mar hadii aan cadaalada iyo horumarka la aqoonkulmiyehortii.

 

Hadaanu garanayno wax dalwadd loogu abaal gudo maanta dalwada madaxweynemuuse biixiayaanu ugu abaal gudi lahayn, waxaanu se leenahay wixii wacan lama masuugee waa la mahadiyaa, maaha in dacaayad laga saameyo madaxweynaha oo habaar laysla taago markii ay ka badin kari waayeen kuwa xukun jaceelku hayo sida qolooyinkan waddani ku tusbaxaysta !!, habaar kursi idin geeye maayee ee xirfad la yimaada!.warDalkuiyo barlamaanku iyo guurtidu iyo ciidubaWaa Kulmiye!!

 

Qore mukhtar cilmi

OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
WAREYSIYO