Tuesday December 10th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Gud Faysal, Boqor Cismaan: Hadalkiinu ma Waafaqsana Dariiqyada Shareecada Islaamka ee xalinta Khilaafka.

0
Sunday November 24, 2019 - 08:22:05 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gud Faysal, Boqor Cismaan: Hadalkiinu ma Waafaqsana Dariiqyada Shareecada Islaamka ee xalinta Khilaafka.

    Gud Faysal, Boqor Cismaan: Hadalkiinu ma Waafaqsana Dariiqyada Shareecada Islaamka ee xalinta Khilaafka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Gud Faysal, Boqor Cismaan: Hadalkiinu ma Waafaqsana Dariiqyada Shareecada Islaamka ee xalinta Khilaafka.

Salaanta Islaamka ka dib, wadajirka iyo walaaltinnimada u dhexeysa ummada Islaamka ilaalinteeda Ilaahay SW si weyn ayuu inoogu adkeeyey, diinta Islaamkuna si adag ayey uga digtay cawaaqibkeeda qofkii xagal-daaciya, Ilaahay ha inoo adkeeyee.

Quraanka Kariimka aayado badan ayuu Ilaahay SW inoogu sheegay adkayta walaaltinnimada u dhexeysa ummada Islaamka iyo wadajirkooda, isla markaana la inooga digay tafaraaruqa, "Ha is khilaafina, oo Fashil keena iyo in awoodiinu wiiqanto’.

Insaanku inuu murmo muran aan dhamaad lahayn waa dabcigiisa, laakiin, marwalba shareecada Islaamku waxay innagu dhiirigelinaysaa inaynu khilaaf kastoo ummada dhexdeeda yimaada, xalkeeda laga raadiyo Kitaabka iyo Sunnaha, sida Ilaahay SW aayad kale macnaheeda inoogu sheegayo "Hadaad murantaan, u celiya Ilaahay iyo Rasuulkiisa, (Kitaabka iyo Sunnaha) xalka ka doona.

Shareecada Islaamku saddex dariiqo ayey inoo jiddaysay inaynu u marno helitaanka xalka khilaaf kastoo dhexdeena yimaada, oo kala ah 1. CAFISKA, 2. Dhexdhexaadin iyo 3. Maxkamadaha.

Maanta marka laga yimaado khilaafyo dhinacyo kala duwan oo guud ahaan dalkeena dhinacyo kala duwan sheegtaan, halkan waxaan qalinka ugu qaatay muranka ka taagan xubin ka tirsan guddiga cusub ee Doorashooyinka Somaliland, oo dhowaan golaha Wakiiladu ansixiyeen, wallow, ay jireen cabashooyin laga muujinayey ka mid ahaanshahiisa, hadal maanta Gud xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe ugu jeediyey bulshada inay kaga falceliyaan, iyo mid hore Boror Cismaan AW-Maxamuud (Buur-Madow) labaduba u muuqda mid inuu sii huriyo mooyee, xal inuu keeno aan la filayn, maadama ay ka baxsan yihiin saddexda dariiq ee shareecada Islaamku inoo jiddaysay inaynu u marno xalinta khilaafaadka.

Haddaba, anigoo ixtiraam badan u haya Gud Faysal, Boqor Cismaan waxaan kula dardaarmayaa iyaga iyo qof kastoo sifo baalmarsan dariiqyada diinteena Islaamku inoo jiddaysay u mara inuu kaga falceliyo ama ka raadiyo dariiqa xalka khilaaf taagan ama mid mustaqbalka yimaada (Ilaahay ha innaga ilaaliyee) aanu faa’iido ka gaadhayn, maadama uu khilaafsan yahay shareecada Islaamka.

Ilaahay SW waxuu si adag inooga digay inaynu baalmarno qawaaniin uu inoo jideeyey raacitaankooda, sida aayad macnaheedu tahay "Uma sugnaan IKHTIYAAR rag iyo dumarka muslimiinta, hadii Ilaahay SW iyo Rasuulkiisu CS amar faraan…

Xadiis Nebiga CSW ayaa macnahiisu ahaa ‘Fidnadu way hurudaa, Ilaahay ha nacdalo qofkii toosiya’ Ilaahay dariiqa XAQA ha inna waafajiyo, dhamaan khilaafyada ummada Islaamka dhexdoodana taagana nabadgelyo ha ugu dhameeyo, aamiin.


OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
WAREYSIYO