Monday June 01st, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Tahriibta Ladane-Yaasha

0
Wednesday November 27, 2019 - 12:11:18 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tahriibta Ladane-Yaasha

    Tahriibta Ladane-Yaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tahriibta Ladane-Yaasha
Dhalinta reer Somaliland, marka ay nolasha ka wabiyaan amma mustaqbalkooda, waxay miciinsadaan Tahriibta dhinaca badda, si ay nolol iyo mustaqbal uga raadsadaan dalalka Yurub. Dhalintaasi inta badan
waxay ka soojeedaan qoysas danyar ah amma dabaqadda dhexe ah . Dadka ladan ee reer Somaliland ayaa bilaabay TAHRIIB FARSAMAYSAN AMMA CASRIYA, waana u guurista dalka Turkiga, si ay u raadsadaan nolol, caafimaad iyo waxbarasho jaban oo tayo leh. Una helaan meel mutaqbal fiican iyo
daganaansho siyaasadeed oo la isku halayn karo u leh ubadkooda. Dadkaas waxa ka mid ah xubno
xisbiyada xil sare ka haya, kuwo dawladda xil muhiim ah ka haya, kuwo xillibaano ah, ganacsato iyo dad
kale oo tujaar ah. Nidaamka loogu guurayo Turkiga aad looma lafa gurin, lama eegin mustaqbalka isbadalo iman kara , lama lafagurin sooyaalka taariikheed ee cunsurinimada bulshada Turkiga .


Bal aynu dib u milicsano dadyawgii qaaday dhabbahan tariikho hore iyo halkay maanta ku danbeeyeen.
Islaamnimadu kama reebto bulshooyin badan cunsurinimada. Qawmiyada Rohinga oo asalkoodu Balgaledesh iyo Hindiya ahaa ayaa Qarniyadii 19aad iyo 20aad soo galay dalka Burma (Myanmar) iyadoo badankoodu Isticmaarkii Ingriiska la socdeen . Markay Burma
qaadatay xornimadii 1948kii waxa loo diiwaan galiyay dadka Rohinga muwaadiniin. Balse, isla 1966kii dadkii reer Burma waxay u arkeen soo galooti , waxayna ku bilaabeen cunsuriyad iyo colaad ilaa ay ku bilaabeen kacdoonkii ugu horeeyay 1978kii. 1982kii ayaana loo diiday wax dhalasho ah in la siiyo dadka Rohingaha ah. Ogow colaada ka dhanka ah Rohinga way ka simanyihiin gaalka iyo islaamka dadka reer Burma (Myanmar). Waxa loo xasuuqayay reer Rohinga may ahayn Islaam nacayb, balse waxay ahayd ISIR NACAYB . Waanay caddaysteen taa reer Burma(Myanmar) . Waayo maamulka iyo kacdoonka uu
ciidanku hogaaminayaaba waxay ku doodayaan , maxay naga ag gurayaan reer Rohinga , mayaanay marti ahayn kayimi India iyo Bangaledesh , ha na dhaafaan. Bulshooyinka cunsuriyada lehi kuma siinayaan ogaysiis ee maalin ayuunbay hilfaha kuu qaadayaan.
Dhinaca kale Afti laga qaaday 30,000 oo qaxoonti ku ah dalka Turkiga oo Suuriyaan ah ayaa waxay
dalbadeen in lagu celiyo Suuriya , Isla mar ahaantaana ay colaada suuriya taalaa u dhaanto ku sii baaqi ahaanshaha jidhdiidka dadka Turkiga ah.
Sidan oo kale ayaa ka dhacday dalka Bosnia 1992-1995. Sidan oo kale ayaa ka dhacday Dalka Jamhuuriyada Afrikada Dhexe 2011 ilaa 2018
Sidan oo kale ayaa ka dhacday Dalka South Africa

Qalinkii: Saleebaan Cumar Macalin Gahayr (Maxamed)
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO