Tuesday December 10th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Dareenka damqashada keeney. Q.2aad (Qormo Xiiso Leh). Qore:, Eng Banbaane

0
Friday November 29, 2019 - 02:12:13 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dareenka damqashada keeney. Q.2aad (Qormo Xiiso Leh). Qore:, Eng Banbaane

    Waa qaybtii 2aad ee taxanaheena, waxa aynu maanta lafa gureynaa dareenka damqashada abuurey ee ka jira dalkeena iyo doorka aynu ku leenahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Waa qaybtii 2aad ee taxanaheena, waxa aynu maanta lafa gureynaa dareenka damqashada abuurey ee ka jira dalkeena iyo doorka aynu ku leenahay.

Daw xunbey ku socotaa 
Hadaan daawo loo helin 
Taariikhda duuga ah 
Wixii dunida soo marey 
Waa inaan daliil iyo 
Dawaad adag ka dhiganaa!!

Waxa aynu ku naaloonaa nabad, is dhexgal iyo wada noolaansho bulsheed, balse maanta waxaan idinla wadaagayaa oo aan daliil u hayaa dawga aynu haynaa inuu duminayo udub dhexaadka isu haya bulshadan wada dega jamhuriyada barakaysan ee somaliland.


Dariiqan dib u gurashada ah ee dalka ka taagan looma aanayn karo hab maamulka dawladeed ee dalka ka jira oo  kaliya, balse waxaa jira doorkii bulshada oo dayacan.

Maamulka dawlada iyo madaxwaynuhuba waxa ay kuyimaadaan Qaab doorasho oo cod iyo qof ah, doorashadana waxa ku guuleysta musharixiinta hela codka ugu badan bulshada, waxaynu u dooranaana waa in ay inagu maamulaan hufnaan iyo hogaan wacan, kana shaqeeyaan dalka horumarkiisa, isu soo dhawaynta, wax wadaqabsiga iyo wax wada lahaanshiiya bulshada iyo dhisida dhinaca aqoonta oo laf dhabara.

Weeye! Hadii taa lawaayo maxaa lagudboon bulshada?
 yaase karti u leh xallinta mushkiladan??

 Waa dhextaashii 1aad ee  taxanaha maanta.

_Dareenka damqashada abuurey 

Xaaladaha damiirka wadaniga ahi diidayo ee dalka dumin kara dadkana kala fogayn kara waxaa kamida qodobadan soo socda.

1-dawladnimadii oo loo fahmo   cabudhin,cadaalad la’aan oo sharcigii qaranka qaynuunka u ahaa masuul walba sida lafudud u adeegsado, cunista xoolaha dadwaynaha ninba karaankii iyo kartidii dawladnimo oo maalinba maalinta ka danbeysa iska celinta dadwaynaha doorkeedu noqdo, halkii uu ahaa in ay siiyaan bulshada adeegyada aasaasiga ah ee loo igmadey.

2-daacadnimadii iyo muwaadinamadii oo laga sii hayaamayo, yada oo geedigu ku socdo  sidii nin walba dantiisa u difaacanlahaa,ta walaalkiina u duudsiyi lahaa taasina inama dhaqdo.

3-bulshadii oo qabyaaladi ragaadisey, horseedna ay u yihiin dadkii haldoorka la bidayey iyo bulshadii isku deegaanka iyo daaqa ahayd o nacaybkoodu isa soo tarayo.

4-dhalinyaradii oo doorkoodii dayacay ay dalka ku lahaayeen, hadey tahay aqoontii cilmi baadhista ee xalinta xaaladaha jira, doorkii ay ku lahaayeen siyaasada oo madaxbanaan,(madax banaan) waxaan uga jeedaa hogaanka dalka sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen yaga oo aanu wasiirka  ama cuqaasha reerkoodu u gogol xaadhin xilka loo igmanayo,taas oo keeneysa in uu shaqsigaasi aqoontii iyo kartidii laga sugayey ku koobo sidii uu u fulin lahaa mabaadii’da adeerkii iyo danaha reerkooda.

_Doorka bulshada oo ay kow ka yihiin dhalinyarta aqoonta Lihi.

1-haddaynu nahay bulshada doorkeenu maaha dood xumo, dagaal, dadkoo is qaybiya,debad baxyo rabshadeysan oo dalka sii hagardaameeya iyo daw xun oo loo jeexo garaadada soo koraya ee caqliyeysanaya.

2-suluuga dawladnimo ee ina soo maraa  waa in uu inoo noqdaa cashar oo aynu aayaha danbe dabka kaga beydhnaa, kuna tashanaa sidii looga badbaadi lahaa dawgii hore iyo dadnimadii ay lahaayeen maamulkii aynu suluugney.

3-doorka dhalinyarada ayaa ah in ay iyagu aayahooda ka tashadaan, ogaadaan kuwa isu hadhayaa in ay iyaga yihiin, sameeyaan cudud aqooneed oo isku duuban, si ay owood ugu yeeshaan saamaynta dookha dadwaynaha.

Hadii damaca khayrkaa 
Yahay duni dhan maaree 
Adna maaha dib u guur 
Oo hankaaga duuduub.
Xig-X.dh.l

Dalka iyo dadkuba waxa ay u baahanyihiin aqoon maamul, wadani-nimo iyo alle ka cabsi in lagu maamulo.

Doorkeenu wuu banaanyahay hadaynu nahay aqoonyahanka dalka.
Waa inaga cida qabyaalada ladagaalami kartaa, waa inaga cida dadka caqligooda dhisi karaa, waa inaga cida dadka walaaleynkartaa,waa inaga cida maamulwanaaga dariiqa loo maro jeexi kartaa, waa hadii aynu u hagarbaxno dalkeena iyo dadkeena oo uso bandhigno waxa aqoontu ina farayso.

Aqoonteenu yay noqon tii wax lagu dhaco,tii bulshada kala fogeysa, tii aynu taageero ku siino aqoonlaawe imaan xumo u dheertahay oo adeerkeen ah, tii aynu danaheena oo kaliya ku kaalmeysano, tii qaadha ee aan wax lagu qaban ee maqaaxiyaa lagaga sheekeyo ee aynu garano in aqoonteenu wax bedeli karto oo laynoo baahanyahay.

Lasoco  khamiista danbe.

Eng Banbaane Haji
MAKE REP.S.LAND GREAT AGAIN!
OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
WAREYSIYO