Tuesday June 02nd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Cali Gureeyow Adiga Waatii Boqor Buurmadaw Ku Sheegay in Aad Fakinka Ku Dhalatay, Gudoomiye Cabdirashiidna Ha Ku Daalin

0
Monday December 02, 2019 - 09:28:22 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Gureeyow Adiga Waatii Boqor Buurmadaw Ku Sheegay in Aad Fakinka Ku Dhalatay, Gudoomiye Cabdirashiidna Ha Ku Daalin

    Cali Gureeyow Adiga Waatii Boqor Buurmadaw Ku Sheegay in Aad Fakinka Ku Dhalatay, Gudoomiye Cabdirashiidna Ha Ku Daalin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Gureeyow Adiga Waatii Boqor Buurmadaw Ku Sheegay in Aad Fakinka Ku Dhalatay, Gudoomiye Cabdirashiidna Ha Ku Daalin
Waxaan jecelahay in aan qoraalkan kaga jawaabo hadalo deel-qaaf iyo kef ah oo ka soo yeedhay Cali Gurey, isaga oo ah shaqsi caan ku ah xumaanta, shaqsi nacaybka, reer nacaybka ,qabyaaalada iyo wixii la
mid ah, taasoo ay u dheertahay afxumo joogta ah oo uu kula kaco shaqsiyaad qarankan sumcad iyo maamuuska ku leh sida gudoomiyaha cusub ee gudida doorashooyinka qaranka Eng, Cabdirashiid Maxamuud Cali.

Waxaan tixraacayaa shirkii jaraa’id ee Cali Gurey, uu maanta ku qabtay magaalada Hargeisa, isaga oo ku tilmaamay gudida doorashooyinka qaranka kuwoaan sii shaqayn karayn mar hadii ay gudoomiye u
doorteen Cabdirashiid Riyo-raac, sidoo kale waxaa uu sheegay in Cabdirashiid yahay babaane qarxaya oo
madaxweynaha looqariyey.
Hadaba waxaan leeyahay Cali Gurey, horta haddii cidi qarxayso adiga ayaa qarxaya, Cabdirashiidna waa
shaqsi uu madaxweynuhu iyo ummadduba ay kalsooni buuxda ku qabto, guddida doorashooyinka qarankuna waa kuwo sharci ah oo shaqadooda gudanaya, cid wax kaa waydiinaysaana ma jirto, taas ku
biyo cab, wax gaadhanayaana ma jiraan.
waxaanse kugula talin lahaa kolay afxumada waad u dhalataye, waxaa kuu haboon adiga oo taga xisbiga wadani, si caydaada iyo afxumadaada ummaddu u wada aragto, waayo maaha markii u horeysey ee aad
ku hadashid hadalo liita oo aan lahayn milgo iyo maamuus toona, horey waxaad u af-lagaadaysey guddomiyaha golaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan oo ah shaqsi dalka iyo dadkaba ku leh
maamuus, boqor Buurmadaw baad af-lagaadeysey oo wado iska kaa mariyey, maantana gudoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka ayaad af-lagaadaynaysaa, lakin ma jirto cid aad wax ka qaataysaa
habayaraatee.
Gudoomiyaha gudida doorashooyinka somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali, waa shaqsi leh aqoon,
kibrad shaqo, sidoo kale ah shaqsi nadiif ah oo la soo tijaabiyey shaqooyin qaran oo badana soo qabtay,
sidoo kale waa shaqsi dabeecad iyo akhlaaq leh, kana soo bixi kara masuuliyada uu u dhaartay ee
qaranka, waa shaqsi dalka iyo dadkaba u xaqsoori kara.
Mana aha shaqsi maanta way wax yeelayso afxumada cali Gurey, waa gudoomiye maanta ummadda oo
dhami u aragtay in uu yahay shaqsi ku haboon shaqada qaranka ee loo xil-saaray kana soo bixi karaa sida
ugu wanaagsan ee shaqo loo maamulona u maamuli doona.
Waxaan leeyahay Cali Gureeyow af-xuma nabadna way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto, ha
karaamo seegin Cabdirashiid gaadhi mayside.
Waxaa kale oo aan leeyahay Cali Gurey, kula yaabi mayo oo waatii Boqor Buurmadaw u sheegay in aad
ku dhalatay fankinka, taas ayaa muujinaysa xumadaanta kaa muuqta iyo hadalada aan milgaha lahayn.


Cabdilahi Axmed, Cabdilahi Yare, Hargeisa.
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO