Tuesday January 28th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

QORSHAHA QARAXA MUQDISHO

0
Monday December 30, 2019 - 17:24:43 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QORSHAHA QARAXA MUQDISHO

    QORSHAHA QARAXA MUQDISHO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
QORSHAHA QARAXA MUQDISHO
Qaraxa Muqdisho waxuu bilow ama hordhac-sababeed unoqonayaa qorshe wayn oo military oo ladoonayo in dawlado shisheeye toos Somaliya dagaal ugaga qaadaan goobaha argagixisadu fadhido.
Qaraxan ayaa dawlada Soomaaliya durba lagu eedeynayaa inaaney ujeedin ama hamigeedu ahayn ladagaalanka argagixisada, waa sida France 24 sheegaye. Waxaa kale oo wada hadaladii dhexmaray Raysal Wasaase Abbey Axmed iyo Farmaajo ay ujeedkoodu ahaayeen in si'mida loola dagaalamo argagixisada. Waxaa runtii ayana xusid mudan in muddo laba usbuuc laga joogo ay ciidamadii abid ugu badnaa ee Itoobiya ay xuduudka uga talaabeen xaga Soomaaliya. Waxaa ayana sidoo kale sheekada ka madhneyn qorshihii Faransiisku waday ee Itoobiya loogu sameynayey ciidamada badda.


Dagaalkanu noqon maayo mid isu taaga, ama ujeedadiisu kaliya ku aadan tahay ladagaalanka argagixisada ee waxuu noqon doonaa mid dawladaha danaha Kala duwan ka leh Soomaaliya ay dalkaas gudihiisa ku hirdamaan, taasoo xataa qaraxii dhawaa lagula beegsaday ingineeradii Turkiga ahaa.

Waxaan dhamaanteen ognahay in arrimaha wadanka Soomaaliya uu dhinac kasta ka cakiran yahay, waa haday tahay doorasho iyo isfaham maamul goboleed.
Maadaama oo qorshe cad oo doorasho aan dawladu la' iman, maadaama oo xisbiyadii mucaaradku diyaar uyihiin markey wakhtiga doorashada gaadho in wax kasta oo Farmaajo xilka lagaga tuuri karo ku kacayaan, ayaa waxaa laga war-war qabaa in dhibaato iyo xadilooni daro ka dib uga abuuranto Soomaaliya.

Hadaba marxaladan ayaa umuuqata in dagaal balaadhan lagu qaaado argagixisada loona qorsheeyo habkii wada jirka Daacishka loogaga sifeeyey dalka Ciraaq. Inkasta oon lagaranayn waxa kasoo bixi doona ayaa hadana madaxweyne Farmaajo waxaa asagu ku faraxsan yahay in arrintanu noqon doonto mid doorashada war-war ku ka haysto dib udhigi doonta, qancin doonta xisbiyada mucaaradka.
Waxaa sidoo kale war-war ka ugu weyni dul hoganayaa dawlad goboleedyada oo dagaalkanu noqon doona mid siyaasad ahaan iyo cudud ahaanba lagaga adkaan doono, taasina ay tahay sababihii uu madaxweynaha Puntland usbuucii dhawaa dadkiisa ugaga digey asagoo usheegey iney dufaacaan dalkooda, dufeysyadana sii qotaan maadaama oo aaney maanta jirin SSDF iyo in Itoobiya loo carraraa. Waxa uu madaxweynuhu sitoosa u tilmaamey in dad kamida reer Puntland loo adergsanayo burburka Puntland laakiinse ay Puntland jiri doonto oo kuwa horey isugu dayeyba ku guuldaraysteen.

Waxaan sidoo kale la'ilduufi karin in awooda dhaqaale iyo mida ciidan ee Somaliland ku tisqaaday mashquulka iyo mushkiladaha ka jira Soomaaliya ee wiiqay awood mideysan oo Somaliland loogu soo adeegsan lahaa. Waxaase lama huraan ah in Somaliland ay Puntland kula dhaqanto dhaqan iyo dhaqaale isdhexgalka ay jaararkeeda kale kula dhaqanto oo iskaashiga ammaanku ugu horeeyo.

By Sociologist Siciid Ciise Ileeye
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
Full Barnaamij Dhagaxdhiga Iyo Bilowga Wadada Isku Xidha Gobolada Buuhoodle Iyo Saraar
DAAWO: FULL KHUDBADII SIYAASI MAXAMUUD XAASHI KA JEEDIYAY MUNAASIBAD WEYN OO DALKA SWEDEN CAASIMADA STOCKHOLM LOOGU SAMEEYAY
WARGALIN DAAWO: SIYAASIGA WEYN EE MAXAMJJD XAASHI CABDI OO KUSOO JEEDA WADANKA JARMALKA IYO JAALIYADA DALKAAS EE JSL OO SOO DHAWEYN MUGLE U DIYAARIYAY
OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
WAREYSIYO