Monday July 06th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Xisbiga Wadani Komiishankii Hore Waxay Diidanaayeen Muddo Laba Sano ah, Maantana Waxay leeyihiin Waanu aqbalnay, Taasi Waxay Muujinaysaa in Aanay Wadani Doorasho Diyaar u Ahayn.

0
Monday December 30, 2019 - 18:13:44 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Wadani Komiishankii Hore Waxay Diidanaayeen Muddo Laba Sano ah, Maantana Waxay leeyihiin Waanu aqbalnay, Taasi Waxay Muujinaysaa in Aanay Wadani Doorasho Diyaar u Ahayn.

    Xisbiga Wadani Komiishankii Hore Waxay Diidanaayeen Muddo Laba Sano ah, Maantana Waxay leeyihiin Waanu aqbalnay, Taasi Waxay Muujinaysaa in Aanay Wadani Doorasho Diyaar u Ahayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Wadani Komiishankii Hore Waxay Diidanaayeen Muddo Laba Sano ah, Maantana Waxay leeyihiin Waanu aqbalnay, Taasi Waxay Muujinaysaa in Aanay Wadani Doorasho Diyaar u Ahayn.
Sida aynu ka wada warqabno muddo laba sano haatan laga joogo ayaa ka soo wareegtay maalintii xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ku dhawaaqeen in aany gelayn doorasho ay qabanayaan komiishankaa waqtigoodu dhamaaday. Si kasta waa la isugu deyey in xisbiga
Wadani lagu qanciyo in ay ogolaadaan in ay doorashada qabtaan gudidaasi, taasna dhaar bay ka mareen in aanay qabanayn doorashada goleyaasha degaanka iyo wakiilada komiishankaasi, iga oo keeni kari waayey eed cad oo ay u haystaan.
Gudidii doorashooyinka ee xisbiga Wadani ka dhaarteen waqtigoodii waxaa uu dhamaaday muddo bil haatan laga joogo, waxaana la sameeyey gudidi cusub oo doorashayinka wadi doona, taasna xisbiga Wadani ay diideen in ay xubintoodii keenaan. 


Hadaba waxay ummadda reer somaliland la yaabtay markii ay xisbiga Wadani yidhaahdeen waxaanu aqbalnay in la soo celiyo gudidii doorashooyinka ee ay labada sanadood diidanaayeen, taasoo ummadda ku noqotay fajiciso iyo amakaag. Sidoo kale
muujinaysa in aan xisbiga Wadani doorasho diyaar u ahayn, balse xaalkiisu yahay ila
meerayso. Arrintani waxaa kale oo ay muujinaysaa in aanu xisbiga Wadani aanu lahayn qorshe siyaasadeed iyo mid hoggaamineedtoona, balse ay la mid yihiin koox riwaayad jilaya oo aan hadaf kale lahayn. Sidoo kale waxaa ka muuqata in xisbiga Wadani hoggaan xumo
baahsan iyo maamul xumo hadhaysay, taasoo keenaysa mustaqbalka in aanu sii jirin xisbiga Wadani, hadii aan la dabo qaban oo aan siyaasad xumada haysata aan wax laga bedelin.

Waxaa kale oo cad in shacabka reer somaliland ay si fiican u fahmeen in xisbiga Wadani, aanu doorasho diyaar ahayn, ka dib markii ay aqbaleen komiishankii ay diidanaayeen labada sanood ee buuxa, waxay shacabka somaliland fahmeen in xisbiga Wadani uu
doonayo muran iyo is qab-qabsi, balse aanu lahayn mustaqbal hoggaamineed oo uu dalka
iyo dadkaba ku maamulo aanu lahayn. Xisbiga Kulmiye iyo guud ahaan xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxay mudadaa diyaar u ahaayeen in dalka ay doorasho ka dhacdo,
waxayna geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay xisbiga Wadani ugu qancin lahaayeen in ay doorasho galaan, balse taas waa loogu caal-waayey xisbiga Wadani, keli ah waxaa laga bartay muran iyo waa nala dhacay, taasina waa mid caado u noqotay
xisbiga Wadani.

Ugu danbayntii waxaan odhan lahaa bulshada somaliland, si fiican baad u fahamteen in aan xisbiga Wdaani doorasho diyaar u ahayn, balse uu diyaar u yahay qas iyo muran joogta ah, waxaad ogtihiin in ay diideen in ay keenaan xubintii uga qayb geli lahayd
xisbiga Wadani oo ay la noqdeen, iyada oo ay waqtigan shaqaynayaan lixdii xubnood ee
kale.
Cabdilahi Axmed, Cabdilahi Yare.
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
WAREYSIYO