Tuesday January 28th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Falanqaynta Qoraalka NISA ee qaraxii Ex-control Afgooye W/Q: Cabdiraxmaan Yacqub Xasan

0
Wednesday January 01, 2020 - 14:06:05 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqaynta Qoraalka NISA ee qaraxii Ex-control Afgooye W/Q: Cabdiraxmaan Yacqub Xasan

    Falanqaynta Qoraalka NISA ee qaraxii Ex-control Afgooye W/Q: Cabdiraxmaan Yacqub Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Falanqaynta Qoraalka NISA ee qaraxii Ex-control Afgooye W/Q: Cabdiraxmaan Yacqub Xasan
Hordhac
Qormadan waxaan ku falanqayn doonaa Qoraalkii ay hay,adda Nabad Sugida Somaliya qortay ee ku saabsanaa qaraxii ka dhacay 28/12/2019 ee ex-control Afgoye, Qaraxaas oo waxyeelo badan ka soo gaadhay shacabka. .
30/12/2019 hay,adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa
barteeda twitter ku qortay qoraalkan
" Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu
qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis.”
Qoraalkani oo noqday mid shaki iyo madmadaw badan galiyay ku kalsoonaanta laamaha Amniga ee dawlada fadaralka. Sidoo kalana dhalisay waydiimo badan
oo bulshadu iswaydiinayso . Qoraalkani waxaa lagu fasiri karaa Saddex sababood midkood :-
A. Hawl-gabnimada dhanka maamul iyo sirdoon ee NISA
B. Ka shaqaynta danaha Dalal shisheeye
C. Maro-habaabinta Shacabka Soomaaliyeed


A. Hawl-gabnimada dhanka maamul iyo sirdoon Kadib qoraalkii ka soo baxay hay,adda NISA waxay banaanka u soo saartay
tuhun ay bulshadu ka qabtay hanaanka maamul iyo hawleed ee hay,adda. Sidoo kale habacsanaanta iyo aqoon yarida dhanka fahanka shaqo hawleedka
hay,addaha sirdoon ayaa keentay in xog sidaa u xasaasiya ay soo bandhigaan
iyada oo ay hay,addu dhamayn baadhitaanka . Sidoo kale qoraalkani ka soo baxay hay,adda waxay meesha ka saaraysaa ku
kalsoonaanta laamaha Amniga.

B. Ka shaqaynta danaha Dalal shisheeye

Ma fududa xog ay hay,adda sirdoonku ku soo qortay barteeda twitter ka . waxaana loo qaadan karaa in dhacdooyin badan oo oo qaraxyo iyo dilal
qorshaysan ba lahaa ayna ka dambeyn Alshabaab . Qoraalkaasna wuxuu keenayaa in dib loogu noqdo dhacdooyin badan oo ka dhacay dalka sidoo
kalana in suaalo laga waydiiyo dhacdooyinkaas madaxdii hay,addaha Amniga ee
xiligaas joogay . Dhanka kale baadhista ay wado hay,adda NISA iyo natiijada ka soo baxaysaa
ma noqon karto mid lagu kalsoonaan karo . waayo ma cadayn cida kala shaqaynaysa baadhistaas iyo baahida keentay in
baadhista iyo xogta noocaas ah laga caawiyo ama la wadaagto dal kale.
waase fasir kale oo bulshadu u qaadan karto in jiritaanka hay,addaha amniga ee dawlada fadaralku yihiin laamo hay,addo shisheeye oo dalkeena hooyo ka furan.
C. Maro-habaabinta Shacabka Soomaaliyeed
Qoraalka hay,adda NISA wuxuu u muuqan karaa in shacabka laga jeediyo
cadawga gumaaday ee Alshabaab iyada oo ujeedku yahay in shacabka lagu
abuuro nacayb dal kale iyo dad kale taas oo keensanaysa in dal kale uu ka
faa,idaysto nacaybka iyo xumaha been abuurka ah ee buuxiyay qalbiga iyo
laabaha shacbiga .
si kastaba ha ahaatee waxaa jawaab u baahan weydiimaha ay qabaan shacbiga
soomaaliyeed kuwaas oo ah ;-
1. Ayaa ka dambeeyay ama qorsheeyay qaraxii Zoobe ?
2. Maxaase shacbiga loogu soo bandhigi waayay natiijadii baadhista ?
3. Dalkee ayaa ka dambeeyay ama qorsheeyay Qaraxii Ex-control Afgoye ?
4. Dalka qorsheeyay Qaraxaas ayuu gacan saar la leeyahay ?
5. Maxay tahay sababta loo soo bandhigay hordhaca baadhista ?
6. Waa maxay baahida keentay in dal kale uu ka qayb qaato Baadhista ?

Contact
Abdoulrahman Ya’Qub Hassam
Borama, Awdal, Somaliland
Jacobhassam@gmail.com
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
Full Barnaamij Dhagaxdhiga Iyo Bilowga Wadada Isku Xidha Gobolada Buuhoodle Iyo Saraar
DAAWO: FULL KHUDBADII SIYAASI MAXAMUUD XAASHI KA JEEDIYAY MUNAASIBAD WEYN OO DALKA SWEDEN CAASIMADA STOCKHOLM LOOGU SAMEEYAY
WARGALIN DAAWO: SIYAASIGA WEYN EE MAXAMJJD XAASHI CABDI OO KUSOO JEEDA WADANKA JARMALKA IYO JAALIYADA DALKAAS EE JSL OO SOO DHAWEYN MUGLE U DIYAARIYAY
OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
WAREYSIYO