Monday July 06th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Agaasime Cumar Sayid Masuul Isku Darsaday Khibrad Shaqo Iyo Waxqabadka Muga leh ee ay Ku Talaabsatay Wasaaradiisa Gaadiidku.

0
Wednesday January 01, 2020 - 14:11:23 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 527
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasime Cumar Sayid Masuul Isku Darsaday Khibrad Shaqo Iyo Waxqabadka Muga leh ee ay Ku Talaabsatay Wasaaradiisa Gaadiidku.

    Agaasime Cumar Sayid Masuul Isku Darsaday Khibrad Shaqo Iyo Waxqabadka Muga leh ee ay Ku Talaabsatay Wasaaradiisa Gaadiidku.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasime Cumar Sayid Masuul Isku Darsaday Khibrad Shaqo Iyo Waxqabadka Muga leh ee ay Ku Talaabsatay Wasaaradiisa Gaadiidku.

Masuulka haya xil-dawladeed oo hawlbowle ah, isla markaana leh, aqoon, khibrad shaqo, firfircooni dhalinyaronimo iyo daacadnimo leh, waxa uu Hayadda uu qaranka uga wakiil yahay ka dhigaa mid tisqaada, oo umaddu mahadiso adeegga ay u bulshada u qabato.

Sidaas daraadeed waxa nala qumanaatay Maanta inaynu qormadeenan kusoo qaadano waxqabadka balaadhan ee bulshadu mahadisay ee ay ku talaabsadeen wasiirka Jidadka Cabdilahi Abokor Cismaan iyo Agaasimaha guud ee wasaarada Gadiidka Md. Cumar Sayid Cabdilahi oo ah mishiinka wareejiya hananka shaqo ee wasaaradaas, isla markaana wasaaradaas ka dhigay hurmuudka Hayadaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi kuwooda ugu waxqabadka badan, ee bulshadu sida weyn u majiiranayso.

Agaasime Cumar Sayid waxa uu leeyahay Khibrad maamul, oo hadda madaxa-lasii gelaysaa 10-sanadood iyo weliba aqoon dhinacyo badan, waxanu madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Siilaanyo 11/1-2013-kii u magacaabay agaasimaha guud ee wasaarada Duulista iyo hawada Somaliland, waxanu xilka la wareegay 115/2013-kii. Agaasime Cumar Sayid waxa uu wasaaradaas duulista gaadhsiiyey meel-sare, isla markaana waxa uu horumariyey hananka shaqo ee madaarada dalka, gaar ahaan ka caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, Agaasime Cumar waxa uu lasoo shaqeeyey afar wasiir oo soo maamulay Wasaarada Duulista xiligii Madaxweyne Siilaanyo, waxanay kala ahaayeen Maxamuud Xaashi Cabdi, Cismaan Saxardiid, Cumar iyo weliba Farxaan Aadan Haybe, intabana waxa uu kula shaqeeyey si hufan oo ay ka amaan sheegteen madalahoodii xil-wareejinada.

Hadaba, Akhristee agaasime Cumar Sayid Cabdilahi hadda waa agaasimaha guud ee Wasaarada Jadiidka iyo Jidadka Somaliland, waxanu noqday shaqsi laba sanadood gudahood wasaaradaas ku gaadhsiiyey tisqaad iyo horumar balaadhan, isagoo ka hirgeliyey wasaaradda nidaamyo shaqo oo la mahadiyey, waxana dadka u dhow-dhow ee hawladeenada wasaaraddu ku tilmaameen inuu yahay Agaasime isku darsaday khibrad maamul, daacadnimo, Karti iyo inuu yahay masuul ay mahadisay wasaarada horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka.

Agaasime Cumar Sayid waxa uu had iyo goor-si dhow ula socdaa mashaariicaha waaweyn ee Wasaaradiisu ka waddo dalka sida Wadooyinka ay wasaaraddu dhisayso, ee ay kamid yihiin Wadada Ceerigaabo, wadada Berbera Corridor iyo qaar kaloo badan, waxanu saacad-saacad u dardar-geliyaa hananka shaqo iyo maamul ee wasaaradiisu bulshada u qabanayso. La soco qaybaha dambe iyo warbixin ay qodob-qodob ugu dul istaagi doono waxqabadka agaasimaha Wasaarada Gaadidka Somaliland Md. Cumar Sayid.

Waa Bilahii Tawfiiq

Cabdifatax Cali Faarax

Hargeysa/Somaliland.

 
 
 
Attachments area
 
 
 

Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
WAREYSIYO