Sunday January 26th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

KHUDBADDII DENI WAA HADAL MELEGII GALAY, WAASE LOOGA DANBAYN!

0
Wednesday January 01, 2020 - 20:48:35 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KHUDBADDII DENI WAA HADAL MELEGII GALAY, WAASE LOOGA DANBAYN!

    KHUDBADDII DENI WAA HADAL MELEGII GALAY, WAASE LOOGA DANBAYN!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
KHUDBADDII DENI WAA HADAL MELEGII GALAY, WAASE LOOGA DANBAYN!

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhowaan ka hadlay xarunta PDRC. Madaxweynuhu wuxuu ka sheekeeyey siday ku unkantay maamulka Puntland iyo waddadii loo soo maray in 1998 lagu dhiso maamulka Puntland oo uu sheegay inuu ka koobnaa "Shan gobol iyo Degmada Buuhoodle". Gobolladaasi waxay ahaayeen, gobolka Mudug, Nugaal, Sool, Sanaag, Bari iyo degmada Buuhoodle.

Nasiib darrada jirta iyo caqli xumida madaxweyne Deni waxay soo baxday markuu geeddi-socodkii dhismaha Puntland ka hadlayey kama uusan wada hadal shantii gobol iyo degmada Buuhoodle ee ee uu sheegay inay Puntland ku midoobeen 1998. Waxa keliya ee uu ka sheekeeyey saddexda gobol ee Bari, Mudug iyo Nugaal (SSDF). Sidoo kale waxa xilliyadaa jirey saddex urur siyaasadeed oo kala ahaa SSDF, USP iyo ururkii dadka degaanka Galdogob ee gobolka Mudug ee uu hoggaamiyaha u ahaa Cali Ismaaciil C/Giir, Deni SSDF keliya ayuu ka hadlay ,kuna soo koobay inay Puntland samaysay.

Bal haddaba anna taariikh gudub socotay taa Deni aan soo bandhigo. Taariikhdaas oo aan ugu yeedhayo inay tahay "qaabkii uu ku aasaasmay maamulka Puntland". Haddii taariikh weli socota oo dadkeedii nool yihiin la xaafadeeyo, maxaad ka filan kartaa taariikhihii tegey! Anigu SSDF ka hadli maayo waxa aan ka hadlayaa shilinka dhinaciisa kale.

Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib, sida Deniba sheegay dadkii Soomaaliyeed reer waliba degaankii ay asal ahaan ka soo jeedeen ayuu ku laabtay. Badhtamihii 1991 waxa isku daygii ugu horreeyey ee Soomaali dib loogu unkayo lagu qabtay waddanka Jabuuti. Shirkaasi waxa majaraha u qabtay madax hore oo Soomaaliyeed iyo afar urur siyaasadeed oo metelayey afar reer oo Soomaaliyeed. Waxayna afartaasi kala ahaayeen SNM, SPM, USC iyo SSDF.

Markii shirkaasi soo gebageboobay waxa magaalada Nairobi siyaasiyiintii iyo aqoonyahankii gobollada Sool iyo Sanaag (Warsangeli iyo Dhulbahante) ay go'aan ku gaadheen inay samaystaan urur siyaasadeed oo metela degaannadooda kana shaqeeya danaha degaannadooda. Halkaa waxaa lagu buddhigay urur loogu magac daray USP. Magacani hore ayuu u jiri jirey dib baase boodhka looga jafay. Laga bilaabo aaasaaskii ururkan oo la aasaasay dabayaaqadii 1991kii, meel kasta oo Soomaaliyi ku shirayso ama danaha Soomaaliyeed lagaga hadlayo waxa Dhulbahante iyo Warsangeli siyaasadda u meteli jirey ururkan USP.

Ururka USP wuxuu ka qayb galay:


1) Shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee Addis Ababa 1993
2) Shirkii Soodare ee Nov 1996 ilaa Jan 1997.
3) Shirkii Qaramada Midoobay ku qabteen xaruntooda Girigiri (Nairobi) 1997.
4) Shirkii Qaahira Dec 1997.

Waxa kale oo intaa dheeraa in reerka Dhulbahante ay 1992 unkeen maamul loogu magac daray maamulkii Khusuusida oo lagu qabtay magaalada Boocame (Boocame one). Shirkaas waxa lagu go'aansaday gole Khusuusi iyo guddi fulineed oo ka shaqeeya danaha degaannada reerku dego. Waxa kale oo xigey shirkii Boocame two 1996 oo dib loogu cusboonaysiiyey hoggaamiye Maxammed Cabdi Xashi inuu noqdo hoggaamiya siyaasadda Dhulbahante iyo guddoomiyaha USP. Sidaa si la mid ah Warsangeli waxa danahooda hoose u hogaaminayey guurti iyo waxgarad beeshooda ah ilaa intii laga soo gaadhayey aasaaskii Puntland 1998.

Marka laga tago shirarkii baadi-goobka soo celintii dawladnimadii burburtay oo ururka USP kala sinnaa ururadii kale ee Soomaaliyeed, ururka USP wuxuu galay dagaal siyaasadeed oo lagu xaqiijinayo in aan ummada Soomaaliyeed lo kala goy karin. Siyaasiyinntii iyo aqoonyahankii ku baahsanaa daafaha caalamka ee reer USP waxay xafiisyada siyaasadda caalamka, sida Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Ururkii Midowga Afrika iyo dawladaha miisaanka culus leh ku kala bixiyeen kulammo ay ka digayaan inaan midnimada Soomaaliya lagu xadgudbin, iyo in degannadooda iyo dadkoodu toonna Somaliland aanay ka mid ahayn kulana socon goosashada. Ururka USP iyo dadka uu metelaa waxay ahaayeen cidda keliya ee Soomaaliyeed ee xaqiijisay, naf, maal, waqti iyo aqoonna ku bixisay isku haynta dalka iyo dadka jamhuuriyadda Soomaliyeed.

Markii lagu soo hungoobay shirkii Qaahira Dec 1997, waxa bilaabmay guux siyaasadeed oo hor leh, waxana SSDF oo markaa khilaaf ba'ani u dhexeeyey ay shir ku qabsadeen magaalada Garoowe. Sidoo kale madaxdii USP oo markaa ay hoggaminayeen Guddoomiye Maxammed Cabdi Xaashi iyo Maxammed Cawed Casharo oo ku xigeen ahaa waxay bilaabeen shirar dib u tashi iyo qiimayn ah tallaabada xigta ee la gudboon. Aakhirkii waxa la go'aansaday in nimankaa shirka Garoowe ku ballansan oo qaar markaa joogeenba Garoowe gudaheeda loo diro ergo leh siyaasiyiin iyo dhaqanba loona soo bandhigo in ay habboon tahay in cududooda la mideeyo (SSDF & USP) si garab laysugu noqdo siyaasad ahaan iyo amni ahaanba, maadaama koonfur iyo waqooyiba cadaadis ka saaran yahay labada kooxood. Waxa kaloo loo sheegay in SSDF aanay horena siyaasadda ugu midoobin (burburkii hortii iyo dabadii toonna) haddana ay adag tahay inay ku midoobaan maadaama ay ishaynta labadn garab SSDF (C/lahi Yusuf vs Maxammed Abshir) muddo soo jiitamaysey. Waxa loo soo bandhigay in golahana la balladhiyo, hadafkana la beddelo oo lawada dhisto maamul lagu midaynayo SSDF, USP iyo ururkii uu hoggaanka u ahaa Cali I, C/Giir ee SNDU.

Qodobka kale ee Deni ka been sheegay wuxuu ahaa inuu yidhi hadal nuxurkiisu ahaa "SSC iyo Khaatumo waxay ka dhasheen Maxaakiimtii Xamar"! . Deni waxaanu is weydiin goorta ay ay Midowgii Maxaakiimtu abuurmeen iyo xilliga ay ay xijaabteen. Midowga Maxkamudu wuxuu bilaabmay July 2006 waxaana Dawladii TNG-du Xamar soo gashay Dec 2006. SSC na saddex waxa lagu dhawaaqay badhtaihii Oktoobar 2009. Khaatumona waxa lagu dhawaaqay Jan 2012 (shan sano dabdeed burburkii maxkamadaha).
Waxa kale oo muhiim ah in Deni uu dafirayo ama garasho xumo u geynayso inuu ka been sheego sababaha keenay SSC, Kaatumo iyo weliba dagaaladii Majoyahan iyo Buuraha Galgala, arrimahan oo dhan waxay ka dhasheen isiyaasad xumada maamulka Puntland oo ka soo bixi waayey waajibaadkiisii maamul iyo amni.

Muuse Suudi Yalaxoow ayaa weriye maalin weydiiyey "Muusoow waxa lagugu eedeeyaa inaad ururlka Al-itixaad ka tirsan tahay". Muuse wuxuu ku jawaabay sida laga weriyey "horta ma tukutaa ma ka horreysoo". Deiyoow hoggaamiyeyaashii SSC iyo Khaatumo waa kuxigeenkaaga Axmed Karaash iyo Wasiirkaaga Cali Sabarey cumaamad iyo koofiyad toonna kuma aragnee bal iska hubi inay maxaakiimtii ahaayeen iyo in kale! Haddayse maxaakiimtii ka mid ahaayeen, dee markaa maamulkaaga Puntland baaba maxiimtii ah. Horena Dam-Jadiid iyo Aaran-jaan baa laydinku xaman jirey.

Gebagebadii waxaan leeyahay Deniyoow Shilinku laba dhinac buu leeyahay intaadan goleyaasha imaan labada dhinac ee shilinka si isku mid ah u soo fiiri.

Waxaan kale oo leeyahay Deni waa inuu xaal ka bixiyaa hadalladii aanu u meesha deyin ee uu golaha ka saydhay oo ay ka midka ahaayeen.
1) Kufsiga taariikhdii aasaaska Puntland.
2) Ka been abuurashada aasaaskii SSC iyo Khaatumo isagoo ujeedooyin gurracan ka leh iyo weliba sabaihii keenay aasaaskooda oo uu ka been sheegay.
3) Ku digashada dadkii 200 ee qof gaadhayey ee shacabka ahaa ee maamulka Somaliland dhulkoodii ku soo weeraray kuna gummaaday berkedohoodii iyo guryahoodiina dabka qabadsiiyey. Deni dadkaa maamulka Puntland dastuurka ugu qoran ee uu u dhartay wuxuuu ku sifeeyey dad maxaakiimtii abaabuleen oo argaggixiso ah.
4) Dagaalladii buuraha Sanaag ee xilligii Cadde Muuse bilaabmay oo uu iyana ka been sheegay sababihii ay ku bilaabmeen isagoo weji kale u yeelaya.
"TAASAA LA LEEYAHAY HA IS RAACDO"

Mohamoud Ibrahim(Xaaji).

Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
Full Barnaamij Dhagaxdhiga Iyo Bilowga Wadada Isku Xidha Gobolada Buuhoodle Iyo Saraar
DAAWO: FULL KHUDBADII SIYAASI MAXAMUUD XAASHI KA JEEDIYAY MUNAASIBAD WEYN OO DALKA SWEDEN CAASIMADA STOCKHOLM LOOGU SAMEEYAY
WARGALIN DAAWO: SIYAASIGA WEYN EE MAXAMJJD XAASHI CABDI OO KUSOO JEEDA WADANKA JARMALKA IYO JAALIYADA DALKAAS EE JSL OO SOO DHAWEYN MUGLE U DIYAARIYAY
OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
WAREYSIYO