Sunday January 26th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Tacsi tiiraanyo leh,marxuumad Caasha-Baar Muse,oo Hargeysa ku geeriyootay

0
Saturday January 04, 2020 - 10:02:46 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tacsi tiiraanyo leh,marxuumad Caasha-Baar Muse,oo Hargeysa ku geeriyootay

    Tacsi tiiraanyo leh,marxuumad Caasha-Baar Muse,oo Hargeysa ku geeriyootay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Tacsi tiiraanyo leh,marxuumad Caasha-Baar Muse,oo Hargeysa ku geeriyootay
انا للة وانا الية راجعون
Anigoo ku hadlaya magacayga,Eng Mohamed Ali Muse,ka qoyska iyo caruurtayda,,waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii, caruurtii ,ehelkii, qaraabadii, xigaalk ii,gacalkii,asxaabtii, Mujaahidiinta SNM iyo dhammaan shacabka reer Somaliland,geerida naxdinta leh ee ku timid Edaday Caasha Muse,oo ku magac dheereyd Caasha-Baar,oo maanta oo Jimce ah,3 January 2020, ku geeriyootay magaalada Hargeysa,aas Qaranna loogu sameeyey magaalada Gabiley.


Marxuumad Caasha-Baar,waxay ahayd Hooyadii Somaliland,Hooyadii Gobolka Gabiley,waxaanay ka mid ahayd Mujaahidintii naf iyo maalba ku bixiyey halgankii dib u xoreynta ee Jamhuuriyada Somaliland,illaa maantana qayb libaax ku lahayd dib u dhiska dalka,walaalaynta shacabka,samo-falka masaakiinta iyo dadka danyart ah.

Marxuumad Caasha-Baar, Qadarinta,Magaca,Maamuuska, Qiimaha iyo Karaamada, ay dhex lahayd shacabka Somaliland iyo Qarankaba, waxaa uga markhaatiya ergada ka qayb gashay aaskeedii , ee ka kala yimid Bari illaa Galbeed.Waxaan Edaday Caasha Muse (Caasha-Baar),aan Allaha awooda leh uga baryeyaa inuu naxariistii janno Fardawsa ka waraabiyo, danbi dhaafna u fidiyo, iilka u nuuro , neecaw udgooniyo,ku siiyo naruuro, dhammaanteena samir iyo iimaan innaga siiyo, amiin amiin amiin.



انا للة وانا الية راجعون

Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
Full Barnaamij Dhagaxdhiga Iyo Bilowga Wadada Isku Xidha Gobolada Buuhoodle Iyo Saraar
DAAWO: FULL KHUDBADII SIYAASI MAXAMUUD XAASHI KA JEEDIYAY MUNAASIBAD WEYN OO DALKA SWEDEN CAASIMADA STOCKHOLM LOOGU SAMEEYAY
WARGALIN DAAWO: SIYAASIGA WEYN EE MAXAMJJD XAASHI CABDI OO KUSOO JEEDA WADANKA JARMALKA IYO JAALIYADA DALKAAS EE JSL OO SOO DHAWEYN MUGLE U DIYAARIYAY
OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
WAREYSIYO