Monday July 06th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

SAXAAFADA: AWOODA 4-aad EE DUNIDA!

0
Sunday January 05, 2020 - 21:40:26 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 535
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAXAAFADA: AWOODA 4-aad EE DUNIDA!

    SAXAAFADA: AWOODA 4-aad EE DUNIDA!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SAXAAFADA: AWOODA 4-aad EE DUNIDA!

Guud ahaanba Saxaafadda, waqtigan xaadirka ah waxa loo aqoonsan yahay inay tahay QUWADA ama AWOODA 4-aad ee Dunida. Saxaafaddu waxay saamayn TOGAN iyo mid TABANBA ku leedahay Nabadgelyada, Degenaanshaha iyo Wada-noolaanshaha Bulshada. Sidoo kale Saxaafaddu waxay saamayn weyn ku leedahay Horumarka iyo Hiigsiga ay leeyihiin Bulshooyinka Caalamku.

Haddaba, Waddamada Dunida ee ku dhaqma nidaamka Dimuqraadiga ah ee ay ka taliyaan Xukuumado ku yimid rabitaanka shacabka, Dastuurkuna uu dammaanad qaaday Xorriyatul-Qowlka iyo Saxaafada Xorta ah; waxay badanaaba ku dedaalaan in aan looga dheerayn kasbashada Ra'yiga iyo Dareenka Bulshada.

Xukuumadaha ku dhisan hannaanka Dimuqraadiga ah


waxay si XEEL-DHEER oo FARSAMAYSAN u qaataan doorkooda iyo saamayntooda xagga Warbaahinta, Wararka iyo Dhacdooyinka maalinlaha ah. Waxay mar walba ku dedaalaan in aan laga qabsan Dhegaha iyo Indhaha Cod-bixiyeyaasha oo ah halka loo tartamayo.

Dhinaca kale, waxay badanaaba aad uga taxadiraan in Saxaafadda Xorta ah la saaro cadaadis, caga-juglayn, cabudhin ama in si aan sharciga waafaqsanayn Saxaafada xabsiga loogu taxaabo.

Taa bedelkeeda, Xukuumadaha Dimuqraadiga ahi waxay ku dedaalaan inay la Tartamaan Saxaafadda Madaxa banaan oo iyagu saamayn weyn ku leh Bulshada.

Hadaba Su'aashu waxa weeyi: Sidee bay Xukuumaduhu ula tartami karaan Saxaafada kale? Waxay kor u qaadaan Tayada iyo Awooda Warbaahinta ay Xukuumadu maamusho (aqoon ahaan, farsamo ahaan iyo xaga agabkaba) taasoo u suurto gelin karta in wararka Xukuumaddu ay noqdaan kuwo tayo leh oo Bulshada saamayn ku leh.

Hussein Adan Igeh (Deyr)

Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
WAREYSIYO